Abwaanka Soomaaliyeed ee caanka ah isla markaana ah Aaabah luuqada Soomaaliyeed, Macalinka Afkeena hooyo, Al Ustaad Saciid Saalax Axmed ayaa si diiran oo la yaableh loogu soo dhoweeyey Magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag kadib markii uu Booqasho ku yimi Dalka Soomaaliya.
Ustaad Saciid Saalax Axmed oo ah bare wax ka bara Jaamacad Mareekanka ku taala ayaa intii uu dalku ku jirey bur bur iyo amni darada aan iman Soomaaliya ayaa waxaa soo dhoweyntiisii kasoo qeyb galey dad weyne aad u tiro badan oo isla markaana Aqal Soomaali macalinka kusoo dhoweeyey.
Hadaaftimo oo ah saldhiga Saldanada ugu faca weyn ee geyiga Soomaaliyeed ayaan waxba ula kala harin soo dhoweynta macalinka iyadoo ay dadku isugu soo banaan baxeen barxadaha waaweeyn ee degmada ku yaala isla markaana markuusan soo gaarin banaanka magaalada uga hortegey halyeeyga afka Soomaaliga.
Daawo Sawirada Soo dhoweynta Abwaanka






Print
Email