Waxaa maalintii Jimcaha aheyd ee ay taariikhdu aheyd 13kii Bishan July ee sanadkan kusoo xirtey Magaalada Laasqoray Markab ah kuwa waaweyn oo xoolaha Qaada isla markaana adeeg dayac tir ah loogu sameeyey magaalada Laasqoray kadibna kasii badmaaxayabaaro Makhribkii isagoo kusii jeeda magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari.
Markabka oo lagu magcaabo M.V. AHMED N ayaa waxa marka uu kusoo xirtey Laasqoray looga sameeyey dekeda Maakhir Dry Docks adeegyo kala duwan oo lagu dayac tirey markabkaas, adeegyadaas waxaa ka mid ahaa ALXAN, RANJI iyo SANDBLASTING.
M.V. AHMED N waa markab aad u baaxad weyn oo ah kuwa xoolaha nool ka qaada Dekedaha Berbera iyo Bosaaso, waxana uu markabkani qaadi karaa xoolo tiradoodu kor u dhaafeyso 25kun oo neef iyadoo Maakhir Dry Docks ay markabkaasi ka haqab tirtey dhamaan adeegyadii uu baahnaa.
Maakhir Dry Docks waxay laga fuliyey Magaalada Laasqoray waxay qabataa adeegyo aysan laheyn dekedaha waaweyn ee ku yaala magaalooyinka Berbera iyo Bosaaso waana tan keentey in Markabku uu kusoo xirto Laasqoray isla markaana adeegii markabku uu u baahnaa looga haqab tiro goobtaas.
Mar ay Warbaahinta LaasqorayNET la xiriirtey maareeyaha MRC waxaa uu noo sheegay in Dekedu [Maakhir Dry Docks] ay tahay mid qabata adeegyada daruuriga ah ee maraakiibta iyadoo ay weli socoto howshii Dhismaha Dekeda Laasqoray iyadoo Surveygii uu geba geboobey isla markaana wejigii labaad insha allah loo gudbayo.
Waa guul usoo hoyatey Umada Reer Maakhir maadaama uu markabka M.V Ahmed N uu noqdey kii ugu horeeyey oo adeeg ka hela Maakhir Dry Docks isla markaana hawshiisii ay si fiican ugu gudatey.
LaasqorayNET


Print
Email