Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka socday Bishii ugu danbaysay Shirwayne ay yeelatay Beesha Reer Garaad iyo Bah-wadaagtooda, shirkan waxaa ka soo qayb galay dhamaan beelaha kale ee Warsangeli oo iyaguna soo dhoweeyey Caaqilka Beesha Reer Garaad iyo bah-wadaagtooda , ugu duceeyey in midnimadaas ilaah u adkeeyo, Shirkan ayaa loogu magacdaray DANGARAD oo ay beeshu ku dooranaysay Nabad-doon (ka) Reer Garaad iyo Bahwadaagtooda.
Munaasabadii caleema saarka islamarkaana lagu soo xidhaayey shirwaynihii halkaasi ka socday aya waxaa ka soo qayb galay Isimo, Aqoonyahan, Qurba joog iyo Bulshada qaybhaeeda kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Badhan , waxaana halkaasi lagu Caleema saaray Caaqil Maxamed Cismaan Sugulle oo noqday Caaqilka Beesha Reer Garaad iyo Bah-wadaagtooda.
Shirkan lagu Caleema saaraay Nabad-doon Maxamed Cismaan Sugule ayaa waxa goob-joog ahaa suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisaan Suldaan Maxamuud Cali Shire oo shirkaasi shir guddoominaayey.
” Waxaan aad ugu mahadnaqanayaa dad wayanaha sharafta leh ee ka soo qayb galay maanta Munaasibadan lagu doortay Nabd-doon Maxamed Cismaan Sugule, beelkastana ay isturxaan bixiso gudiheeda, beelaha kale ee walaalohood ahna ay uga gudbaan dhibaatada, nabaduna halkaasi ka bilaabmato ayna saameeyso ilaa dibad ilaa gudaha, ilaa derisyada ama magaca guud ee mandaqadaba. Markaa arimahaas aad baan u soo dhoweynayaa beeluhuna shirarkooda, ay shirayaan, isturxaan bixinayaan, isku imanayaan, halkaasina bays waxay u noqnaysaa nabadda guud mandaqadda”.- Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire
Intaasi ka dib waxaa isna halkaasi ka hadlay Cabdillaahi Cabdi Ibraahim isagoo halkaasi ka soo jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
”Shirkan Caleema saarka ah ee halkan la isgu yimid iyo Beelaha xigtada ah, beelaha qaybahooda ah waan salaamayaa. Intaasi ka dib; Shirkan aanu Walaalahayaga ku marti gelinay oo Shir Taleedka ah ee DANGARAD ayuu ahaa ujeedadiisu kadib markii Beeshu aragtay in tafaraaruqu xagga Islaamnimada iyo xagga Dadnimada, Iyo xagga Xigtinimada in aanay midna ku wanaagsanayn!” Cabdullaahi Cabdi Ibraahim
Sidoo kale waxaa ka hadlay shirka Nabad-doonka cusub, Nabad-doon Maxamed Cismaan Sugule oo shirkaasi ka jeediyey hadalo kooban dad waynihii shirka isugu yimid ka codsaday in masuuliyaddaas iyo xilkaas wayn loogu duceeyo.
”Shirkan ay ka soo qayb galeen dadkani baaxaddaas leh, Boqor leh, Suldaan leh, Cuqaal, Culimaa-u-Diin leh , Aqoonyahan, Guurti, Haween, oo caleema saarkayga ka soo qayb galay, marlabaad, caddadka Qur’aan(ka) baan ku salaamayaa.
Intaasi haddaan ka gudbo , Dadkan isagoo mid kastaa carrabkiisa Ilaahay ogyahay, khayrna ku dhugtay, waxaan ka baryaa xilka la ii doortay in Ilaahay ii sakhiro iigu ducaayaan”.ayuu yidhi – Nabad-doon Maxamed Cismaan Sugule
Cabdirisaaq Cali xarbi ayaa halkaasi ka akhriyey qodobadii shirka ay beeshu isku raacday waxaa ka mid ahaa
- Midnimada Beesha degaanka in lagu dadaalo .
- In la taageero dhamaan mashaariicda horumaineed .
- In nabadgelyada la adkeeyo .
- In wixii khilaafaad ah lagu xalliyo wada hadal iyo is-afgarad.
- In meel looga soo wada jeensado joojinta dhuxusha iyo wixii keenaya xaalufinta degaanka.
Ugudanbayntii Munaasabadii Caleema saarka ayaa waxa uu ahaa mid farxadi ka muuqatay, halkaasina loogu hambalyeynaayey nabad-doonka, waxaa ka hadlay Masuuliyiin, Nabad-doono, Culimo iyo Guurti, kuwaasoo kasoo qaybgalay Munaasabadii caleema saarka Nabadoon: Maxamed Cismaan Sugule.
- Axmed Sheekh Saalax
- Siciid Maxamed Maxuud (gojax)
- Daahir Cali Cabdi
- NB . Maxamed siciid Cabdi
- Sh. Khaliif Xuseen Kamiin
- Siciid Faarax Xirsi.
- Cabdi Faarax Warsame ( Cabdi dheere)
- Maxamuud Axmed Barre ( Madoobe)
- Shiikh Cabdulqaadir Axmed Ismaaciil
- Cabdifataax Siciid Cismaan Awaare.
- Cabdi Axmed Geeldoon
- Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ( Black )
- Cabdirisaaq Faarax bile
- Inj. Yaxye Maxamed Saalax
- Ibrahim Maxamed Guuleed
- Maayarka degmada : C/risaaq Axmed Ciise
- Cabdullaahi Saalax Cali dabajawaan
- Yuusuf Dirir Guuleed
- Cabdulllaahi Bedel Faarax
- Maxmuud Jaamac Furuqle
Faafin: Laasqoray Net
- Casayr Faarax Bile
- Ka qaybgalayaashii Munaasibadda
- Nabadoon: Maxamed Cismaan Sugule
- Sheekh: Cabdiqaadir Axmed Ismaaciil
- Munasabadii Caleema saarka.
- Shirwaynihii caleema saarka
- Cabdi Axmed Geeldoon
- Axmed Shiikh Saalax
- Suldaan Siciid Cabdi salaan Iyo Nabadoon Maxamed Cismaan Sugule
- Shirkii Caleema Saarka
- Haweenkii ka sooq qyb galay
- Suldaan Siciid suldaan CabdiSalaan
- Barasaabka degmada Badhan: Cabdirisaaq Axmed Ciise (Biibiis)
- Maxamuud Xawar iyo Nabadoon Mxamed Cisman, Abwaan Cali Soomaali



















Print
Email