Loading...
You are here:  Home  >  BREAKING SOMALI NEWS!  >  Current Article

Fadlan ka qeyb qaado dhameystirka Jaamaca Magaalada Badhan [Daawo video]

By   /   August 9, 2012  /   Comments Off

Waxaa sanadihii ugu danbeeyey ka socday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag masjidul jaamac iyo xarun balaaran oo loogu talo galey in diinta Islaamka lagu baro isla markaana door weyn ka cayaari karta hanaqaadka fahanka saxsan ee diinteena suuban.

Qeybta 1aad ee xaruntan ayaa waxa uu  ka kooban yahay Masaajid balaaran oo aad loo qurxiyey isla markaana ah mid aad uga duwan kuwa lagu yaqaano Soomaaliya isagoo masaajidkani uu aad u qurux badan yahay qaadayona dad aad u tiro badan isla markaana noqon doona xudunta xaruntan.

Hadaba warbxin dhowr jeer laga soo qorey ayaa jirtey Markazkan ama xaruntan u  baahan in laga qeyb qaato oo dhameystirkeeda la geba gebeeyo iyadoo dadka kheyrka jecel ee Soomaaliyeed iyo kuwa u dhaashey Gobolka Sanaag laga codsanayaa iney aakhiradooda wax ula baxaan kana qeyb qaataan dhameystirka Masaajidka Assunah ee Magaalada Badhan.

Warbixintii hore halka ka akhriso

Video ga hoos ka daawo.

 

Wixii faah faahin ah ka fiiri jadwalka hoose ee iyo Waxii faahfaahin ah ee gudaha Somalia kala xiriir Adam Xawar, Maareeyaha  Hawar Heights, Badhan, Somalia, Tell: +25258666727, Fadlan kuna xawil wixii tabarucaad ah Mr Adam Xawar, allah ha idinka abaal mariyee.

Comments

comments

    Print       Email

You might also like...

Jubaland-Flag1

Madoobe iyo Fartaag oo la taageerey iyo Dowlada FS oo diidey

Read More →