Loading...
You are here:  Home  >  BREAKING SOMALI NEWS!  >  Current Article

Gobolka Banaadir oo ku guuleystey Horyaalka Somalia

By   /   January 1, 2011  /   Comments Off

Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa aaakhirkii sanadakii tegey waxay heleen wax ay ku farxaan kadib markii xulkoodu uu ku guuleystey Horyaalka Xulalka Gobolada Soomaaliya oo ka socdey 15kii casho ee ugu danbeeyey bishii hada ina dhaaftey ee December 2010.

Xulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka badshey Xulka Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland iyadoo ay uga badsheen 1-0 isla markaana ay sidaasi guushu ku raacdey Gobolka Banaadir.

Waxaa cayaartan oo aheyd mid aad u xiiso badani kasoo qeyb galey madaxda Puntland sida Madaxweynaha Dr Faroole iyo qaar ka mid ah Wasiiradiisa sidoo kale waxaa kasoo qeyb galey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Tarzan.

Cayaaraha xulalka Gobolada Somalia marka laga reebo Gobolada Awdal, Togdheer iyo Waqooyi Galbeed oo dhalintooda ay ka hor istaageen Maamulka ka taliya goboladaas ee Somaliland ayaa waxay sumcad wanaagsan iyo amaan usoo jiiday Puntland.

Caayarahan oo isu keeney dad ku bahoobey Cayaaraha oo mudo 20 Sano ah kala maqnaa ayaa noqoneysa Talaabo wanaagsan oo uu Maamulka Puntland uu qaadey iyadoo ay dadweynaha Puntland ay arintan soo dhoweeyeen.

Isku soo wadad duu duub e waxaa Shacabka Banaadir oo markii ay Kubadu socotey ay ku socotey Madaafiic ay is waydaarsanayeen Dowlada iyo Mucaaradku ay arintan u noqoneysaa mid ay niyada ku diirsadaan.

LaasqorayNET- Garoowe

Comments

comments

    Print       Email

You might also like...

Jubaland-Flag1

Press Release:-On the Formation of Jubaland State of Somalia By Maakhir Community in UK

Read More →