Loading...
You are here:  Home  >  BREAKING SOMALI NEWS!  >  Current Article

Khilaafkii u dhexeeyey Xukuumada iyo Shariif Axmed oo cirka isku sii shareerey

By   /   August 16, 2012  /   Comments Off

Khilaafkii u dhexeeyey Sheekh Shariif oo maalmahan ku mashquulsan magacaabis degmooyin cusub isla markaana aan cidna kala tashan magcaabista degmooyinkaas ayaa waxaa si ba’an uga soo horjeedsadey Xukuumada Soomaaliya ee uu hogaaminayo Raysul wasaaraha Somalia C/wali Gaas iyo inta badan wasiiradiisa marka laga reebo Wasiirka Arimaha Gudaha ee dhinaca Xerta Sheekh Shariif ah.

Kadib markii uu madaxweynuhu uu shirkii Maka kasoo noqdey ayaa waxa uu warsaxaafadeed ku qabtey Aqalka Villa Somalia iyadoo ay ka muuqatey kalsooni ayaa waxa uu ganafka ku dhiftey isla markaana durey xukuumada hada jira isagoo sheegey mar hadii Raysul wasaruhu uu isa soo sharaxay ay xukuumadii ay noqotey mid aanan shaqeyneyn ama awood shaqo lahayn.

Waxaa kaloo madaxweynuh ganafka ku dhiftey oo diidey Wareegtadii ay Xukuumada C/wali ku diidey magacaabista Degmooyinka badan ee uu Madaxweynuhu magcaabey oo marka si loo eego u badan tuulooyin ay degaan Beelaha uu kasoo jeedo ee Hawiye.

Madaxweynuhu isagoo diidan arintaas waxa uu sheegey ineysan xukuumadu shaqo ku laheyn magcaabista degmooyinka isla markaana ay tahey hawl u taala Wasaarada Arimaha Gudaha taasina dadka ku ridey jaah wareer iyadoo wasiirka Arimaha guduhu uu ka mid yahay Xukuumada C/wali soo magcaabey laakinse ay tusineysey xulufeysiga Wasiirka Arimaha Gudaha iyo SHeekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa lagu eedeeyey lunsi xoolo badan oo kor u dhaafey 12MILYAN oo doolar isla markaana UN ay sheegtey in Sheekh Shariif ay xoolahaasi ku maqan yihiin.

Waxaa intaa dheer in Raysul Wasaaruhu uu soo saarey Wareegto isla markaana isagoo R/W adeegsanayo xeerar badan oo ka mid ah Dastuurka waxa uu sheegey ineysan waxba ka jirin magcaabista Degmooyinka iyo weliba dalicinta Saraakiil badan oo beelaha Hawiyey u dhashey oo qaarkood Generals laga dhigay.

Hoos ka akhriso Wareegtadii Raysul Wasaaraha

LaasqorayNET

Comments

comments

    Print       Email

You might also like...

Jubaland-Flag1

Madoobe iyo Fartaag oo la taageerey iyo Dowlada FS oo diidey

Read More →