Loading...
You are here:  Home  >  BREAKING SOMALI NEWS!  >  Current Article

Madaxa USAID oo booqday Muqdisho, lana kulmay madaxweynaha

By   /   February 21, 2013  /   Comments Off

Rajiv-Shan

Madaxa hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta caalamiga ee USAID Rajiv Shah

Madaxa hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta caalamiga ee USAID ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, isagoo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Rajiv Shah, maamulaha USAID uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaa ka dhigeysa mas’uulkii ugu sareeyay maamulka Maraykanka ee booqasho ku taga Muqdisho muddo sanado ah.

Dowladda Maraykanka oo bishii la soo dhaafay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay 20 sano ayaa sheegtay inay ka go’an tahay la shaqeynta dowladda cusub ee uu hoggaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu sheegay Rajiv Shah.

Shah oo shir jaraa’id la qabtay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo dhan 20 milyan oo doollar oo lagu taageerayo mashaariic caafimaad iyo waxbarasho. Shah wuxuu sheegay in Maraykanka uu sidoo kale doonayo inuu Soomaaliya ka caawiyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Wuxuu rajo ka muujiyay mustaqabalka dalka, oo soo maraya dhibaatooyin isugu jira dagaallo, macluul iyo argagaxisannimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hay’adda USAID ay ballan-qaadday inay billowdo dib u dhiska iyo dayactirka xarumaha muhiimka ah u dowladda ee Muqdisho.

LaasqorayNET

Comments

comments

    Print       Email
  • Published: 89 days ago on February 21, 2013
  • By:
  • Last Modified: February 21, 2013 @ 12:26 pm
  • Filed Under: BREAKING SOMALI NEWS!

You might also like...

Jubaland-Flag1

Press Release:-On the Formation of Jubaland State of Somalia By Maakhir Community in UK

Read More →