Waxaa maalintii 2aad magaalada muqdisho ka socda Shirkii lagu ansaxin lahaa Dastuurka Dowlada Soomaaliya kaas oo maalintii shaley aheyd ka bilowday xaruntii hore ee Booliska Soomaaliyeed isla markaana si habsima ah u socda.
Waxaa sidoo kale cabasho muujiyey Dumarka Soomaaliyeed iyagoo shaleyto mudaharaad ka dhigey goobta shirka isla markaana soo qaatey boorar ay ku muujinayaan dareenkooda iyadoo xuquuqda ay dumarku ku lahaayeen ay aheyd iney yeesheen 30% ergeyda ansaxinta hase yeeshee la siiyey tiro intaa ka yar oo lagu sheegey 24%.
Hase yeeshee shirarkii iyo heshiisyadii Garowe 1&2 iyo kuwii kale ee badnaa ayaa waxaa dumarka la siiyey tiradaas gaareysay 30% hase yeeshee aad moodid in ladaba marey heshiisyada.
Waxaa la qorsheynayaa in shirkan lagu ansaxinayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya lagu soo geba gebeeyo ilaa 9maalmood oo ay ku xigi doonto doorashada iyo keenista xubnaha Baarlamaanka isla markaana dooranaya Gudiga Barlaamanka.


Print
Email