Jaaliyada Maakhir ee dalka UK ayaa shir balaaran oo ay igu timi maalintii Axada aheyd ee ay taariikhdu ku beegnayd 11bisha 11aad ee Sanadakan 2012 ayaa waxay kasoo saartey kulankeedii baaq ku aadan Taageerida Dhismaha Dekeda Laasqoray oo ay wado Shirkada Maakhir Resources Company ee uu maamulaha ka yahay Eng Faysal Axmed Yuusuf, Faysal Xawar.
Jaaliyadu sidoo kale waxay Taageertey Maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo oo ay si buuxda u taageertey isla markaana Dowlada Dhexe ee Federaalka ah ka codsatey iney tixgeliso rabitaanka Shacabka Jubooyinka iyo Gedo.
Jaaliyadu waxay sidoo kale ugu baaqdey Waxgaradka Beelaha Deegaanada Maakhir ee Sanaag, Haylaan, Bari iyo Jubooyinka iney ka shaqeeyaan Midnimada iyo isku duubnida iyo iney si cad uga fogaadaan wax alaale iyo wixii keeni karaya hoos u dhaca midnimadooda iyo isku duubnimadooda, wixii khilaafaad hoose ahna ay dhexdooda ka dhameeyaan hadeyba jiraan. Hoos ka daawo!
Wixii faahfaahin ah oo intaa dheer halkan uga bogo! Guji Warsaxaafadeed,



Print
Email