Shirwayne ballaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Jubbaland ee wadanka Sweden ayaa ka dhacday magaalada Stockholm, isla markaana ay ka soo qayb galeen Wakiilo ka kala socdo Jaaliyadaha wadamada Skandenivian-ka oo shirkaasi lagu martiqaaday, ayaa waxa uu ahaa mid shirkaasi diiradda lagu saaraayey laguna muujinaayey taageerida qurba joogta Soomaliyeed u hayaan maamulka Jubbaland ee dhowaan halkaasi laga dhisi doono.
Shirkan oo muhiimadiisu ay ahayd mid ay Jaaliyadu ku lafa guraayeen xaaladiha iminka ka jirra Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Jubbaland iyo xaaladihii ugu danbeeyey.
Waxaa kale oo shirka lagu marti qaaday Beelaha Soomaliyeed ee taageersan Maamulka Jubbaland State oo shirkaasi ka jeediyey hadalo iskugu jirra dhiira gelin, talooyin oo Jaaliyadda Jubbooyinka iyo Gedo u muuqanaayeen kuwo ku faraxsan sida beelaha Soomaliyeed u taageersanyihiin Shirkaasi.
Cabdi Cabdulle Siciid Jini Boqor “ Waxaan rajaynyanaa in Jubbooyinku u samaystaan maamulkooda ikhtiyaarkooda iyo madaxbanaanidooda ” isagoo intaasi sii raaciyey in uu ku faraxsanyahay qorshaha guddiga farsamadu ay hawsha u wadaan ayna yihiin dad khibrad u leh hawsha ay wadaan.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Jubbooyinka ee Wadanka Sweden Nuur Aadan Xassan ayaa ka hadlay muhiimada Shirwaynahan ballaadhan ay u soo qabanqaabiyeen isagoo dhanka kale sheegay in Qurba joogta ka soo jeeda Jubbooyinka ay iyagu muujinayaan taageerida dhan walba ah ay siindoonaan Maamulka Jubbaland ee la filayo wakhtiyada dhow in lagu dhowaaqo “ Shirku waxa uu ku saabsanaa taageerida Jubbaland State haddaanu nahay Dadka deegaankaasi ka yimid iyo Jaaliyadda Jubbaland State ee Dalka Sweden iyo weliba ay ka soo qayb galeen Wakiilo ka kala socda jaaliyadaha kale wadamada Skandenevinka waxaana muuqata in jaaliyadu meel u wada socdaan, waxaanu xoogga saaraynaa midnimada iyo sidii aanu ula shaqayn lahayn Dawlad Soomaliyeed oo xoog badan yeelata loona baahanyahay in la iskaashado dhinac walba, Soomalidu waxa weeyaan hal qoys oo aan kala maamin ”- ayuu yidhi Nuur Aadan Xuseen.
Waxaa ka hadlay Shirwaynaha Jaaliyadda Jubbooyinka Gudoomiyaha Guud ee Jaaliyada Khaatumo Mubaarak Ismaaciil Haybe isagoo ammaan u soo jeediyey dadkii ka soo shaqeeyey wakhtigana u huray in la asaaso Maamulka Jubbaland State of Somalia muddo aad u dheerana soo waday “ Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu jannadii ka waraabiyo, Dadkii u soo dhintay, ee halganka u soo galay, ee Wakhtiga dheer dagaalka kula jiray siday u xorrayn lahayeen dhulkaas ay dhibaatadu saamaysay, kuwa dhaawacan ilaahay waxaan uga baryaayaa in uu caafimaad siiyo, Dadka iyo Dalku maanta waa xor, 21 sanno oo bubur lagu jiray baa laga hortaagnaa in ay maamul ay xor u yihiin laga hortaagnaa iyadoo marba shaati goonni ah la soo geshado”- Ayuu yidhi Mubaarak Ismaaciil Haybe.
Gudoomiye Mubaarak isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “ Jubbaland kama ay duwana ama kama ay leexanayso Dawlad Goboleedyada hadda dalka ka jira oo ay ka mid yihiin Puntland, Somalilnd, Khaatumo ka mid tahay, Galmudug , Ximan iyo Xeeb , hadii Nool osto lawada qaadanayo dib baa la iskugu soo noqonayaa oo Nool osto loo wada raadsanayaa oo macnaha ula jeeday Maamuladan jiraa haday cid fasax ka qaadanayaan dib baa fasax loo wada qaadanayaa” oo dadkii shirka iskugu yimid aad uga wada qosliyey!
Dhanka kale waxa uu Mubaarak ka hadlay ” Jubbaland waa meel muhiim ah waa meel shacab isku dhafan oo xaddaaarad leh ay degenyihiin kolley anigu u malayn maayo meeshaas wax hortaagnaan karaa in ay jiraan”
Ugudanbayntii Shirkan ay Jaaliyadda Jubbooyinka iyo Gedo soo qaban qaabiyeen ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u fiican, dadkii kala duwanaa ee ka soo qayb galayna ay sheegeen in ay soo dhaweeyn doonaan , maamul u samaynta la filayo in dhawaantan laga hir geliyo Goboladda Jubbooyinka iyo Gedo, Jaaliyada iyo ka soo qaybgalayaashii waxay sheegeen in uusan shirkan ahayn Taageero keliya balse ay ka sii shaqayn doonaan Maamul u samaynta ilaa inta uu cagahiisa ku istaagidoono.
Ahmed M Shire
Faafin: LaasqorayNET
Sweden Stockholm











Print
Email