Loading...
You are here:  Home  >  BREAKING SOMALI NEWS!  >  Current Article

Shirweynihii Jubaland lagu aas aasayey oo furmi doona 23ka Bishan

By   /   February 11, 2013  /   Comments Off

kismaayo11Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxay noo xaqiijiyeen in shirweynihii loo balansanaa in lagu soo dhiso Maamul Goboleedka Jubaland uu furmi doono Bishan February 23ka isla markaana uu ka furmi doono Magaalada Kismaayo.

Gudiga Farsamda ayaa dhowr casho ka hor waxay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo iyagoo isla markiiba sheegey iney shirweynaha dhowaan furi doonaan.

Waxaa magaalada Kismaayo ku sugan ergooyinka Beelaha Jubooyinka iyo Gedo iyadoo ergooyinkaasi lakala dejiyey hoteelada waaweyn ee Magaalada Kismaayo.

Shirweynahan Dhowaan furmi doona ayaa waxaa dhidibada loogu aasi doonaa Maamul Goboleedka Cusub ee Jubaland oo in mudo ahba qorshihiisa la wadey iyadoo gudida Farsamadu ay booqasho ku tageen Gobolada uu ka koobnaan doono Maamulka Jubaland.

Waxaase xusid mudan in Maamulka Jubaland uu mucaarad badan ku leeyahey Dowlada Federaalka ah isla markaana Madaxweynaha Dowlada lagu eedeeyey inuu carqaladeynayo habsimi u socodka iyo geedi socodka lagu dhisayo Jubaland state of Somalia.

Sidoo kale beelaha Hawiye ayaa iyagu si weyn uga soo horjeeda Maamulka Jubaland iyagoo ku andoocanaya inaan Madaxweynaha looga danbeeyo arimaha Jubooyinka iyagoo isla markaana ka eegaya dhinac qabiil.

LaasqorayNET

Comments

comments

    Print       Email

You might also like...

Jubaland-Flag1

Press Release:-On the Formation of Jubaland State of Somalia By Maakhir Community in UK

Read More →