Suldaan Xasan Xaaji Cali Baale oo ka mid ahaa Isimada Soomaaliyeed ee caanka ahaa, ayaa saaka ku geeriyooday degmada Qaloocan ee dhulka ay Soomaalidu degto ee Itoobiya maamusho.
Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa ahaa nin da’ ah, isla markaasna mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa deegaanka Qaloocan ee degmada Galaadi ee gobolka Wardheer, waxaana Sadaalidii subax ee saaka ay naftu kaga baxday gurigii uu ka degenaa Qaloocan.
Aaska Suldaanka ayaa lagu wadaa inuu gabal dhaco maanta ka dhaco deegaanka Qaloocan, iyadoo dad badan oo waxgaradka deegaanka ah iyo eheladii Marxuumka ay ka soo kala baxeen meelo fogdog oo ay Gaalkacyo iyo Jigjiga ka mid yihiin, waxaana lagu wadaa in aas heer sare ah loo sameyn doono allaha u naxariistee Suldaan Xasan Xaaji Cali Baale.
Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa dad’iisu gaartay dhowr iyo sagaashan, waxaa ifka ku nool caruurtii uu awow labaadka u ‘ahaa, isagoo Marxuumka ahaa Isin si weyn looga yaqaanay Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoona intii uu ifka saarnaa soo qabtay howlo dhaqan oo aad u farabadan oo aan la soo koobi karin.
Waxaa Nasoo gaadhsiiyay Wariye C.risaaq Cirro
Laasqoray.NET-



Print
Email
may ALLAH (S.W.T) rest his s0ul in eternal peace. Ameen. Sultan Hassan Ali bale is remembered 4 s0lving internal conflicts within the Daarood c0mmunity His wise wordz stil r0am in mynd am very pr0ud 2 b his grand daughter ALLAH HAUNAXARIST0 awow0 Xassan xaaji cali baale. Amiin
Inaalilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun Waxaa subixii shalay ku geeriyooday deegaanka QALOOCAN ee degmada GALADI ee ismaamulka Somalida ee Ethiopia Suldaan Xassan Cali Baale waxaan tacsi udirayaa dhamaan ba eheladii iyo qarabadii uu kageeriyooday Suldaanku iyo shacab weeynaha Somaliyeed. Hadii aan idiin dulmaro taariikh nololeedkii Suldaan Xassan waxa uu ku dhashay magaalada WARDHEER, ee deegaanka Somalida Ethiopia sanadkii 1917 waxa uu kubarbaaray Somalia iyo Ethiopia waxa uu ka soo shaqeeyeey Somalia iyo Ethiopia intaba waxa uu Suldaan ahaa in kudhaw 50 sano waxa uu ifka dad gaaraya 80 ruux oo kala ah waxa uu dhalay iuo wax eey sii dhaleen. Suldaan ku waayahan dambeba waa uu xanuunsanaa waxa uu xaalada caafimaad u aaday dalal kaladuwan sida Dalka Saudi Arabia, U.A.E., Kenya iyo Ethiopia. Safarkii ugu dambeeyey ee caafimaad wuxuu kgayimi dalka Kenya.
Allaha unaxariistu Suldaan Xassan Suldaan Xaaji Cali Baale oo kamid ahaa isimada Somaliyeed kuwoodi ugu qadarainta iyo sharaftalahaa waxaan tacsi ugadirayaa halkan dhamaan shacabka Somaliyeed iyo beesha Cali Ibrahim (Reer bicidyahan) gaaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Suldaanka. Suldaan Xassan waxaa lugu xasuusandoonaa doorkii heshiisyadii Bossaso, Yamaarugleey, iyo Buuhoodle.