Loading...
You are here:  Home  >  BREAKING SOMALI NEWS!  >  Current Article

Xisbiga Horumarinta iyo Cadaalada Puntland oo lagu dhawaaqey

By   /   December 5, 2012  /   Comments Off

Akhristayaasha sharafta leh waxaan la socod siinaynaa in shabakada Laasqoray.NET dib u habayn ku socoto, isla markaana aan hawada dib ugu soo noqon doono, maalmaha soo socda insha-Allah ”Laasqoray.NET”

Waxaa magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari looga dhawaaqey xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magcaabo Xisbiga Horumarinta iyo Cadaalada loona soo gaabshey HOR-CAD isla markaana noqonaya xisbigii 3aad ee ka hirgala Maamulka Puntland oo dhowaan ka talaabsadey nidaamkii Qabiliga ahaa.

Astaanta Xisbigan ayaa ah Labo halood  oo ay korsaaranyihiin Miisaanka cadalada iyo caleemo astaameysan oo hoosta looga dhigey.

Masuuliyiinta dowladda ,Issimo ,Waxgarad ,Aqoonyahano iyo dhalinyaro ayaa ka qaybgalay wanqalka Ururkan ku soo biirey saaxada siyaasadeed ee Puntland.

Ganacsade Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka mida ahaa asaasayaashii Maxjarka Bossaso ayaa gudoomiye ka ah ururkan ,waxana dhowaan lagu wadaa inay ururo kale dhabahan ay qaadaan.

Dhamaan dadkii ka hadlay xafladan ayaa soo dhoweeyey urur siyaasadeedkan Hor-Cad oo ay sheegeen inuu yahay horumar ku soo siyaadey Puntland loona baahnaa in tiradu badato.

Tan iyo Marki Horseed Garowe looga dhawaaqey ayaa shalay iyo maanta waxa soo baxay Ugub iyo Hor-Cad ,waxana dadweynuhu rajo wanaagsan ka muujinayaan hirgelida nidaamka axsaabta badan Puntland.

Intii uu madaxweyne faroole boosaaso ku sugnaa ayaa wuxuu ku guulaystay si aanay u fashilmin qorshaha xukuumadiisu wado in uu rag isaga ka shidaal qaadanayaa ku qanciyo in ay furtaan axsaab,maadama furasha xisbiyadu ay ka hadhay mudo 25 cisho ah ka dib hadii mudadaas lagu heli waayo xisbiyo tartama waxay u ekaanaysaa in qorshihii xukuumada faroole meesha ka baxday.balse dad badan ayaa qaba in xisbiyadan shalay iyo maanta lagu dhawaaqay ay dowladu badhitaarayso aanay ahayna xisbiyo kasban kara shacabka ku dhaqan gobolada puntland.

Faafintii Hadaaftimo+LaasqorayNET

Comments

comments

    Print       Email
  • Published: 166 days ago on December 5, 2012
  • By:
  • Last Modified: December 7, 2012 @ 3:18 pm
  • Filed Under: BREAKING SOMALI NEWS!

You might also like...

Jubaland-Flag1

Press Release:-On the Formation of Jubaland State of Somalia By Maakhir Community in UK

Read More →