Loading...
You are here:  Home  >  ARTICLES/OPINIONS  >  Current Article

XORNIMADA IYO GUNIMADA – WQ: Omer Suleiman Ali

By   /   January 26, 2013  /   Comments Off

 

Omer-Suleima-Ali-150x150XORNIMADA IYO GUNIMADA

WQ: Omer Suleiman Ali

Email:omersul04@gmail.com

26/01/2013

GUMAYSI

Gumaysigu waa qof ama ummad xoog lagu qabsado oo markaas dhulkoodii laga qaado wixii ay hanti lahaayeenna laga dhaco, diintooda laga beddelo lana dhaqan rogo si alla sidii la doonana laga yeelo sannado badanna lagu amar ku taagleeyo. Dadka gumaysanaya ma kala laha haddii ay yihiin shisheeye iyo haddii ay yihiin sokeeyaba marba haddii ay dadka iyagu xukumaan si alla sidii ay doonnaan ka yeelayaan waa gumaysi. Waxaa gumaysi noogu horreeyey markii uu gumaysigii shisheeye uu adduunka ku baahay oo wada qabsaday.

Sokeeyaha gumaysiga ahi wuxuu noqon karaa waalidka, walaalkaa, dawladaada, saaxiibadaa, qabiilkaaga iyo cid kasta shisheeye iyo sokeeyaba. Sidaas darteed dawladdu waa gumaysi ku amar ku taagleeya ummadeeda. Maantana adduunka waxaa dhibaato fara badan oo dhaqan iyo dhaqaaleba ku haya dawladaha is beddelaya. Waynu wada og nahay in dawladi isa soo sharraxdo iyada oo dadka u samaynaysa ballan qaadyo been ah oo ay lee dahay dhibaatooyinkii ay dawladdii hore idin ku haysay ayaan wax ka qabanaynaa, markaas ayaa shacabku doortaan. Markii ay isku hubsadaan meeshii ay doonayeen ayay ku kacaan wixii kuwii ka horreeyey samayn jireen waxyaabo ka daran, ballan qaadya diina ka waxaan, waayo iyagu xaq uma laha in ay ballan qaad fuliyaan Alle la’aantiis.

XORIYAD

Markii xumaanta gumaysiga la dhadhamiyey ayaa waxaa la doonay in laga baxo waxaana lala galay dagaal qadhaadh shisheeyihii gumaysatada ahaa. Markaas ayaa wax loogu yeedhay xornimo aanse ahayn la helay, lana samaystay dawlad sokeeye oo dadka ku dhaqda sidii shisheeyaha

oo kale, waxaana dadka laga dhaadhiciyey in xornimadu tahay gumaysiga shisheeye oo laga xoroobo. Fikirkaasi wuxuu ahaa aragti qaldan oo uu shisheeyuhu nooga tegey sidaasna la ahayd, hase yeeshee xornimadu ma aha gumaysi shisheeye oo keliya oo laga xoroobo, waxaase ka mid ah gumaysiga sokeeye oo laga xoroobo oo keliya ee waa in gumaysiga sokeeyahana laga xoroobo.

Qof ama koox aadami ah oo ka kooban baahi keliya in aad ka sugto in uu baahidaada daboolo waa arrin aad ugu xun xag Alle iyo xaq aadamiba.

Wuxuu Alle noo sheegay in haddii dadka loo dhiibi lahaa farayaasha naxariista Alle qof afkaas uma saareen iyaga oo ka baqaya in ay ka dhammaadaan. Marka qofka Alle sidaas u tilmaamay miyaa laga sugi karaa baahi uu kaa haqab tiri karo.

qu loooooow

 

 

 

Waxaad ku dhahdaa haddii aad hayn lahaydeen bakhaarada naxariista Eebahay dadka waad u diidi lahaydeen idinka ka baqanaya in ay idinka dhammaadaan, aadamiguna waxa ka daba ka warer badan.

 

Midda kale ma deeqda Alle ayuu isagu qaar dadka siiyaa. Waxaameeshaas iiga muuqata qalad qalad saaran. Naxariis waxaa la dhahaa wax  kasta oo dhibaato looga badbaado. Dhibaato kastaa waxay lee dahay wax u gaar ah oo looga badbaado, sidaas darteed naxariista Alle lama soo tiro koobi karo.

CAABUDIDDA

Waxaan haddana doonayaa in aan wax yar ka taabto caabudidda si aan dadka ugu  qeexo wax caabud loola jeedo. Caabud runtii waa erey ka soo jeeda Afka CarabigacabddMacnaheeduna waa Addoon u noqosho  addoon loo noqdo cid xaq u leh oo keliya. Addoonimaduna waa in  cidda aad addoonka u tahay si alla  sidii ay  doonaan kaa yeelaan  aadanna caqa u lahayn  in aad wax ka diido. Waxaana xaqqa kuugu leh  in aad u noqto addoon Allaah oo keliya. Qof iyo koox aadami ahi  xaq umalaha in ay addoonsato  dad xor ah. Markii ay gaaladu Muslimiintii ay dagaalka ku qabsadeen  ka dhigeen addoomo ayna suuqyada ka gateen, ayaa Allena Muslimiinta u oggolaaday in ay iyaguna sidooda oo kale ku sameeyaan.

hadiith

 

 

 

Waxaana xadiiskan shariifka ah ka muuqata in uusan Alle marna ogolayn in qof xor ah la addoonsado waayo isaga ayaa addoon loo wada yahay, ruuxa ruux kale addoonsanayaa wuxuu la mid yahay ruux ruuxaas uu addoonsanayo u ah Ilaah, taasina waa xaaraan iyo shirki. Ruuxa ogolaada in uu meeshii Alle uu addoon uga noqdo qof isaga oo kale ah waa mushrig.

Marka u dhego wadanaanta addoonku u dhego waddan yahay kan iska leh ayaa ah cibaado uu ku raalli gelinayo kan iska leh. Kan addoonka iska lihi raalli ku noqon maayo in uu adoonkiisu amaradiisa qaar diido ama jebiyo qaarna ogolaado.

XUKUN

Haddana waxaa loo baahan yahay in la garto waxa uu yahay xukun. Xukun waa erey af Carabi ah oo ka soo jeeda xakamaha fardaha. Xakamuhu waa bir faraska afka laga geliyo xadhig dheer oo uu ninka fuushana dacalka ka haystana ku xidhan. Markii farasku uu xakamaysan yahay ayuu ninka fuusha amarkiisa qaataa haddii kale ma qaadanayo.

Comments

comments

Pages: 1 2 View All

    Print       Email
  • Published: 114 days ago on January 26, 2013
  • By:
  • Last Modified: January 26, 2013 @ 7:12 pm
  • Filed Under: ARTICLES/OPINIONS

You might also like...

6(3)

Masuuliyiinta Puntland waxa ay soo kordhiyeen horumar muuqda. W/Q Mohamed Yasin Isak

Read More →