Laasqoray Online ::.... Heeladu Waa Hanaan Laasqoray!

:Puntland Government Response to Draft Federal Constitution of Somalia
Puntland State of Somalia

Garowe

PRESS RELEASE

11 May 2012

Puntland Government Response to Draft Federal Constitution of Somalia

Puntland Government received a copy of the Draft Federal Constitution for Somalia on 30 April 2012, sent jointly by the Independent Federal Constitution Commission (IFCC) and the Committee of Experts (COE).

The Government appointed a six-member Review Committee consisting of Ministers and Parliamentarians to review the new Draft Federal Constitution.

The Committee’s report concluded that the Draft Federal Constitution violates the fundamental principles of federalism. Furthermore, the Draft is both unrealistic and unsuitable for Somalia. The TFG executive branch shall bear the responsibility for being unable to present a reliable Draft Federal Constitution to Somali stakeholders in time (it has been 8 months since the Roadmap was signed by Somali stakeholders).

Puntland Government has played and continues to play an important and constructive role in advancing the Somali national peace and reconciliation process. Puntland has hosted two Somalia National Constitutional Conferences (Garowe I and II) and hosted Somali leaders in Galkayo for further discussions on the Roadmap and the constitutional process.

Currently, a delegation of Puntland traditional elders is in Mogadishu attending an Elders’ Conference. However, it is regrettable to learn of the mismanagement and interference at the Somali Elders Conference by TFG officials.

Puntland Government noted, in numerous communications and public occasions, growing frustration with the process under which the Somali Federal Constitution was being carried out.

For example:

• Letter to E.U. Special Envoy to Somalia and U.S. Ambassador to Kenya, dated November 13, 2010, whereby Puntland expressed its deep concerns about the TFG leadership’s commitment to finalizing a Federal Constitution for Somalia;

• Letter to TFG leaders (copy SRSG), dated 26 September 2011, recommending Puntland nominees to join the Committee of Experts (COE), in accordance with the Roadmap, and this proposal was unanswered;

• Letter to TFG Prime Minister (copy SRSG) regarding addition of one Puntland nominee to the Committee of Experts (COE), dated 23 January 2012, which was also ignored;

• The Puntland President’s speech at London Conference on 23 February 2012, calling for IFCC mandate to be terminated and the COE to be reformed, based on expertise, and calling for the COE to include constitutional experts from mature federal democracies.

Puntland Government warns this Draft Federal Constitution should not be presented to National Constituent Assembly (NCA) for adoption, unless major changes to the Draft are applied and agreed upon by Somali stakeholders, with the technical assistance of international partners.

Somalia needs a Federal Constitution that clearly defines the distribution of political power and resource between Federal and State institutions, in accordance with international federal standards, and defines competency in the delivery of public goods to citizens of Somalia, at Federal and State levels, as is defined in the Puntland State Constitution.

Moreover, this Draft Federal Constitution is seemingly designed for a country with a highly centralized system of government, and many articles of the Draft are confusing and contradictory.

Finally, Puntland Government believes that Somalia needs a well-tailored Federal Constitution that is suitable to political realities in the fragmented nation of Somalia, and which satisfies the people’s aspirations for the restoration of an effective, efficient and accountable government in Somalia.

— END —

Dowlada Puntland oo jawaab ka bixisey Dastuurtka Qabya qoraalka ah ee Soomaaliya
Iyadoo ay soo badaneyso diidmada lagaga horyimi dastuurka qabya qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa Maamul gobobleedka Puntland gudi uu usaarey dib u eegida dastuurka qabya qoraalka ahi waxay soo saareen qeybo badan oo ay dowlada Puntland dooneyso iney wax ka bedesho.

Bedelaadan ay dooneyso Puntland ayaa sidan u qornaa.

Puntland State of Somalia

Garowe

7 May 2012

Dib-u-eegidda Dowladda Puntland Qabyo qoraalka Dastuurka Federaalka ee Somalia (soo gaaray 30/04/2012)

Cinwaanka oo Qabyo-qoraalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Somalia” ama “Somali Republic” waa in loo badala: Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia (Constitution of the Federal Republic of Somalia)

Qodobka 1aad Jamhuuriyada

Faqrada 1aad: halaga dhigo: Somalia waa Jamhuuriyada Federaal ah.

Fiiro Gaar ah Meelkasta oo ay ku qoran tahay “Dowlada Goboleedyadda” waa in loo badala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.

Qodobka 5aad: Afafka rasmiga ah

Dalka wuxuu u baahanyahay hal luuqad oo rasmi ah (af Soomaali). Lahjadaha kale oo af guriga ah, si kastaba ha u kala badnaadeenee, deegamada ay ka jiraan sidii hore halooga isticmaalo.

Qodobka 6aad: Calanka iyo Astaanta Qaranka

Faqrada 3aad: oo u qoran: “Baarlamaanka ayaa sharci gaar ah soo saaraya Heesta Qaranka, billadaha sharafta iyo maamuuska ay mudan yihiin calanka iyo heesta qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Halaga saaro weerta ah “Baarlamaankaa ayaa sharci gaar ah ka soo saaraya” iyadoo ay hore u jirtay Heesta Qaranka (Soomaaliyey Toosoo).

Halagu daro: “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia waxay yeelanayaan Calankooda iyo Astaantooda gaarka ah” taasoo waafaqsan nidaamka Federaalka ee caalamiga ah.

Qodobka 7aad: Dhulka Dowladda

Faqrada 1aad: oo u qoran: “si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.” Halaga dhigo: “si waafaqsan sharciga Caalamiga ah.”

Qodobka 9aad: Magaala Madaxda Qaranka

Halagu daro: “Magaalo madaxda waa meel loo siman yahay, waana in loo sameeyaa maqaam gaar ah (special status) oo ay ka wada xaajoodaan kana heshiiyaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”

Sidoo kale, halagu daro baahinta xaruumaha Hey’adaha Federaalka Dastuuriga ah, sida Baarlamaanka, Golaha Fulinta, iyo Ciidamada (decentralization of Federal Government institutions).

Qodobka 19aad: Xurmada Hoyga

Faqrada 1aad: Halagu daro: “…ama hadaan fal-dambiyeed gudihiisa ka dhacaynin.”

Qodobka 44aad: Dhulka

Farqada 3aad: Qodobkaa waa in lagu kordhiyaa: “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia waxay dajinayaan siyaasad-dhuleed heerkooda ah.”

Qodobka 45aad: Kheyraadka dabiiciga ah

Farqada 2aad: oo u qoran: “Baarlamaanka Federaalka waa inuu dejiyaa sharci qeexaya sida ay kala yeelanayaan dawladda federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulada Degaanada dakhliga ka soo baxa shidaalka, macaadiinta iyo rukhsadaha kalluumaysiga.”

Oraahdaa waa mid aan waafaqsanayn nidaamka Federaalka. Qodobkaan waa in meesha laga saaraa illaa ay ka xaajoodaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kheyraadka dabiiciga ah: Wixii dhulka Somalia oogadiisa ku yaala, oo hadaba la kala leeyahay, sida badda, webbiyadda, iyo dhul beereedka, deegaan walba wixii ku yaal buu leeyahay, waxaana maamulaya Dowladaha Xubanaha ka Dowladda Federaalka. Wixii intaa ka soo haray oo maalgelid u baahan (sida macadiinta, shidaalka, gaas, iwm) waxaa ka wada xaajoonaya wax qaybsigooda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Qodobkaan kheyraadka ah wuxuu ka horimaanaya Qodobka 54aad ee Dastuurka Puntland.

Qodobka 53aad: Nidaamka Doorashooyinka

Qodobkaan oo u qoran: “Nidaamka doorashooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa saldhig u ah isudhignaanta tirada kuraasta uu xisbi ka helo Golaha Shacabka iyo boqolkiiba inta isla xisbigaasi ka helo tirada guud ee codbixinta.”

Qodobkaan oo ka hadlaya arrin aan cadayn oo Somalia aan lagaga dhaqmi karin lana aqbali karin, waana in meesha laga saaraa.

Qodobka 58aad: Habdhaqanka Doorashooyinka

Halagu daro: “Guddiga Doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka”

Qodobka 59aad: Sharciga Doorashooyinka

Qodobkaan oo u qoran: “Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya sharciga doorashooyinka ee heerarka qaranka, Dawlad-goboleedyada iyo Golayaasha Degaanka. Sharcigaas waa in uu xaqiijiyaa:”

Halagu kordhiyo: “Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa soo kala saaraya sharciga doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka…”

Qodobka 60aad:

Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diwaangelinta Xisbiyadda Waxaa jiri doonaa Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka oo maamula doorashooyinka Federaalka, waxaana sidoo kale jiri doona Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Somalia oo mid kasta yeelanaysa Guddi Doorasho oo iyada u gaar ah

Qodobka 63aad : Qaab dhismeedka Dowladda

Faqradiisa 1aad xarfaha a,b iyo c ha laga dhigo qaab dhismeedka Dowladda waa laba heer oo kala ah:

a) Heerka Dowladda Federaalka iyo

b) Heerka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay hoosimaanayaan Dowladaha Deegaanka.

Qodobka 64aad :

Tirada iyo xuduudaha Dowlad-goboleedyada iyo Degmooyinka Tirada iyo Xuduudaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia, waa in loo qaata sida ku qoran Faqradaha 5aad iyo 6aad ee isla Qodobkaan. Waana in meesha laga saaraa Faqradaha 1, 2, 3 iyo 4aad, oo ka horimaanaya Faqradaha 5aad iyo 6aad.

Qodobka 67aad: Iskaashiga Dowlad goboleedyada

Faqrada 1aad, (a) weerta ah “Guddoomiyayaalka dawlad goboleedyada” waa in meesha laga saaraa sababtoo ah meel ka dhac ku yahay maamuuska iyo xilka mas’uuliinta sare ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia oo ku qeexan Dastuurka Puntland.

Qodobka 68aad : Wada-xaajoodyada Caalamiga ah

Faqrada 2aad: weerta “Xukuumadda Federaalka ah waa ay ku dari karta ergada wada xaajoodka” waa in lagu bedelaa “waa in ay ka mid noqdaan”

Faqrada 3aad ha laga tuuro, sababtoo ah waxay xadgudub ku tahay xuquuqda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobada kala qaybinta Awoodaha ee 69-77aad

Waxqaybsiga awoodaha oo ku qoran qodobada 69-77aad oo loo soo qoray qaab xadgudub iyo amar ku taaglayn ku ah Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa in laga saaraa Qabyo-qoraalka ilaa ay ka soo dhismayaan Dowladaha ka mid noqonaya Dowladda Federaalka oo dhiman oo iyagu awoodaa wax qaybsiga leh, kuwasoo wada xaajood ay ka wada gaari doonaan wax qaybsiga awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 86aad : Hogaamiyaha Mucaaradka

Farqada 1aad ee qodobkan lama garanayo waxa looga jeedo, halaga saaro meesha.

Qodobka 87aad: Xilka Xeer dejinta Golaha Shacabka

Faqradaha C & D waa in laga saaraa qoraalka wuxuu awooda ka qaadayaa Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka, wuxuuna awoodaas ku wareejiyay Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) taasoo keenaysa jahwareer

Qodobka 88aad : Tirada Xubnaha Golaha Shacabka

Faqrada 2aad weerta ah “Sharci gaar ah ayaa qeexaya halbeegyada saldhigga looga dhigayo go’aminta tirada xubnaha Golaha shaciga.”

Faqradaan waa in meesha laga saaraa sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa heshiiskii Roadmap-ka iyo Mabaadiida Garoowe 1 iyo 2 ee lagu go’aamiyey dhimida tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Dowladda Federaalka lagana dhigay  225 xildhibaan.

Faqrada 4aad ee isla qodabkaan looma baahna sababtoo ah wuxuu ka imaanayaa nidaamka tartanka Xisbiyadda badan.

Qodobka 93aad: Tirada Xubnaha ay shirarku ku ansaxayaan iyo go’aan gaarista Golaha Shacabka

Faqrada 2aad weert ah saddex meelood labo loo bedelaa kala bar lagu daray hal tiro (50% + 1) xubnaha Golaha Shacabka.

Qodobka 96aad:

Xilka Golaha Wakiillada Dowlad goboleedyadda Iyadoo la raacayo go’ankii Mabaadiida Garoowe 1 iyo 2 waa in magaca Golahan loo bedelaa Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia.

Fiiro Gaar ah: Meel kasta oo ay ku qoran tahay “Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedyada” waa in loo badalaa “Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia” (kuwasoo matalaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia)

Qodobka 97aad: Tirada Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedyada

Cinwaanka qodobkaan waa in loo bedelaa: Golaha Aqalka Sare ee Dowlada Federaalka Somalia.Xubnaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia oo tiradoodu tahay ugu badnaan 54-Xubnood (sida ku qoran Mabaadiida Garowe 2) oo ku salaysan 18-gobol oo midkiiba 3-xubnood oo ka imaanayaa Gobolladii jiray 1991-kii ka hor (18 Gobol x 3 xubnood = 54).

Qodobka 101aad: Go’aan qadashada Golaha Wakiiladda Dowlad-Goboleedyada

Firqada 2aad: Go’aan qaadashada Golaha Aqalka Sare wuxuu ku salaysmayaa tirada aqlabiyada Sadax meelood labo (2/3) markii laga hadlayo danaha gaarka ah ee Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka oo ay matalayaan.

Qodobka 106aad: Mashaariicda Sharci ee aan saamayn ku lahayn Dowlad Goboleedyada

Firqada 1aad: Waa in lagu kordhiyaa “Wuxuu ku ansaxaya cod hal-dheeri (50% + 1) tirada guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uusan saamayn ku lahayn danaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”

Qodobka 107aad: Mashruuc Sharci oo saamayn ku leh Heerka Dowlad goboleedyada

Qodobkaan wuxu isdaba mariyay awoodihii labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia iyo Awoodaha u qaybsan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna keenaya jahwareer iyo iska horimaad.

Waa in loo qoraa sidatan: “Mashruuc sharciyeed kasta waa inuu maraa labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka: Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare oo matala Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia, mashruuc sharciyeed kastana waa inuu ku hormaraa Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ka dibna loo gudbiyaa Golaha Aqalka Sare.”

Firqada 1aad: Waa in lagu kordhiyaa “Wuxuu ku ansaxaya sadax meelood labo (2 / 3) tirada guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uu saamayn ku leeyahay danaha Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka Somalia.”

Faqarada 4aad meesha ay ku qoran Madaxweynuhu gudoomiyo hala dhigo in Madaxweynuhu saxiixo si loogu soo saaro Faafinta Rasmiga ah. Fiiro Gaar ah: Meel kasta oo ay ku taalo “Madaxweynuhu ha gudoomiyo” halagu badalo “Madaxweynuhu ha saxiixo.”

Qodobka 108aad: Guddiga Dhexdhexaadinta Baarlamaanka Federaalka

Looma baahna Guddigaan Dhexdhexaadinta, shaqadaas waxaa iska leh Maxkamadda Dastuuriga ah.

Qodobka 109aad: Faafinta iyo Xafidaada Sharciyada

Halaga dhigo Faafinta iyo Kaydinta Sharciyadda waxaa u xilsaaran Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Somalia iyo Garyaqaanada Guud ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.

Qodobka 112aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Cinwaanka halaga dhigo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka” meel kasta oo ay ku qoran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama Jamhuuriyadda Somalia ha lagu badalo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka” ama “Jamhuuriyadda Federaalka Somalia”

Faqradiisa 1aad (c) halaga saaro eragya “horumariyaha”

Qodobka 113aad: Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada

Faqrada 1aad

Waa in loo bedelaa sidatan:

Muwaadin kasta oo Somali ah waa u furan tahay in uu u tartamo Madaxweyne Dowladda Federaalka Somalia haddii uu buuxiyo shuruudaha xilka oo ah:-

(a) Inuu yahay muwaadin Somali ah, Muslim ah, ku dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40) sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu xilka hayana guursan karin.

(b) Inuu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambaysay.

(c) Inaan xuquuqdiisa muwaadininimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shantii sano ee ugu dambeysay.

(d) In uusan hore u gelin khiyaamo qaran ama ku xad gudbin xuquuqda  bani’aadamka.

Faqrada 2aad weerta ah: “Murashax Madaxweyne, haddi uu haysto jinsiyada dal ama dalal kale waa inuu doorashada ka hor ka tanaasulaa jinsiyad ama jinsiyadaha shisheeye, waana inuu Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka u gudbiya caddaymo rasmi ah.”

Halaga saaro faqradaan sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa Qodobka 8aad Faqradiisa 3aad & 4aad mana waafaqsana xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr iyo 30kii-sano ee u dambeesay ilaa hadana ka jirta.

Qodobka 115aad: Awooda Madaxweynaha

Ha loogu hormariyo faqrad oranaysa: “Ilaaliyaha Diinta Islaamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka Somalia”

Halagu daro Awoodaha Madaxweynaha:

1. Ku dhawaaqiyadda Xaalada Deg degga ah iyo Xaaladda Dagaal

2. Wuxuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida

3. Magacaabista Sarakiisha sare ee Dowladda Federaalka

Faqrada 1aad: weerta ah “…ogolaanshaha Golaha Wasiirada ka dib” ha lagu badalo “…soo jeedinta Golaha Wasiirada”

Faqrada 5aad halaga dhigo sidatan: “Madaxweynaha waa horumariyaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta”

Faqrada 6aad weerta ah: “Madaxweynuhu inuu gudoomiyo” halaga dhigo “Madaxweynuhu inuu saxiixo”

Faqrada 7aad halaga dhigo “Golaha Shacabka (Aqalka Hoose)”

Qodobka 117aad: Maxkamadaynta iyo Maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha

Faqrada 1aad halaga saaro erayga “culus”

Weerta ah: “Madaxweynaha waxaa maamus ka-xayuubin kusoo oogi kara Golaha Shacabka marka uu ku galo dembi khiyaano-qaran ama xadgudub culus ee Dastuurka.”

Halaga dhigo “Madaxweynaha waxaa maamus ka xayuubin kusoo oogi kara labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka marka uu galo dembi khiyaano qaran ama xadgudub Dastuurka. Madaxweynaha waxaa xilka looga qaadi karaa sadax meelood labo (2 / 3) tirada guud ee Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.”

Qodobka 122aad: Golaha Wasiirada

Faqrada 3aad halaga saaro tirada xadidaysa Wasiirada, waana ka badnaan karaan waana ka yaraan karaan duruufaha siyaasadeed ee jira awgood.

Faqrada 4aad haloo dhigo sidatan: “Golaha Wasiirada waxaa laga dhex xulan karaa Baarlamaanka gudihiisa iyo dibadiisaba. Haddii xubin Baarlamaanka ka tirsan loo magacaabo xubin Golaha Wasiirada wuxuu luminayaa xubinimadiisii Baarlamaanka.”

Farqada 5aad haloo qoro sidan: “Xilbanaynta Raysul Wasaaraha sabab kasta ha ku timaadee waxay keenaysaa dhicidda Golaha Wasiirada.”

Qodobka 123aad: Shuruudaha Xubinimada Golaha Wasiirada

Faqradiisa 1aad

(a) da’da Raysul Wasaraha hala dhigo ugu yaraan 40 sano

(c) weerta ah: “haddi uu haysto jinsiyad dal ama dalal kale waa in uu si

rasmi ah ugu tanaasulaan jinsiyadda shisheeye inta uusan qaban xilalkaas”

Halaga saaro faqrada ah (c) sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa Qodobka 8aad Faqradiisa 3aad & 4aad mana waafaqsana xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr iyo 30kii-sano ee u dambeesay ilaa hadana ka jirta.

Faqrada 2aad (a) halaga dhigo aan ka yarayn 35 sano

Faqrada 3aad ha la isku daro (a) iyo (b) hana laga dhigo sidatan: “Waxaa ka reeban inay qabtaan xil kale ama Dowladeed ama gaar ahaaneed mudada ay xilka hayaan”

Qodobka 125aad: Xilka iyo Awooda Ra’isalwasaaraha

Faqrada 1aad (c), (d) iyo (e) halaga saaro waxaa iska leh awoodahaas Madaxweynaha Federaalka Somalia.

Qodobka 133aad: Nidaamka Maxkamaha Dalka

Halaga dhigo: “Garsoorku wuxuu noqonayaa laba heer oo ah heer Federaalka iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Waxaa ka dhaxaynaya Maxkamada dalka u saraysa oo Heer Federaal ah iyadoo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay yeelan doonaan Maxkamad Sare oo iyaga u gaar ah.”

Arrintaan ayaan waafaqsan nidaamka dowladaha Federaalka ee caalamka ka jira.

Dowladda Federaalka waxay yeelan kartaa maxkamado shuruucda hey’adaha u gaarka ah Dowladda Federaalka lagu qaado.

Qodobka 141aad: Magacaabista Garsoorayaasha

Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa nidaamka Garsoorka ee Federaalka ah oo labo u qaybsama kuwasoo kala heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Maxkamadaha dalka waxay noqonayaan badidoodu Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Maxkamada Sare, Maxkamada Darajada Koowaad, Maxkamada Gobolka, iyo Maxkamada Degmada. Dowladda Federaalka waxay yeelanaysaa Maxkamada u saraysa dalka oo ah Rafcaanka u sareeya dalka iyo Maxkamada Dastuurka Federaalka ah.

FG: Wixii intaa ka baxsan oo Maxkamadaha ah waa in laga saara.

Qodobada 133-145 oo ka hadlaya Garsoorka Qaabdhismeedkiisa, magacabistiisa iyo xilgudashadiisa

Waa in laga wada hadlaa oo la waafajiyaa nidaamka awood qaybsiga Garsoor Federaalka ah.

Qodobka 147aad: Samaynta Guddi Madaxbannaan

Qodobkan haloo qoro sidatan: “Waxaa jiri doona Guddiyo madaxbanaan oo Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waajibaadkooda, xilkooda iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa Xeer gaar ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Iyadoo la tixgalinayo duruufaha gaarka ah oo Guddiyadaas loo xilsaaray, Xubnaha ka qaybgalaya waa in lagala tashada awoodna loo siiyaa inay ka qeybqaataan Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”

Tusaale : Guddiga Isucelinta Hantidii la kala dhacay; Guddiga Caasimadda; Guddiga Xuduudaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka; iyo wixii kale oo si gaar ah u khuseeya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Wixii intaas lid ku ah, halaga saaro.

Qodobka 148aad: Magacaabista Guddiyada

Halaga dhigo sidatan: “Magacaabidda Guddiga Madaxbanaan waxaa soo jeedin kara Dowladda Federaalka ama Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxaana ansixinaya Baarlamaanka Federaalka (labada aqal). Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacaabidda Guddigaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Federaalka, si uu u saxiixo.”

Halaga dhigo sidatan: “Sharciyada gaarka ah ee guddiyada madaxbannaan iyo magacyada xubnaha waxaa soo jeedinaya Dowladda Federaalka ama Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo arrinta Guddiga loo saarayo si gaar ah u khusayso.”

Qodobka 149aad: Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxbannaan

halagu badalo: “Waa inuu leeyahay aqoon iyo khibrad la xiriirta Guddiga loo magacaabay howsha ay qabanayaan.”

halagu daro: “Waa inuusan ka qaybqaadan dambiyadii dalka ka dhacay”

Qodobka 150aad: Mudadda Xilka

Farqada 1aad halaga saaro sababtoo ah muddada Guddiga waxaa lagu cadeenayaa Xeerka lagu magacaabo Guddi kasta (terms of reference)

Faqrada 2aad halaga saaro hana lagu cadeeyo Xeerka guddi kasta (terms of reference)

Qodobka 151aad: Xil ka qaadista guddiyada

Faqradaha 3aad iyo 4aad halaga saaro sababtoo ah waxay ka horimaanayaan nidaamka Garsoorka lamana samayn karo Maxkamad gaar ah

Qodobka 152aad: Waajibaadka warbixinta

Halaga dhigo sidatan: “Iyadoo muddada howlgalka Guddi kasta ay kala gedisnaan karto, waxaa laga rabaa in Guddi kasta soo qadimo warbixin ku saabsan waxqabadkiisa mudada uu jiro si looga go’aan qaato.” (progress report and final report).

Qodobada kale oo ku saabsan Guddiyada Madaxbanaan oo intaan ka danbaysa halaga saaro dhammaantood, waana tafaasiil iyo iska horimaad aan loo baahnayn.

Qodobka 153aad: Ku dhaqanka qaybtan

Halaga saaro Qodobkaan sababtoo ah arrimahaan waxay ku xusan yihiin Qodobka 148aad ilaa 152aad. Waa tafaasiil iska horimaanaysa iyo isku soo noqnoqod khaldaya qodobadii hore (148aad ilaa 152aad) sidaa darteed halaga saaro Qabyo-qoraalka.

Qodobka 154aad: Xafiisyada Madaxbannaan

Qodobkaan sida uu u qoran yahay ma cadda eray bixintiisa iyo ujeedda qodobkaan midna sidaa darteed halaga dhigo sidatan:

“Waxaa jiraya hey’addo madaxbanaan oo ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hantidhowrka Guud, Bangiga dhexe, diyaaradda Somalia (national flag airline), iyo wixii kale oo haboonaada oo Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Somalia.”

Qodobka 159aad: Shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah

Faqrada 2aad sidaan haloo qoro: “Waxaa jiraya Guddiga Shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah Heer Federal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka Dowladda Federaalka.”

Qodobka 161aad ilaa Qodobka 163aad: oo ka hadlaya Dastuurada Dowlad Goboleedyada

Qodobada 161aad, 162aad iyo 163aad oo ka hadlaya arrimaha dastuurada Federaalka iyo Dowladaha kale ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si ay isu waafaqi lahaayeen ayaan la aqbali karin sida ay Qabyo Qoraalka ugu qoran yihiin qodobadaani.

Maadama Dastuurka Puntland loo qaaday afti dadweyne, ahna dastuurka kaliya oo dhamaystiran ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa in la iswaafajiyaa Dastuurka Federaalka iyo Dastuurka Puntland ka hor ansixinta dadweynaha ee Dastuurka Federaalka, sidii looga heshiiyay Mabaadiida Garowe 1 iyo 2.

Qodobka 163aad: Wax-ka bedelka Dastuurada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka

Qodobkaan looma baahna, sababtoo ah wax ka badalka Dastuurka waxaa iska leh hey’adaha dastuuriga ah ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Qodobada 164-179aad iyo Qodobka 182aad oo dhamaan ka hadlaya Maaliyadda Guud

Sida Qodobadaan u qoran yihiin lama aqbali karo waana xaqdarro iyo xadgudub wax qaybsiga awoodaha maaliyadeed ee dalka oo la wada siiyay Dowladda Federaalka ah iyadoo waxba loo reebin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Dowladda Puntland si ay ugu fuliso adeegyadii amniga iyo bulshada.

Qodobkaan waa xasaasi waxaa awood u leh dowladaha Federaalka ka mid noqda inay uga heshiiyaan in si cadaalad ku dhisan waafaqsanna nidaamka Federaalka caalamka. Waa in qodobadaan laga saaraa Qabyo qoraalka ama lagu daraa “inta ay ka soo dhismayaan Dowladihii kale ee ka mid noqon lahaa Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.”

Wixii maaliyad ku saabsan oo ku xusan Qodobada 164aad – 179aad iyo Qodobka 182aad kulligood waa in dib uga wadahadlaan ugana heshiiyaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.

Gaar ahaan: Qodobka 165: Awoodaha Dakhli uruurinta

Faqrada 3aad: weerta ah: “Xukuumada federaalku sharci ayay ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyo dawladaha hoose inay uruuriyaan canshuuro…”

Qodobkaani ma aha mid wafaaqsan nidaamka dakhli-qaybsashada ee Federaalka ah. Xukuumadda Federaalka ma yeelanayso awood ay iyadu sharci ugu ogolaanayso Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Balse, kala qaybinta dakhliga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyadoo isu dheelitiran canshuuraha iyo adeegyada Dowladahaasi fulinayaan in marka hore lagaga heshiiyo siyaasad dhaqaale ahaan intaan Qabyo qoraal lagu soo bandhigin.

Qodobka 180aad: Bankiga Federaalka

Faqrada 2aad meesha Maaliyaddu ku qorantahay halagu bedelo “Lacagta”.

Qodobka 183aad: Kaydka Qaranka

Qodobkan Hey’ad loo xilsaaray Keyd Qaran ma jiri karto sababtoo ah Hey’adda kaliya oo keydka qaran hayn kartaa waa Bangiga Dhexe oo kaliya.

Qodobka 184aad: Suggidda Amniga Jamhuuriyadda

Qodobkaan 184aad ma aha mid u gaar ah Dowladda Federaalka oo kaliya, sida ku qoran Qabyo qoraalka. Wuxuu noqonayaa mid ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka, ciidamada qalabka sidana ay ku wada jiraan. Tusaale ahaan, waa in qaabka hoos ku qoran loo badalaa Qodobkaan:

Faqrada 1aad halaga dhigo sidaan:

(a) Ciidamada Xoogga Dalka oo isugu dheelitiran Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka

(b) Booliiska Federaalka iyo Booliiska Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka

(c) Ciidanka Asluubta ee Federaalka iyo kan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka

(d) halaga dhigo Hay’adda Sirdoonka Federaalka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Faqrada 2aad adeegsiga Ciidamada Amniga waxaa lagu sugayaa Sharciyadooda u kala gaarka ah Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 187aad: Hay’adda Gardonka (Ombudsman)

Qodobkaan dhaqan-dowladeedka Somalia xilligaan kama shaqayn karo halaga saaro, Hey’adda Gardoonka (Ombudsman) shaqadeeda waxay ka hor imaanyasaa Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud, Maxkamdaha iyo Shuruucda dalka u degsan, sidaas darteed waa in meesha laga saaraa.

Qodobka 188aad: Amaro Sharci darro ah oo cad

Weerta ah: “Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah.”

Qodobkan ma geli karo Dastuurka, wuxuu ka mid noqonayaa Xeerka Ciidamadda.

Qodobkaan meesha halaga saaro.

Qodobka 189aad: Kormeerka Rayidka ee Ciidamadda Amniga

Qodobkan cinwaankiisa (Kormeerka Rayidka ee Ciidamadda Amniga) iyo tafaasiisha hoose isma laha waana iska hor imaanayaan dib haloo qoro hana la saxo. Tafaasiisha qaarkeed oo ku qoranna waxay ka mid tahay Awoodaha Madaxweynaha Qodobka 115aad.

Fiiro gaar ah: Qodobkaan wuxuu ka mid yahay meelaha jahwareerka awoodaha hana laga saaro tafaasiisha aan loo baahnayn.

Qodobka 190aad: Waajibaadka iyo Kormeerka Xakamaynta Ciidamadda Xoogga Dalka

Qodobkan wuxuu ka hor imaanayaa qodobo ka horeeyay loomana baahna waa in meesha laga saaraa, Tusaale ahaan faqrada 2aad & 3aad wuxuu ka hor imaanayaa qodobka ka hadlaya Ciidamada iyo Waajibaadkooda (Qodobka 184aad) halaga saaro.

Qodobka 191aad: Waajibaadka Ciidanka Booliiska Federaalka

Qodobkaan wuxuu ka hadlaya shaqo hoosaadkii howlaha Booliska waxaana lagu xusi doonaa Xeerka u gaarka ah Ciidanka Booliska, sidaa darteed looma baahna in Dastuurka lagu qoro tafaasiil hoose halaga saaro.

Qodobka 193aad: Dhismaha iyo Waajibaadka Ciidanka Nabadsuggidda

Qodobkaan oo ka hadlaya Nabadsugida, halka ay Ciidan ka tahay halaga dhigo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida.

Qodobka 194aad: Ciidanka Asluubta Federaalka

Qodobkaan oo ka hadlaya Ciidanka Asluubta Federaalka, dalka wuxuu yeelanayaa Ciidan Asluub heerka Federaal iyo Ciidan Asluub heerka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 196aad: Guddiga Adeegga Ciidamadda Amniga

Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa qaab dhismeedka Ciidamada, Guddiga noocaan ahna ma jiri karo halaga saaro. Adeegga Ciidamada waxaa u xilsaaran Wasaaradaha ay hoos yimaadaan iyo Talisyadooda.

Qodobka 197aad: Xaaladda Degdegga ah

Qodobkaan wuxuu khilaafsanyahay Qodobka 125 Faqrada 1 (e) ee isla qabyo-qoraalkan oo awooda ku dhawaaqista Xaaladda degdega ah siinayay Raysul Wasaaraha, hasa yeeshee aanu iswaafajinay Qodobkaan oo sax ah iyo Qodobka 115aad ee Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Qodobka198aad: Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga

Qodobkaan wuxuu ka hadlayaa waajibaad aan cadayn waa in dib loo qoraa si waafaqsan Qodobadii hore loo soo sheegay ama meesha laga saara.

— DHAMAAD —

Waxaa soo diyaariyey:

Guddiga Dowladda Puntland ee Dib u eegidda Qabyo-qoraalka Dastuurka Federaalka, oo ka kooban:

1.Md.Cabdiweli Xirsi Cabdulle Gudoomiye

Wasiirka Shaqada, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada

2. Md.Dahir Xaji Khalif Xubin

Wasiirka Howlaha Guud

3. Md.Maxamad Farax Gaashan Xubin

Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga

4. Xil.Axmed Jamac Cabdulle Xubin

Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda Baarlamaanka Puntland

5. Xil.Sadiq Abshir Garaad Xubin

Ku-xigeenka Guddiga Shuruucda Baarlamaanka Puntland

6. Md.Axmed Caydiid Cisman Xoghayn

Agaasime-ku-xigeenka Madaxtooyadda Puntland

Jaaliyada Maakhir ee dalka Kenya oo Si KMG ah Xilkii Odayaasha ugu Wareejisay
Nairobi:- Kulan ay Yeesheen odayaasha Maakhir ee dalka Kenya iyo Gudoonka Jaaliyadu Maalntii shalay wuxuu ahaa mid is xog Waraysi ah iyo waliba in Gudoonkii Jaaliyadu ay Odayaasha uga waramaan Meesha shaqadii Jaaliyadu Marayso iyo xidhiidhka dibada.

C\salaan Bulqaas oo ah Gudoomiyaha Guud ee Jaaliyada Maakhir dalka Kenya ayaa Odayaasha siiyay Xog ku aadan Arrimaha Jaaliyada.

Wuxuu carra baabay inay wax badan qabteen walina ay sii shaqayndoonaan hase ahaatee ay Sababa Jira Awgood gaar ahaan Shaqooyin ugaar ah iyaga iyo Safaro ay Shaqada u Wareejinayaan isaga oo Meesha ka saaray Haba Yaraatee inaanay Jirin wax Khilaaf ah dadkuna ay wada socdaan.

Waxa Hadalka la wareegay NB C/laahi Xasan Xabeeb oo sheegay in ay la Haboon tahay isaga inay xafiiska Joogaan oo aanay Jirin wax Muuqda oo  wakhtigan Shaqada Sidii aad u wadeen u sii wada.

Hase ahaatee Gaba Gabadii waxa Hadalka La qaatay Ugaas Xasan Hilaali oo ka mid ah Odayaasha Jaaliyada ee Laf dhabarta ah wuxuu qeexay in hadii aad Xafiiskii Jaaliyada Wareejiseen ay Haboon tahay in si KMG ah loogu dhiibo Ruux shaqada sii wada ilaa laga Gaadhayo Doorasho.

Waxana ay Odayaasha iyo Xubnihii xilka wareejiyay isla Garteen Cabdi Xakiin Tima Faras in lagu Wareejiyay waxana la xidhiidhay oo la hadlay NB C/laahi Xasan una sheegay Go’aanka Odayaasha iyo Jaaliyada Wuuna Aqbalay inuu xilka sii Hayo ilaa doorasho la qabandoono.

Hadalka Ugaaska Halkan ka Dhegayso

Shirkaasi Waxa  Joogay

UGaas Xasan Hilaali

NB C/laahi Xasan Xabeeb

Gu.C/salaan Cismaan Bulqaas

Xubin Fir Fircoon Axmed Saalax Aw-Cilmi

G.Jaamac Ayaanle Feyte

Waxa Shirka Ogaa oo ka Howlo Shaqo Darteed uga soo qayb Gali Waayay.

Gu. Maxamed Siciid Kurre

Madaxa- Maaliyada  C/Nuur Sharmaake

Convening of elders important step on path to ending Somalia’s transition – UN envoy
The top United Nations envoy in Somalia has welcomed the inaugural convening of the body tasked with selecting members of the Constituent Assembly and new Parliament as an important step on the road to ending the country’s transition.

“This is a moment of optimism for all Somalis,” said Augustine Mahiga, the Secretary-General’s Special Representative and head of the UN Political Office for Somalia (UNPOS).

The Traditional Elders represent the full spectrum of Somali society, according to a statement issued by UNPOS. They will nominate and select those who will serve in the 1,000-member Constituent Assembly, which is tasked with drafting a new constitution, as well as in the new Parliament.

The country’s Transitional Federal Institutions (TFIs) are in the process of implementing a roadmap devised in September last year that spells out priority measures to be carried out before the current transitional governing arrangements end on 20 August. The selection of the members of the Assembly and the Parliament will help pave the way for the end of the transition.

Mr. Mahiga emphasized that the credibility of those chosen by the Elders, who will meet tomorrow in the capital, Mogadishu, will have a “profound effect” on the constitution-making process and the selection of the new legislative body.

“I call on all parties to ensure that this is done in a timely, consultative and efficient manner. This is an essential first step on a long path ahead, and it is critical that we get it right.”

He also encouraged the Elders to “give us the best representatives to both the Constituent Assembly and the Parliament.”

The UN and the international community will give their full support to this process for the successful ending of the transition and eventual lasting peace and stability to Somalia, he added.

Shirkii Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay (SAWIRRO)
Shirkii ergada ansixinta dastuurka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo isku keenay oday dhaqameedyo gaaraya 135 oo go’aan ka gaari doono soo xulida ergada ka qeyb galeysa baarlamaanka iyo kuwa ansixinta dastuurka cusub.

Munaasabada furitaanka shirka oo aad looga soo qeybgalay ayaa waxaa joogay Madaxweynaha, Ra’isul-Wasaaraha iyo Af-hayeenka Baarlamaanka, kuwaas oo so farxad ku jirto usoo dhaweeyay oday-dhaqameedyada kuna amaanay hogaanka ay shacabka u hayaan. Shirka ayaa wuxuu soo bandhigay go’aanka ay dowladu ay ka taagan tahay dhameystirka heshiiska Roadmap-ka, gaar ahaan, dhameystirka mudada kumeel-gaarka ah.

“Waxaan soo dhaweyneynaa odayaasha qaranka; kusoo dhawaada Muqdisho” ayuu yiri madaxweyne Sharif Sheikh Axmed, oo sheegay in uu ku kalsoon yahay odayaal-dhaqameedka, asagoo ku cadeeyay hadalkiisa in ay shacabka u horkici doonaan midnimo iyo qarannimo. Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay deeq-bixiyeyaasha is garab taagay bulshada Soomaaliyeed mudadii ku-meel-gaarka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay maanta odayaasha uga fadhiyaan keenista guul badan,” ayuu yiri Af-hayeenka baarlamaanka, mudane Shariif Xassan, kaas oo kula dardaarmay odayaasha in ay isku raacaan danta guud ee qarannimo.

Dowladda ayaa sharaxaad ka bixisay guulihii ay gaartay bilooyinkii lasoo dhaafay, oo xaqiijisay dhameystirka howlihii geedi-socodka qorshaha nabadda ee ku aadan bilaha harsan. Ra’isul-Wasaaraha, mudane Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa hoosta ka xariiqay in isbadalka ay dowladu ku talaabsatay, gaar ahaan kan amniga, uu yahay mid u sahlay dowladda in ay agaasinto shir noocaan ah oo caalami ah.

Bulshada rayidka ayaa sidoo kale goobjoog ahaa, waxayna cadeeyeen in ay ka go’an tahay in ay taageeraan oday-dhaqameedka kuwaas oo xambaarsan danta guud iyo tan bulshada rayidka.

Dowladdu waxay u aragtaa shirkan mid guul ah, kadib markii la isku keenay oday dhaqameedyo muhiim ah, oo la dhameystiray dastuurka qabya-qoraalka. Arintaas waxay soo koobtay howlihii harsanaa ee geedi socodka Roadmap-ka oo ku eg 20-ka bisha sideedaad ee sanadkan.

Wasiirka Dastuurka, mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa meesha ka saaray hadalo marin-habaabin ahaa oo ay sameeyeen kooxo gaar ah oo kasoo horjeeda horumarinta dastuurka. “Qabya-qoraalka wuxuu salka ku hayaa diinteena,” ayuu yiri Mudane Xoosh oo hadalkiisa ku dhiiragaliyay bulshada si oday-dhaqameedka ay ugu taageeraan gudashada waajibkooda.

Isimadii Puntland uga qaybgalaya dastuurka DKMG oo Garowe ka duulay+Sawiro
Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Puntland ka duuley wefdi balaaran oo ah Isimada Deegaanada Puntland oo u duuley xarunta dalka Somalia ee Magaalad Muqdisho isla markaana ka qeyb galaya ansaxinta Dastuurka Soomaaliya intaa kadibna xuli doona xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Isimada Garowe ka dhoofey ayaa ka mid ah Suldaanka guud beelaha Maakhir Suldaan Saciid Suldaan C/salam Suldan Maxamuud Cali Shire iyo Garad C/lahi Cali ciid iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullahi.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo  u hadlay Isimada Puntland ee ka dhoofatey Garowe ayaa ka warbixiyey ujeedka safarka iyo wafigan si uu yahay.

‘’Waxaa halkan ka baxaya isimada Puntland oo raba inay ka qaybagalaan nabadeynta Somalia shirka ka dhacay xamar iyo sidii looga bixi lahaa KMGnimada’’ ayuu yiri Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

15ka May ayaa waxaa la qorsheynayaa inuu furmo Shirweynaha lagu ansixinayo Dastuurka Dowlada Federaalka ah ee Somalia kadibna loo guda geli doono xulista xubnaha Baarlamaaniga ah ee dowlada cusub ee Somalia oo la wado iney dhalato 20 Augusto hadii allah awooda lehi idmo.

Guud ahaan Amniga magaalada  Muqdisho ayaa la adkeeyey iyadoo beesha Caalamku ay u digtay Qaswadayaal kasoo horjeeda ka bixintaanka nidaamka ku meel gaarka isla markaana ka wada Fowdo gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale dhowaan ay dowlada Somalia kala firdhisey shir la sheegey inuu soo abaabuley Indho cade oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii iyo kooxo baarlamaani ah oo ay ku jirto Caasha Axmed Cabdalle isla markaana loo diidey iney kulankooda qabsadaan.

Shirweynaha ansixinta iyo xulista Baarlamaaniga Somalia ayaa la filayaa inuu wax ka bedelo qaabka ku meel gaarka ah ee ku habsadey umada Soomaaliyeed tan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee Maxamed Siyaad Bare[AHU.

LaasqorayNET-

Fiiro Gaar ah: Isha sawirada- Warbaahinta Puntland

Ogeysiis-Shirka Maakhir Holland ee Sabtidan 5-5-2012
Gudoonka Jaaliyadda Maakhir Holland iyo ururkeyda “UHM” waxey ku casumeyaan dhamaan xubnaha ka tirsan jaaliyadda iyo kuwa aan weli iska qorin jaaliyadda ee u dhashey mandiqada Maakhir iney kasoo qeybgalaan shirka Guud ee Jaaliyaddan iyo ururkeyda oo Sabtidan 5-5-2012 ka dhici doona Berlagestraat 100. 3505 BCUTRECHT.

Imaatinkaagu Waa noo muhiim, Waana qeyb ka tirsan dantaada iyo danta guud !!

Gudiga fulinta kala xiriir telefoonadan: Xogheynta 06-22182851 ama Madaxa: 0681944399.

Websiteka: www.maakhir.eu

Jaaliyada Ka mid ah Kuwa Qurba ee G.Sanaag ee Guulo Muujisay
Nairobi:- Jaaliyadaha Sadexda Gobol ee Sanaag, Hayland iyo Gobolka Bari waxay aad ugu badan yihiin Wadamada Dibada sida   North America iyo UK waxa la Oran karaa waa meelaha ay sida aadka u Joogaan waxa soo Raaca Wadamo kale oo ka mid ah Yurub kuwaasi oo ay Nool yihiin Shacab badan oo ka Faa iidaystay Galitaanka Dalalkaasi kuwaasi oo Aqoon dheeraad ah Helay.

Hase ahaatee Khaliijka Carabta Marka laga yimaado  oo iyana Jaaliyada badani Joogaan Sida, Emarat-ka, Kuwait, Oman, iyo Sucuudiga iyo Meelo kale waxa Jira geeska Africa Jaaliyadu ka dhisan kuwaasi oo  inta Badan  Warbaahinta laga Arko Shirarkooda iyo Dadaalkooda.

Dhalinyarada  Ku Nool Dalka Kenya waxay Abuureen Dallad Xaqiiq Dhalisay Guul wayn marka loo eego Dalka ay ku Nool yihiin oo ah Africa sida ay Wanaagsan ee ay Bulshada isugu Xidheen dhawaan waxay Booqdeen Dalka Uganda kuwaasi oo Mideeyay Jaaliyadaha  Geeska Africa, sida laga Dheehan karo Muuqaalka VIDEO Shirkii Kampala wuxuu ahaa mid qiima Wayn leh.

Kulamad aadka loo Xasuusto waxa ka mid ah Shirkii [31st July 2011]  kaasi oo Buugaa iyo Dhaqaale loogu Uruurinayay Jaamacada Maakhir shirkaasi wuxuu ahaa mid isna ay soo Abaabushay Jaaliyada Dalka Kenya Ayna ku Amaanan yihiin inay Garab is taagaan Horumuudka Jaamacada Gobolka Sanaag.

Booqashadii Suldaan Siciid C/salaam oo ah Suldaanka Gobolada Sanaag, Hayland iyo Gobolka Bari markii uu Yimi Kenya sida Wanaagsan ee Jaaliyadu u soo dhawaysay ayaa ka mid ahaa Talaabooyinka Haboon ee lagu Yaqaan Isku xidhka Bulsho ama Golle Hal Mowqif leh oo ku Nool Dal ka mid ah Caalamka.

Bulsho Meel ku Nooli waa tii Og Qofkeeda Xanuusanaya Keeda u Baahana Taban taabisa, Og Siyaasigeeda Dalka soo Gal Og Siyaasad ka socota Gudaha Somaliya waxay Soo dhawayn iyo Kulamo Xog Waraysi ah la qaataan Siyaasiyiin Gobolada ee TFG iyo Puntland haba ugu Danbeeyeen Kulamadii Wasiirka Arrimaha Gudaha PL Gen Ilkajiir Daawo Halkan , iyo Wasiiro Dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowlada Somaliya Siciid Jaamac Qoorsheel. Daawo Halkan

Waxaan oran karaa waa Dab ka Iftiimiya Geeska Dunida waxay Garteen inay Baaq u Jeediyaan Isimadii dalkii Joogay si loo qabto Shiwayne waxana Hubaal ah in Isimadii ay Gaadhay Fariintii Jaaliyada Kenya Kuwaasi oo Shir ku dhawaaqay sidoo kale Jaaliyadaha USA baa iyana Shirwayne Iclaamiyay.

Guul- iyo Midnimo Reer Maakhir

Ahmed Maxamed

General Ilka Jiir oo ay Qadasho Sharaf u Sameeyeen Jaaliyada Gobolada Hayland,Sanaag iyo Bair ee dalka Kenya +Sawiro
Nairobi (GalGalanews) Wasiirka Arrimaha Gudaha ee  Maamulka Pl General Ilka Jiir ayaa Qado Sharaf  la qaatay Xubnaha  Jaaliyada Dalka kenya, waxana Qadadaasi ay ka dhacday Hotel Bara-kaat.

Shirkaasi  oo ahaa mid is Xog Waraysi ah waxa u badnaa dhalinyaro Madaama Wasiirko  Codsaday inuu Rabo Is araga isaga iyo Dhalinyarada Nairobi.

Sawiradii Shirkaasi Halkan ka Daawo

Suldaan Siciid oo Waraysi uu BBC-da Siiyay Kaga Hadlay Ansixintii Dastuurka PL Dhegayso
Garoowe:- Suldaan Sicid c/salaam Maxamuud Cali Shir oo ka mid ah Duubabka dhaqanka  ee Puntland isaga oo Sheegay inay PL Gaadhay Huromar Wanaagsan

Halkan Riix Dhegayso