Halkan Hoose ka Dhageyso Gabeyga Madarshoon
Halkan ka Dhageyso Gabeyga http://laasqoray.org/wp-content/plugins/Gabay_Madarshoon5.mp3
Mugga gabayga miisaanka iyo meerintiyo jiibta
Marraan iyo maqluub baa murtida muunaddeed dila’ee
Macnaha lama warsado niman aqoon xaajo marinkeede
Farooloow majnuun inaa tihiyo iyo inaad masaaleys
Iyo mooyi inaad leedahoo aad is maqiiqaysoo
Labadaa nin maanli’i ma huro waana loo maragee
Madaxweyne goortaad heshee lagugu maamuusay
Buntilaan maaqaamkeeda sare lagu mihiibsiiyey
Miyaad noqotay mici dhiigle aan maxasta dhaafaynin?
Muruq sheegadkii aad Galgala maalin ugu duushey
Macadan gurashadii sow mariid kuma maggawsiinin
Maskaxlaawe sow gacal aan mudan kuma manaabayni
Meel lagu badbaadaba dalkii maanta laga waaye
Madaxyada Cagaarriyo melmelan hawdka marinkiisa
Adigaa masuul ka ah wixii maata doox dhacayee
Ragga mawdku waa dili jiroo Maalig baw qoraye
Miciin laawe taladiisa waa laysku madhiyaaye
Malkadii Garoowaa hadhgalay lays makalayaaye
Miilada sidii aad u timid murugyey xaalkiiye
Madaxdeennii baa li’atay iyo ma hurtadeenniiye
Macnihii Warsame loo dilaa muran ka joogaayee
Afartaa ma meermeeriyee meel ma qabadsiiyey
Macnihiyo ujeeddada dadkii sow maqashiinin
Muusaraarin maayee miyaan miimka ka habowsheey
Gaalkacayo midigtaada sow maammul kuma dhaafin?
Masaakiinti aad didisayoo laba malyuumaada
Sow Baraxley meesi uma noqon ciidan muruq weyn leh?
Laascaanood shisheeyaha mulkiyey kuma macruufteene
Maangaab Shirshooruhu hadduu waa ku magalloodshey
Maatada gar maahayn inaad milay ku ooddaayee
Muslimkii arlada joogay baad magac ku sheegtaaye
Mintidiinta adigaa u weyn maqaddimiintoodee
Budhcaddii maleegnayd adaa macallinkoodiiyee
Eed kuguma moosine adaa meel xille isdhigaye
Adaa macangagoo taadu tahay aan maroorsado’ee
Madarshoon wixii kaaga dhacay baw markhaantiyahee
Waxba ha is mutuxin maalinbaa mawdku kuu iman
Mawlaha hortiis waxad la tegi madhaxa kuu yaale
Mingistiyo Sinaawiba kolkaa magansan maysaanee!
GABAYGA LABAAD: CAQIIBO
Caqlibaa adduunyada nafluhu ku cirriqaayaaye
Cajabayeey dadweynaha Buntlaan lagu caqqiibeeye
Caaqa ina Farooliyo haddaan ciriqa baas joogi
Ninna Carabta dhoof uma tageen ciirsi kale daayee
Soomaaliya colaaddiyo dhibtii la isku cayntaarshey
Carradanu ka nabad bay ahayd cuurarkii lumayee
Iscasilay Farooloow codkaa waannu kaa filiye!
Iscasilay Faroolow codkaa waannu kaa filiye
W.T: Maxamud Axmed
Email: dhalool@gmail.com


Print
Email