| Home

SEE LOO TAYEEN KARAA SAXAAFADA SOOMALIYA- W/Q ASHKAR


Sida aan wada agsoonahay aduunka maanta wuxuu aad u daneeeya (information) oo qofku in uu  helaa war wexeey noqotey daruuri sidaa daraadeed ayaa waxaa loo yaqaan waqtiga aan ku jirno (age of open skies) casrigii ciraarka furan, waxaa loola jeedaa qofku wuxuu daawan karaa ama aqrin karaa ama maqli karaa war cusub oo mudo yar ka soo wareegtey ayadoo laga soo gudbey waqtigii wararka la sugi jirey mudo badan, fududeeyntaas loo sameeyey war faafinta wexeey xanbaarsantahay waxtar badan isla mar ahaantaas wexeey gudaha ku sidataa dhibaatooyin badan sidaa daraadeed qaabkee loo tayeeyaa saxaafada somaliyeed waa su'aal is weeydiin mudan?

Hadaba waxaan ku soo koobi karnaa tayeenta saxaafada Soomaliya sidatan

  • In la raaco aragtida loo yaqaan (Inform developing nations) war faafinta doowladaha soo kobcaaya.
  • In ay saxaafadu ku dhaqanto waxa loo yaqaan (Media Ethics).
  • In loo sameeyo saxaafiyiinta waxa  loo yaqaan (Press registration)

Hadaba waxaan isku dayi doonaa in aan sadexdaas qodob mid mid u dul istaagno  si loo fahmo waxa loola jeedo mid kasta.

  • Mexeey tahay aragtida (information developing nations)

War faafinta waxaa laga qorey aragtiyooyin fara badan cilmi kasta wuxuu leeyahay aragtiyo uu ku dhaqmo,1950 ayaa waxaa soo if baxay aragtiyo fara badan,oo ka mid yihiin aragtida mas’uulida bulshada,aragtida xoriyada, aragtida xukun wanaaga iyo dimoqraadiyada,hadaba hadaan nahay Soomaali aragtidee baa nagu haboon wexeey ila tahay in eey nagu haboontahay aragtida warfaafinta doowladaha soo koraaya, oo Soomaliya eey ka mid tahay dooladahaas,aragtidaas ayaa wexeey soo ifbaxdey taarikhdu markeey ahaayd 1980 aragtidaa ayaa wexeey tahay mid eey raacaan ama ku dhaqmaan doowlado fara badan oo soo kobcaaya,hadaba aragtidaas mexeey ka hadleeysaa,qodobadaan soo socda aan ku soo koobno:

  1. Saxaafada waa in eey had iyo jeer xooga saarta ka hadalka hoowlaha hor marineed ee wadanka ka socda si eey u xoojisu soo celinta wadani nimada
  2. Waa in saxaafada had iyo jeer xoojisa luuqada markaa wadankeeda ka jira si aaysan u lumin luuqadii iyo suugaantii umadu u nasab sheeganeeysey 
  3. War faafinta markaa ka jirta dalka waxaa loo baahanyahay in eey xooga saran warar ka soo tabiyaan wanaagsan doowladaha dariska la ah ee ayaga markaa dal ahaan u dhow oo dariska la ah
  4. Saxaafigu wuxuu xaq u leeyahay in uu xog helo
  5. Doowladu waxaa saran in eey ku sameeyso saxaafada waxa loo yaqaan [Monitoring] daba gal iyo muraaqabeeyn.

Qodobadaas loogu tala galey saxaafada wadamada soo kobcaaya waxaa suuragal ah in aan laga hir galin Karin wadan sida somaliya oo kalle ah hadana waa lagama maarmaan in lagu dhaqmaa.sidaa daraadeed meelaha doowlad goboleedyada ka jiraan waa suuragal In laga hir galiyaa si tayo loogu sameeyo saxaafada soomaliyeed.hadaba wxaan u gudbeeynaa ka hadalka waxa loo yaqaan Media Ethics aqlaaqda looga baahanyahay saxaafadu in eey ku dhaqanto ama saxaafigu sameeyo waa maxey?aqlaaqda looga baahanyahay waxaan ku soo koobi karnaa sidatan:

  • Media Ethics-Akhlaaqda Saxaafada

-Run sheeg nimo waayo xog sugan oo hufan ayaa wexeey tahay hadafka saxaafigu sidaa daraadeed waa in uu raadiya xogta runta ah si uu u gaaro xaqiiqada laguma gaari karo xaqiiqo wax runa un mooyee

-Ixtiraamida karaamada aadami nimo sida in uu usan yasin ama wax ka sheegin koox gaara ama dad gaar ah,waxaa kaloo ka mid ah in uusan ka qaadin sawir ama cod duuban ilaa uu qofku ka idin qaato un mooyee.

-Dhowr sanaan ama (Integrity) dhoowrsanaanta waxaa ka mid ah in uu kala saaro shaqadiisa saxaafadeed iyo figriga uu asaga aaminsanyahay iyo in uusan isku xirin dan guud iyo mid gaar ahaaneeyd ama sharaf dil uu cid ama koox u geeysto

-Dareen mas’uliyadeed waxaa ka mid ah dareenkaas in uusan faafin war uusan hubin ama isha uu ka xiganaayo uusan aqoon u leheen.

-Cadalad sameeyn sida in uu u cadaalad sameeyo dadka Soomaaliyeed oo ka mid ah in uu sawiro ama qoraalo kicin kara dhib uu ka fogaado.

Muhimada aay leedahay in lagu dhaqmo maba’adidaas ama (Principles) waxaa weeye in la dhoowro sharafta shaqada saxaafadu aay leedahay isla markaana lagu dhaqmo si loo yareeyo dhibka ka yimaada saxaafada had iyo jeer.

Ugu danbeeyntii waxaa is weeydiin mudan in la helo wado looga bixi karo dhibkaas saxaafadeed oo had iyo jeer ka yimaada cilma darada saxaafiyiinta heeysato ha ahaadaan kuwa ka shaqeeya maqalka ama muuqaalka ama waxa la qoro kuwa warqada ah joornaalada ama kuwa electarooniga ah sida internet wepsites,,,,, hadaba see looga bixi karaa dhibkaas waa su,aal soo laa laabata had iyo jeer waxaa looga bixi kara sidatan

  • In la sameeyo waxa loo yaqaan (Press registration)

Waa maxay press registration? Waxaa loola jeedaa in  uu qof kasta oo saxaafiya uu sameeysto ID ama kaar aqoonsi ah oo ka caawiya shaqadiisa suu u gudan lahaa,isla markaana intuusan qaadan ka hor karaka uu maro saxaafigu imtixaan ka kooban maadooyinkan
 
1- Luuqada Soomaliga ah iyo waxa uu ka yaqaan suugaanteyda sida gabayada iyo maahmaahyada
 
2- In uu maro imtixaan ku saabsan maadada la yiraahdo Press Editing waa maadada la dhihi karo waa lafdhabarta saxaafada ama war faafinta haduu saxaafigu ayada wax ka yaqaan wuu gudan karaa hooowshiisa saxaafadeed
 
3- In wax ka yaqaan computer principles sida wax ku qoristiisa iyo isticmaalkiisa
 
Sadexdaas maado ayaa u muhiimsan in uu wax ka yaqaan saxaafigu oo wadamadu qofku markuu rabo in uu ku shaqeeyo saxaafi nimo wuxuu soo maraa imtixaankaas si loo ogaado in uu wax curin karo iyo in uu hoowshaas gudan karo si hufan oo dhibi ku jirin .

Su'aasha is weeydiinta mudan wexeey tahay yaa sameeynayaa howshaas maadaama wadanku uu ku jiro xili adag oo doowlad la’aani heeyso.wexeey ila tahay in la sameeyo macahad weeyn oo la kaashado dad cilmi u leh ama waaya arag u ah saxaafada iyo war faafinta si loo qaabeeyo saxaafada 

Qorre: C/fitah Nur Ahmed (Ashkir)

Waaya arag xaga war faafinta ah. Wuxuu wax ku bartey dalka Sudan, Khartoum wuxuu ka baxay kuliyada Arts qeeybta saxaafada jaamacada la yiraahdo Africa International University

Daabaco
U dir saaxiibkaa


  NEWS IN ENGLISH

 

  ARABIC

SOMALI GOVERNMENT READY FOR EID SPECTACULAR.
PRESIDENT WELCOMES IMMEDIATE RETURN VISIT BY UN SPECIAL REPRESENTATIVE
The need for Re-organization and Reform in Puntland-Ismail Geldoon
PRESS RELEASE 018/2010 -UN Under-Secretary-General visits President Sheikh Sharif in Mogadishu
ARTICLE-Galgala: Farole’s Waterloo, BY
Joint Statement Condemning Al-Shabab’s attacks against the people of Mogadishu
Somalia's once stable Puntland hit by insurgency - The Associated Press
Sanag And Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.
Somali MPs killed in hotel suicide attack
 
زيارة وفد من مظلة التعليم الأهلى وجمعية التضامن الى السودان
الشباب تتبنى هجومي كامبالا وأوغندا مصرة على البقاء بالصومال

مؤتمر في اسطنبول لإرساء الإستقرار في الصومال

القوات الأثيوبية تعبر الحدود وتشتبك مع صوماليين

الحكومة الصومالية: اثنا عشر عنصرا بالقاعدة عبروا للصومال من اليمن

تقرير للامم المتحدة يصف القوات الحكومية الصومالية بالفاسدة وغير الفعالة

تحويل النقود عبر المحمول في الصومال يوفر الاموال وينقذ الارواح

المتمردون يحذرون الحكومة الصومالية الانتقالية من شن هجوم على مواقعهم في مقديشو

     

BARNAAMIJYO KHAAS AH

COMMUNITY LISTINGS

  SPORTS

 

  ISLAM

Dalka Masar oo qaaday Koobkii Africa
Manchester United performance caps their best 10 days since 1999
Spurs in form for United clash
Sanaag oo ku Dur-Durisay Gobolka Sool......Koobka Puntland Premeir Leage ee Dalka India ka socda
Kabtankii Kooxda ESpanyol ee Dalka Spain ayaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay
 

أفضل وثيقة تأمين على وجه الأرض

Islaamka iyo reer Galbeedka Aragti Taariikheed / Shiikh Almis Yaxye

علامــــــــــــــات حســـــــــــــــن الخاتمـــــــــــــة

أحكام الأضحية

فضل الصلاة على المصطفى صلى الله عليه وسلم

     
     

  WARAYSIYO

 

  TACSI

 
Faduma Jibrell oo ka waramaysa meesha ay mnareyso Dekeda Laasqoray..5.9.07

Caasha Axmed Cabdalla oo taageertey Maakhir.. SBS 5.9.07

Mudane Moon oo ka waramaya Xaalada Waxbarasho ee Sanaag .. 4.9.07

War saxaafadeed, Gudoomiyaha Sanaag ee Maakhir. ... 3.9.07

Caaqil Warsame Adan Geesood ... 2.9.07

Wareysi: Xasan Badeed oo ka waramay Dekeda Laasqoray. 29.8.07

Wareysi:-Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Maakhir State. 26.8.07

Khudbad cusub oo jeediyey Col Jibriil,25.8.07

Khudbad Taariikhi ah. Col Jibriil Cali Salaad 18.07.2007

Xasan Somali, Gud. Jaaliyada Warsangeli ee UK 17.07.2007

Caawa iyo Sanaag 16.07.2007

Faduma Jibril_HR. 09.07.2007

Maakhir iyo 1da Luulyo. 01.07.2007

Dhegeyso wareysigii SALAAD FAATAX-SBC ee ku aadanaa Dhagaxa

Ciyoon iyo Sanaag

12.05.07

Caaqil Cabdulahi Cabdi Ibraahim 04.05.07

Wareysi:-Mustafe Godane iyo Ceerigaabo 22.04.07

Warbixin ku saabsan Maxamed Cali Ciise 20.04.07

Xaalada Sanaag iyo maanta 19.04.07

BAAQ DANWADAAG. 13.04.07

BAAQ BADHAN. 13.04.07

Dhahar iyo SL-PL 09.04.07

Xaalada Dagaal oo ka taagan Sanaag 08.04.07

Wasiiro ka hadlay Sanaag 31.03.07

Dowlad Goboleedka Danwadaag

Wareysi cusub oo ka waramaya Sanaag 22.01.07

Wareysi BBC Somali La yeelatey Amd Yusuf Xaji Sacid iyo Shirkii Buraan 26.08.06

Wareysi ku saabsan go'aanadii Shirka Buraan 26.08.06

Radio SSCayn:- Shirka London ee Beelaha Sool iyo Sanaag wada dega iyo Dekeda Laasqoray 19.07.06

Ceerigaabo:- Warsaxaafadeed Gudi booqanaya Ceerigaabo 12.07.06

Warbixin ku saabsan dhisida Dekeda Laasqoray iyo Shirkii Horn Relief ee London 28.06.06

BBC:- Xaalufinta iyo Macdanta Sanaag oo go'aano laga soo saarey. 27.06.06


Shirkii Badhan oo guul ku dhamaaday 03-06-06

Wareysiyadii ugu danbeeyey ee shirka Badhan 29-05-06

Wareysi:- M C Dabshid iyo Xasan Faarax 28-05-06

Warbixin iyo wareysiyo Cusub oo ku saabsan shirka Magaalada Badhan ee G Sanaag 27.05.06

Wareysi Cusub oo RL ay la yeelatay Maxamud Ciyoon 18-05-06

Warbixin ku saabsan shirka ka socda Badhan

Qurba Jooga Beesha iyo waxay ka qabaan Majiyahan 17.04.05



Wareysiyo Kale Halakan riix
 
Tacsi kasocota Jaaliyadda iyo Ardayda Reer Maakhir ee Waxkabarata Jaamacadaha Waddanka India ee Qaaradda Asia
Tacsi ku socoto General Ilka jiir, wasiirka arimahada gudaha Puntland
Tacsi ku socota Reer siciid Mohamed abdi majabir oo dhowaan ku geeryoodey Bosaaso
Geeri Naxdinleh Marxuun Cabdi Maxamuud Maxamed [Cabdi Nugaal]
TACSI TIIRAANYO LEH -MARYAN SALAX (DHOODI) oo Geeriyootey 10 December 2009 Wadanka KENYA
 

  HEALTH

 

  TECHNOLOGY

Warning for healthy aspirin users
Steaming hot tea linked to cancer
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 2aad, Gudniinka Dumarka]
GUDNIINKA WAA MAXAY GUDNIIN? [Q 1aad]
Dummy use link to ear infections-bbc
 
Debut for world's fastest camera
Prius 'to be part solar-powered'
Internet key to Obama victories-bbc
Casharo Kooban oo ku saabsan Computerka
Google warms to ad deal with Yahoo -FT