Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan oo katirsan Siyaasiyiinta Reer Puntland islamarkaana Madaxweyne kuxigeen kasoo noqday mid kamida dowladihii burburka soomaaliya loo dhisay, Xilal kala duwana kasoo qabtay Maamul Goboleedka Puntland ayaa Idaacada VOA ka hadlay ismarkaana Faroole ku eedeyay in uusan Puntland cidna kala tashan marka laga yimaado Kooxdiisa Aaran Jaan.
Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan Isagoo ka jawaabay hadalkii uu dhawaan Madaxweynaha Puntland ka jeediyay Munaasibada Ciidul Adxada ee ku aadana in ay xidhiidhka u jari doonaan Dowladda Fadraalka islamarkana Faroole uu ku eedeyay Shariif Axmed in uu ka dhacay Labo Wasiir ayaa Wuxuu Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan isagoo jooga Magaaladda Boosaaso arintaas kaga jawaabay in uu Faroole Ruuxiisu uusan Puntland Cid kala tashan oo uu dhinac maray Isimada iyo Siyaasiyiinta deegaanka Puntland wuxuu Wasiirada U Magacabay Faroole Koox uu dibada ka keenay oo aaran jaar la baxday.
Mudane Siyaasi Maxmed Xaaji Aadan Wuxuu tilmaamay in uu xaq u leeyahay Raysal Wasaare Farmaajo in uu soo Magacaabo Wasiiro yadoo uu sheegay in aysan raysal Wasaarayaashii hore kala tashan jirin Puntland Wasiirada ay soo magacaabayaan.
Mudane Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan isagoo ka hadlaya Booska Raysal Wasaaraha Cida Xaqa u leh ayaa wuxuu yiri sidatan” Beesha Darood Waa is matashaa midkood haduu xil qabto Waxaa Soo maray Beesha Darood Afar Raysal Wasare iyo Madaxweyne Waxayna kala ahaayen Cali Khaliif Galeydh, Xassan Abshir, Maxamed Cabdi Yuusuf, Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Raggasi Waxay kasoo wada jeedaan hal beel maxaa diidaya in ay Beesha Mareexaan na matasho ma garanayo sababta diidaysa in uu matalo Raysal Wasaaruhu Puntland wuxuuna ku yimi 4.5 oo wax lagu qeybsaday.
Sidoo kale Mudane Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan Wuxuu Madaxweyne faroole ku eedeyay in uusan puntland cid kala tashan oo Siyaasada Maamul Goboleedka gacanta u galiyay koox dhalinyaro ah oo dibada kala yimi oo la baxay Aaran Jaan islamarkaana wuxuu baal maray Isimada iyo Siyaasiyiinta deegaanka Puntland.
Laasqoray.Net-
Laasqoray.Net@gmail.com

November 19, 2010 at 10:26 am
WAA RUN ARINKAASI