webmaster@laasqoray.net

12 Sano kadib oo Maamulka Goboleedka Puntland Magaaladda Badhan ka Hir Galiyay Saldhig.

Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa Sheegay in uu dhamaad ku dhow yahay Saldhiga dhexe ee Magaaladda Badhan ee Xaruunta Labaad ee Gobolka Sanaag ee dhawaanta laga bilaabay halkaas Wuxuuna sheegay Maamulka Gobolku in uu haatan marayo gaba gabo oo bilaha soo socda si toosa loo furi doono.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa 12 Sano kadib Wuxu Magaaladda Badhan ee Gobolka Sanaag ka hir galiyay Saldhig Ciidan yadoo uu dhawaan saldhigan dhagaxa soo dhigay Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland kadib markii uu halkaas ku tagay booqasho lid ku ah doorashadii Maamulka Somaliland oo xiligaas socotay.

Magaaladda Badhan hore uma lahayn Saldhig Ciidan oo Waxtar badan leh marka laga yimaado dhowr qol oo uu dhisay isticmaarkii Ingrisiiska, tanyo markii Maamulka Puntland la aas aasay wa markii ugu horeysay ee deegaanka Maakhir horu-mar muuqda laga sameeyo.

Dadka Reer Maakhir ee gudaha iyo dibada kala jooga waa dadka ugu liita marka laga hadlayo dhinaca horu-marka deegaanka marka laga yimaado dadka deegaankoodu uusan nabdooneyn sida qaar kamid ah koonfurta Soomaaliya,
Bulsho weynta kasoo jeeda Gobolada Maakhir waa kuwo inta badan jecel in deegaankooda ay wax u qabato Hay’add amaba Maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland . marnaba kuma aysan fakarin in ay deegaankooda yagu gacmahooda ku horu-marin karaan taasina waa ta keentay in maanta Magaaladda Badhan laga dhisayo Saldhigii ugu horeyay intii ka dambeysay burburkii.

Saldhigu ama Jeelku Waa waxyaabaha daruuriga ku ah Magaalo ama Tuulo key ahaataba Waxayna kamid tahay waxyaabaha laga maar maanka ah ee degaanku u baahan yahay sida Xaruun Caafimaad, Saldhig ,Maxkamad   iyo Ciidan waana inta deegaanku nabad iyo horu-mar ku gaadho.

LaasqorayNet-

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

5 Responses

  1. walahay wax ayan daraa nooqatay inan mataa ku sasno sal dhiigaa hadaa naalgu qan ci nayo mara kii dhulkena laqooray waa ar gag xiso iyo quudh goyad calam ka kasocota hadab waxn idi sheegayaa inanyadn putland adn soomaliland midan wax iinin hayn waxad oogatnaa nin ku diilay hadh ku maajido ee dana hina is ka waraysataa oman daqadaa way hosausayee kor haloqado

  2. Ninka ka xanaaqay in Badhan Warsangalga lagu koobo waxaan filayaa waxaanad aqoon sida laguu yaqaano adiguna waxaad iila hadlaysaa sidaaad isu taqann.Badhan waa magaalda guud ee Warsangali loo yaqaaan markaa dhulka intiisa kalena iyaday ku gawracanthay.

    Markaa waxaan kuu sheegayaa kor u bax.

  3. Saan kadib, marjan dib u eegay qormada ah Jeelka laga dhisayo, ninkii qoray waxa uu yidhi Badhani hore jeel uma lahayn marka laga reebo qolal uu isticmaarkii Ingirisku dhisay,

    Badhani waxa ay ahayd Degmo kamid ah degmoyinka Sanag, sidas darteed waxa ay leedahay Saldhig Bolis kaaso ku hoos yaala Buurta wayn ee loo yaqan Kur-ilaalo, waxana lagu dhisay ololihii wax qabadka ee loo yiqiinay ISKAA WAX U QABSO isaga iyo dhismayal kale oo ay Iskuuladu kamid yihiin, ololohaas waxa hir geliyey Dawladii kacaanka ….waagii isticmaarka Ingiriska Badhani ma ay jirin sida taariikhda ku cad Badhan waxa looga soo guuray Magaladii la odhan jiray Xubeera tarikhdu markay ahayd 1972-kii, markaa iska hubi Isticmaarku waxba kama dhisin Badhan,
    Saldhigas Bolicka waxa imika degan Cidamada Darawishta ee p/land ka amar qaata,
    ok

  4. waxaan filaya nikalaiyiraaho badhanaawi hadalkiisa kama fiirsan markuu warsangli oo dhan kusoo koobay baran, waxayna ahaday saan aaminsana inuu yiraaho reer baramoodku been badanaa.. laakin waxaa muuqata inu warsangaliguba kooban yahay ..

  5. Warsanagaligu been iyo propangada badanaa. War Badhan saldhig ayaan ku ogaa iyadoo leh ama station.

    waxaan arkayay Dabayl oo leh magaalda Badhan saldhig malaha.

    Mushkilda warsangaliga haysata wax weeye. Badhan hada inta ka arimisaa waa soo galooti. waxaan filayaa markay kala garanwaayeen guryihii ay dawladu lahaan jirtay iyo kuwii shacabka ayay u malayeen in Badhan station dawladii Somaliya u dhisin.

    sababtoo ah BADHAN ninkii joogijiray waagay dawladu jirtay ayaa garan kara dhismayaashii dawlada.

    markaa waxan leenahay soo galootiga ama intay magaaladu ka buuxsantay ee hada Badhan yimi magaalda hanaga caayina saldhig ayay lahayd dawladii Somaliya waxay ugu magcawnayd adagmo.