webmaster@laasqoray.net

Abaabul dagaal oo ka dhan ah Somaliland

Ciidamo isku dhaf ah oo u badan ciidamo beeleedyo Harti iyo Mareexaan ayaa laga yaabaa iney galaan dagaalada kasoo cusboonaadey Buhoodle ee gobolka Cayn isla markaana ciidamadani ay u ruqaansadeen Laascaanood iyadoo ciidamo kale oo la sheegaayo iney ka amar qaataan Wasiirka Amniga ee Puntland General Ilkajiir ay kusoo wajahan yihiin degmada Taleex ee gobolka Sool kana soo ruqaansadey Gobolka Sanaag.

Wararku waxay ku darayaan in ciidamo Daraawiishta Puntland ah iyo kuwa beeleedyo ay caawa u hoydeen duleedka Koonfureed ee Laascaanood iyadoo gebi ahaanba magaalada Laascaanood ay ka qaxeen dadkii yaraa e horey ugu harey.

Ciidamadan ayaa waxay ku hubeysan yihiin dhamaan agabka ciidan sida baabuurta dagaalka, cisbitaalada goobta dagaalka iyo booyado isla markaana maanta duhurkii sahankoodu uu soo gaarey Airporka Magaalada Laascaanood.

Waxay arintani timi kadib markii ay dagaalkii Kalshaale ka dhacay 2 maalmood ka hor uu noqdey faraha looga gubtey isla markaana dhaawac fara badan iyo dhimasho fara badan keeney.

Dagaalka Kalshaale ayaa waxaa aad uga caroodey qabaailka Daarood iyadoo beelaha Mareexaan iyo Harti ay abaabuleen ciidamo ka madax banaan Puntland isla markaana doonaya iney hiil siiyaan shacabka Buhoodle.

Nasiib daradan dagaalka kasoo hilaacaya Sool iyo Cayn ayaa waxa ka danbeeyey Madaxweynaha maamulka isku magcaabey Somaliland, Dagaal ooge Siilaanyo oo awelba ahaa gudoomiyihii jabhadii xasuuqa geysatey ee SNM.

Hilaaca dagaalkan ayaa waxa sidoo kale uu ku dabo taxan yahay kadib markii uu mudaharaad balaaran uu ka dhacay Degmooyinka Gaalkacayo, Caabudwaaq, Garoowe, Badhan iyo Hadaaftimo.

Sidoo kale colaadan ayaa waxay kusoo beegmeysaa xili abaaro aduun iyo dadba saameeyey ay ka jiraan Gobolada Sool, Sanaag iyo inta kale ee waqooyiga Soomaaliya.

LaasqorayNET-Bosaaso.

Comments are closed.