webmaster@laasqoray.net

Abaaraha Geeska Afrika oo aad looga dayrinayo

Wararka ay soo saareen hay’adaha lagu tilmaamo iney gar gaarka baxshaan oo ay ugu horeeyaan Laamaha UNta, OXfam, Save the Children iyo kuwo kale ayaa qeylo dhaan ka jeediyey abaaraha sida xawliga ah uga socoonaya Geeska Afrika ama deegaanada Soomaalidu ee Somalia, Kenya iyo Ethiopia.

Qaylo dhaantii ugu danbeysey waxaa soo daayey hay’ada UNCHR iyadoo ay hay’adani ka digtey Masiibo hadii aan deg deg loola gaarin deeqooyinka dadka ku dhibaateysan Geeska Afrika iyadoo intaa hay’adu ku darey in ubadka Soomaaliyeed ee usoo xeroonaya xeryaha Qaxootiga ay ku sugan yihiin Nafaqa daro aan la rumeysan karin iyagoo qaarkood ay soo lugeeyeen mudo 7 casho ah.

Abaarahan ayaa hay’aduhu ku tilmaameen iney yihiin kuwa ugu xun mudadii 60kii sano ee lasoo dhaafey isla markaana 12 milyan oo Soomaali ah oo ku kala nool Sadexda Wadan ay qarka u saaran yihiin Masiibo.

Hay’adahan ayaa waxay dalbadeen lacag dhan 150milyan oo doolars si wax looga qabto umadan dhibaateysan hase yeeshee waxaysan cadeyn lacagta sida ay ku bixinayaan iyadoo Hay’adahan ay masiibooyinkan ka dhigtaan Mashaariic isla markaana lacagta ugu badani ay ku baxdo iyaga laftigooda, waxaana ka fudud in 12ka Milyan ee dhibaateyn looba qeybiyo si ay iyagu guud ahaan ay lacagtaasi ugu intifaacaan.

Waxaa xusid mudan in abaaro ba’an oo kuwa hada ka dhacaya Geeska Afrika ay ka dhacdey Gobolka Sanaag sanadihii 2003dii ilaa iyo 2006dii iyadoo aysan jirin wax usoo gurmadey isla markaana ay dhamaadeen xoolihii ay ku noolaayeen dadka reer Guuraaga ah, hay’adahani waxay intooda badani ku mashquulsanaayeen qeybsigii lacagihii Tsunamiga iyadoo ay lacago badani ku dayacmeen iyadoo ay qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay gaajo iyo haraad la dhimanayeen.
Sanaag waxay hada ka mid tahey Gobolada ugu dhibka badan iyadoo roobabkii da’ay ay aad u yaraayeen isla markaana aysanba ka di’in qeybo ka mid ah Sanaag gaar ahaan dhinaca Koonfureed xadka uu gobolku laleeyahay Sool.

LaasqorayNET

Comments are closed.