Abaaraha ka jira Deegaanada iyo gobolada Puntland ayaa waxaa uu aad u saameeyey Gobolka Sanaag iyadoo deegaanadiisa Soolasha ahi ay ku habsatey biyo la’aan iyo baad la’aan isla markaana ay dadka xoola dhaqatada ahi ay il daran yihiin arintan.
Deegaanada u dhexeeya Dhahar iyo Balibusle, Ceelbuh iyo Balibusle, Habarshiro iyo Caamka iyo dhamaan Oogada gaar ahaan inta u dhexeysa Xingalool ilaa iyo Sibaaye ayaa ka mid ah goobaha ay saameysey Abaarahan.
Sidoo kale dhinaca Didibta iyo raacinta ayaa laga soo sheegayaa abaaro iyadoo ay dadka intiisa badani ay magaalooyinka soo galeen kadib markii xoolahoodii u waayeen meel ay ka cabaan iyo waxay daaqaanba.
Dowlada Puntland ayaa hore u sheegtey iney gudi u saartey arimaha Aabaaraha xaga kuwa Somaliland-na ay qaylo dhaan kasoo saartey abaarahan hase yeeshee wax soo gaarey gobolka Sanaag oo biyo dhaamis ahi majiraan.
Sidoo kale Qurba joogta Sanaag ayaan laga hayn wax taageero ah iyadoo la wada ogsoon yahay in Abaarihii ka dhacay Gobolka Sanaag Sanadihii 2003-2005 aysan dad badani oo Qurbaha ku sugani aysan war u heyn taas ay ku dhamaadeen xoolo badan oo Geel u badan.
Sidaa awgeed Bahda LaasqorayNET waxay ugu baaqeysaa Qurba joogta Maakhir iney ka qeyb qaataan bad baadinta bulshada dan yarta ah isla markaana laf dhabarka u ah Dhaqaalaha Gobolka Sanaag.
Waxay LaasqorayNet ku baaqeysaa in sida ugu dhaqasaha badan ay qurba joogtu isugu yimaadaan si ay uga tashadaan qaabka loo wajahayo abaaraha ka jira Sanaag.
LaasqorayNET- Bosaaso
