webmaster@laasqoray.net

Abwaan Siciid Saalax oo Abaalmarin Gudoon Siiyay Fanaanada Sahro Axmed Jaamac.+Sawirro

Fanaanada qaranka   Soomaaliyeed  Sahra Axmed Jaamac ayaa   magaalada Minneapolis lagu gudoonsiiyay abaalmarinta Lifetime Achievement Award taas oo loogu magacdaray Eagle Media & Hall of Fame Award.

Abwaanka weyn ee Prof. Saciid Saalax Axmed ayaa fanaanada gudoonsiiyay Award-ka. Waa qofkii labaad ee magaalada Minneapolis lagu gudoonsiiyo Award-ka noocan oo kale ah. Waxaa hore loo gudoonsiiyay fanaanka weyn ee Xasan Aaden Samatar.

Sahra Axmed waxay ku jirtaa fanaaniinta loogu jecelyahay Soomaaliya. Waxay leedahay cod aad u qurux badan iyo heeso aanan la koobi karin. Waxay ka mid tahay fanaaniinta ay heesahooda dhageystaan dhowr heer  oo ay bulshadu ka kooban tahay.

Waxay u mahadcelisay dhamaan dadkii soo qabanqaabiyay xaflada. Waxay si gaar ah ugu mahadcelisay jaaliyadda degan gobolka Minnesota.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA.

Liibaan Xuseen. Minneapolis

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

3 Responses

  1. Iska hadloo ina igire, wallee indhahaa ku casaan

  2. reer bari, bal somaliyi haba midoowdee adigu maxaad ku darsanaysaa, waadigan xiiqsane maxaad haysataa dhulkaaga magaciisa sheeg, somaliland ayaad magac ku leedahay oo aad darajo ku leedahay waanu ka soo harjeednaa wax walba hadaad joojin waydo taaha adiga iyo kaluunkaagaba hawada ayaanu kugu duban kkkkkkk, miiskiin yahaw lugaha yar yar lihi

  3. waxanu ka soohor jeednaa nin walba oo snm u nacam leeya
    abwahan saciid saalax na xaga umada soomaliyeed siiba dadka dega maakhir lan laakin maanta kalsooni iyo walaal nimo waanu kala noqonay waxaanuna kala nooqonay naa nin walba oo midnimada soomaliyed neceb
    saciid saalaxna waxa uu magac ku yeeshay oo waxbarasho bilaash ah ku helay midnimada soomaliyed waana u guul daro uu jacayiilkii soomali oo idil ku waayey arinta maanta uu dhex galay oo qaab siyaasadeed iyo hal beeli ku tashatay