webmaster@laasqoray.net

Ahlu Sunna oo Dagaalkii Waadi Dhuumaale Guullo ka Sheegatay iyo Warbixin Faah Faahsan oo Dagaalkaas Ku Aadan

Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhacay Deegaanada Waadi-Dhuumaale oo hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud halkaasi oo ay Ahlu Sunna dagaal xooggan ku qaaday kadib markii ay Xarakada Al shabaab ay dhibaatooyin u gayteen dadka Deegaanka sida ay sheegyay Ahlu Sunna.

Afhayeenka Ahlu Sunna Wal Jameeca Shiikh C/laahi C/raxmaan Yuusuf “Al Qaadi” oo aan khadka taleefanka kula xiriirnay ayaa waxa uu sheegay in dagaalada ka dhacay aga gaarka Degmada Ceelbuur uu ahaa mid ay qaadeen Ahlu Sunna isla markaana ay ka gaareen guulo la taaban karo isaga oo intaasi ku daray in ceelka Waadi Dhuumaale oo ah meesha uu dagaalku ka dhacay ay gacanta u gashay Ahlu Sunna kadib markii ay dagaalka ku guulaysteen.

Afhayeenka Ahlu Sunna ayaa sheegay in dagaalkaasi ay qaadeen kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatooyin uu tilmaamay in Deegaanadaasi ay ku hayeen Ciidamada Xarakada Al shabaab oo fariisin ku lahaa Ceelka uu saaka ka dhacay dagaalku.

“Dagaalka waxaa qaaday cutubyo kamid ah Ciidamada Ahlu Sunna, waxaana ku amray Taliska sare ee Ciidamada Ahlu Sunna, ujeedada dagaalka ayaa ahayd in aan Al shabaab ka saarno Ceelka Waadi Dhuumeele oo ay dhibaato xooggan ku hayeen dadka Deegaanka, dhowaan halkaasi waxay ku gawraceen wiilal dhalinuyaro ah, muddooyinkan waxay biyaha u diideen dadka iyo duunyada ceelka ka cabi jirtay, dhamaan dhibaatooyinkaasi ayey u adkaysan waayeen Ciidamada Ahlu Sunna guulona waaka gaarnay”, ayuu yiir Afhayeenka Ahlu Sunna Shiikh C/laahi C/raxmaan Yuusuf “Al Qaadi”

Al Qaaddi ayaa sheegtay in dagaalkaasi ahaa mid ay guullo balaaran ka gaareen isla markaana waxa uu tilmaamay in Ciidamada Ahlu Sunna la wareegeen dhamaan gaadiidkii ay wateen Ciidamada Xarakada Al shabaab marka laga reebo qaar gubtay oo ay meesha ka jiiteen sida uu hadalka u dhigay Shiikh C/laahi C/raxmaan Yuusuf “Al Qaaddi”.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in Isbitaalka Degmada Ceelbuur ay buux dhaafiyeen dhaawaca iyo maydka Ciidamada Xarakada Al shabaab oo ay dagaalka la galeen, wuxuuna intaasi ku daray in dadka rayidka ah loo diiday Isbitaalka si aanay u arag jab shabaabka kasoo gaaray dagaalkii maanta sida uu hadalka u yiri Al Qaaddi.

Weli majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al shabaab, hase yeeshee wararka madaxa banaan ayaa waxa ay sheegaayaan in dagaalka ay ka dhasheen kasaarooyin badan oo labada dhinac soo kala gaaray, dhimashada ayaa gaaraysa sida ay wararku sheegaayaan ugu yaraan 40-ruux oo dhinacyada dagaalka ah halka dhaawacu ka badan yahay intaasi.

Wararka Deegaanka ayaa sheegaaya in goobtii uu dagaalku ka dhacay oo ahayd ceel biyoodka Waadi-Dhuumaale ay hadda gacanta ugu jirto Ahlu Sunna isla markaana laga qabsaday Xarakada Al shabaab oo ay markii hore fariisin u hayd.

Isbitaalka Degmada Ceelbuur oo ay maamusho Xarakada Al shabaab ayaa waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo badan oo kamid ah Ciidamada xarakada Al shabaab ee dagaalka ka galay Deegaanka Waadi Dhuumaale oo Degmadaasi Ceelbuur hoostaga.

Sidoo kale Isbitaalka Degmada Guriceel ayaa waxaa la gaarsiiyey dhaawacyada Ahlu Sunna ee dagaalka ka dhacay Deegaanka Waadi Dhuumaale Degmada Ceelbuur, hase yeeshee wararka ayaan  kala xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhaawacyada la kala geeyey Ceelbuur iyo Guriceel.

Deegaanka dagaalku ka dhacay oo ahaa ceel biyoodka Waadi Dhuumaale ayaa waxa ay wararku sheegaayaan in halkaasi ay muddooyinka kasoo yeeraayeen cabashooyin ku aadan Ciidamada Xarakada Al shabaab oo inta badan la sheegay in ay dadka u diideen biyaha isla markaana qaarkood dilal ugu gayteen.

Sikastaba Deegaanada dagaalka ayaa hadda deggan walow aan laga warqabin waxa ka dhici doona maalinta berri waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaasi ka dhaco dagaal rogaal celis ah oo mar kale Deegaankaasi ku dhexmara labada dhinac.

Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Comments are closed.