Jamciyada Alfalaax ayaa waxay ka caawisey Jaamicii qadiimka ahaa ee Degmada Laasqoray iney u qodo musqulo iyo iney dhigto mushamac lagu tukado iyadoo isla markaana talaabadani ay noqotey tii ugu horeysey ee ay Jamciyada Alfalaax ka ku fuliso deegaanada Maakhir.
Jamciyada oo ka dhisan Wadanka Sweden ayaa hada waxay qorsheyneysaa iney dhameystirto Masjidka jaamaca ah ee degmada Dhahar oo isagu in mudo ahba qabyo ahaa isla markaana ugu baaqdey iney musliimiinta jecel kheyrka iney si buuxda uga qeyb qaataan wax u qabadkoo goobaha lagu cibaadeyso.
Jamciyada Alfalaax oo iyadu aan dhisneyn mudo dheer ayaa waxay qorsheyneysaa iney dayactir ku sameyso goobaha lagu cibaadeysto ayna ugu horeysiisey Jaamaca qadiimika ah ee Degmada Laasqoray oo baahi weyn u qabey in la dayac tiro.
Alfalaax ayaa iyadu waxay rajeneysaa iney markay ka gudubto wax ka qabadka goobaha lagu cibaadeysto u gudbi doonto adeegyada kale ee looga baahan yahay deegaanada Maakhir.
Masjidul jaamaca Degmada Laasqoray oo lagu tiriyo kuwa ugu faca weyn deegaanada xeebaha Maakhir ayaa in mudo ahba dayacnaa iyadoo uu nuuradii iyo talbiiskii uu ka dhamaadey isla markaana dadka Reer Laasqoray ay iyagu taas sameeyeen oo iska caawiyeen arintaas.
Alfalaax ayaa iyadu waxay ku rajo weyn tahey iney wax kala qabtaan hawlahan kheyrku uu ku jiro ee dayactirka goobaha Malcaamadaha iyo masaajidada dadka jecel in ajarkoodu waaro oo aakhir rabigood jano ugu bedelo sadaqooyinkoda
Jamciyada ayaa sidoo kale Ilaahay waxay uga baryeysaa dadkii kala shaqeeyey Jaamaca Laasqoray in ilahhay miisaanka xasanaadka u saaro maalinta akhira (Amin).
Sidoo kale Jamciyada ayaa waxay ka codsanayaan dadka qorba joogta oo reer laas qoray ah inay caawinaad joogta ah ay uga deeqaan masjidka iyo malcaamada Laasqoray.
Waxaad kala xiriiri kartan Sheikh Mohamed Said Xaaji ee magaalada Laas qoray Numberka 0025290764058
Sawirkan sare waxa uu muujinayaa Masjidka oo la dhigaayo sujaayad ka sameysan mushamac iyadoo ay Laasqoray tahey meel ciidu ku badan tahey oo xeeb ah oo aan la dhigi kareyn sujaayado Kaarbet ah.
Sawirada waxaa iska leh webka Jamciyada oo ah www.alfalaax.com
LaasqorayNET+Alfalaax.com


