webmaster@laasqoray.net

Alshabaab oo Muqdisho baneeyey kadib dagaalo culus

Ciidamada dowladda oo garabsanaya AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa dagaalka waxa ay isku adeegsadeen rasaas iyo Madaafiic aad u xoogan oo ku dhacaysay goobaha lagu dagaalamay iyo sidoo kale meelo ka baxsan taasi oo dhawaqeeda laga maqlayay qeybo badan oo ka tirsan gobolka Banaadir saaamayna ku yeelatay dadka shacabka ah.

Dagaaladan oo ahaa mid culus ayaa maanta xoog looga saarey Ciidamada Alshabaab Suuqa Bakaaraha isla markaana ay xigtey iney Alshabaab ka baxaan Waqooyiga Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Yaaqshiid, Cabda Caziiz iyo Kaaraan.

Madaxda sare ee Dowladda KMG ah ayaa kulankooda ku yeeshay  xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa goor dhaw soo dhamaaday,  waxaana laga soo saaray baaq dowladdu u jeedinayso dadka shacabka iyo ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Sharif Sheikh Axmed  Madaxwayneha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka inaysan ku deg degin goobaha ay ka baxeen inta laga hubinayo’isagoona intaasi ku daray in guul wayn ay u tahay dowladda ka guulaysashada sida uu yiri xarakadda Al-Shabaab iyo ururka Al-Qaacida.

Dhanka kale Raysul wasaaraha ayaa shirkan jaraa’id waxay si wadajir ah u qabteen isaga iyo madaxweynaha DKMG ka dib markii saaka waabarigii ay soo baxday in ciidamadii ururka Al-Shabaab ay baneeyeen guud ahaan magaalada Muqdisho.

“Waxaan ugu hambaleynayaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo walaalaheena Amisom guusha ay ka gaareen kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri raysul wasaare C/weli Gaas

Bixitaanka Alshabaab ee Muqdisho ayaa dhinacooda waxay sheegeen inuu yahay xeelad dagaal isla markaana ay dagaalkooda sii wadi doonaan isla markaana aysan aheyn tani mid guul daro ah

Hase yeeshee Waxaa hubaal ah iney Alshabaab ku jabeen Dagaalkii Muqdisho oo ramadaantii lasoo dhaafey ay iclaamiyeen iney ku sifeyn doonaan Muqdisho isla markaana ay dhowr jeer ku jabeen weeraro ay soo qaadi jireen, intii danbena ay iyagu difaac ku jireen isla markaana difaacoodii ugu danbeeyey la jebiyey habeenkii Xaleyto aheyd.

Daawo Sawiro

Garoonka Koonis oo Lo, ay Daaqeyso

Sarta Beexaani

Wadada Garaash Geedoole

Baar Geedoole

Isgoyska Garaash Geedoole

Masjidka Jiirada

Isgoyska Kaaraan (JIIRADA)

Wadada Aada Sanca

Gurigii uu degenaa Gudoomiyaha Degmada Kaaraan

Iskool GLOBAL Xaafada Jabuuti ee Kaaraan

Albaabka hore ee Shineemo Rushdi

Muuqaalka Sare ee Shineemo Liibaan Kaaraan

Muuqaalka Xaruntii Qudus Enternet Kaaraan

Xarunta Degmada Kaaraan

Xaruntii Barakaat Kaaraan

Suuqa Kaaraan

God Ay laamiga dhexdiisa ka qodeen Maleeshiyada Alshabaab

Albaabka hore ee Garoonka Ex Luujino oo ay Shabaab Qodeen

Muuqaalka Garoonka Ex Luujino

Bur Bur ay Shabaabku u geysteen Derbiga Garoonka Ex Luujino

Barxada Saldhiga Barri ee Degmada Cabdi Casiis

Muuqaalka Xaruntii Wasaaradda Gaadiidka (FIISHA BARAA)

Wadada Aada Gaadiidka Booliiska oo Ay dad badani isugu soo baxeen

Albaabka Gaadiidka Booliiska oo ay dad badani isugu soo baxeen

Gaadiidka Booliiska oo ay Shabaab Laamiyeeri Yaasha Ka Fiiqdeen

Ciidamo Booliis ah oo ku jira Gudaha Gaadiidka Booliiska

Hoolkii Shirarka ee Gaadiidka Booliiska oo Ay Shabaab Bur buriyeen

Haween ku nasanaya inta u dhaxaysa Hotel GLobal iyo Baar Fiyat

Xaafada Seylaani

Hotel Global oo dagaalada ku Bur Buray

Xaruntii Xiriirka Kubadda Cagta oo ku taala wadada Beexaani

Muuqaalka Wajiga Hore ee Shineemo Xadarmuud

Garoonka Kubadda Cagta EE Banaadir(Stadium Coonis)

Garoonka Koonis oo Lo, ay Daaqeyso

Wakaaladaha Wararka. [Isha Sawirada Radio Muqdisho]

Comments are closed.