webmaster@laasqoray.net

Alshabaabta Burco oo Wiil Dhalinyaro ah ku Gawracday Gudaha Magaaladda Burco.

Waxaa Magaaladda Burco ee Xaruunta Gobolka Todheer Shaley aroor ka dhacday dhacdo ugu ku ah halkaas oo aan hore looga arag deeganada maamulka la baxa Somaliland, Shaley aroor waxaa mid kamida Xaafadaha Burco laga lehay Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo La gawracay.

Wiil Dhalinyaro ah oo Sida la sheegay dhigta Schoolka candlelight ee Magaaladda Burco ayaa laga helay Suuqa Xoolaha ee Magaaladda Burco isagoo la bireeyay amaba la gawracay, dadweynaha Magaaladda ayaa u soo daawasho tagay dhacdadan ugubka ku ah Magaaladda Burco ka hor inta aan la geyn isbitaalka guud ee Magaaladda.

Mustafe Cilmi Kaahin Waa Wiilka Dhalinyarada ah ee la Gawracay lamana yaqaan ilaayo hada cida ka dambeysay falkan foosha xun ee aan hore looga baran deeganada Maamulka labaxay Somaliland.

Dad weynaha Reer Burco ayaa falkan naxdinta badan leh  ee loo geystay wiilkan dhalinyarada ah ka anfariiray yadoo ay dilkan ku sifeeyeen in ay ka dambeeyeen dad ma naxayaala oo dano shisheeye leh.

Magaaladda Burco waa Magaaladda qudha ee ay ugu badan yihiin Kooxaha la fikirka ah Alshabaabta ka dagaalanta ee Koonfurta Soomaaliya,  sidoo falalka noocan oo kale ah waa kuwo inta badan looga bartay koox diimeedka Alshabaab.

Waa markii ugu horeysay ee Magaaladda Burco iyo guud ahaanba deeganada Somaliland lagu arko fal noocan oo kale ah waxayna arintani dhabaha u jeexaysaa in gudaha maamulka la baxay Somaliland ay ku nool yihiin Alshabaab xoogeystay.

LaasqorayNet-
Laasqoray.Net@gmail.com

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

One Response

  1. inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun war wuxu miyaanay islaam ahayn subxaanalaah dadka sidan wax u gowracaya alshabaabna ka xun ilaahay hasoo qabto xaquna hakasoo baxo insha allah waxnse u malaynayaa inay gangs yihiin ilaahay ha u naxariisti ehelkiisiina samir iyo iimaan allah haka siiyo aaaaaaaaaaaamin.