webmaster@laasqoray.net

Alshabaabta Jubooyinka oo dhirta Jihaad kula jirta? Waa maxay sababtu

Urur diimeedka Alshabaab ee ka arimiya Gobolada Koonfureed iyo inta badan ee Bartamaha Somalia ayaa jihaadkoodii ay sheegteen iney ku jiraan u leexdey Dhirta iyagoo degmada Bu’aale ee xarunta Dhexe ee gobolka Jubada Dhexe ciidamo tiro badan usoo direy.

Sababta ay ciidamadan ugu soo direen ayaa waxay ka danbeysey kadib markii dadka deegaanka Bu’aale ay diideen in loo hogaansado amar ay soo saareen Alshabaabta Kismaayo kaas oo ahaa iney Ganacsatada Dhuxusha ay ka jaraan dhirta kaymaha tirada yar ee ku harey Degmada Bu’aale.

Arintan oo yaab ku ridey dadka u dhashey Degmada Bu’aale ayaa ganafka ku dhiftey iney ka aqbalaan arintan iyadoo dadka deegaanka ku andocoodeen iney jarida Dhirtu ay tahey mid aan habooneyn isla markaana dhul daaqsimeedka Degmada Bu’aale wax u yeelaya.

Waxyaabaha yaabka leh ayaa waxaa ka mid ah kadib markii ay shacabka Degmadu ay Alshabaab iclaamisey Jihaad isla markaana ciidamo fara badan usoo dirtey Degmada Bu’aale iyadoo sida la wada ogsoon yahay in waxyeelida Bii’ada xaqdarada lagula kacayo baadka ay daaqaan xooluhu iyo takrifalidoodu ayba xaaraan tahey ayaad moodaa iney tahey tani talaabo cajiib ah.

Urur Diimeedka Alshabaab ayaad moodaa sida ay u xalaashadeen Dhiiga dadka Muslimiinta ah iney u xalaaleysadeen iney deegaanada ka taliyaan  ay soo doonaan ka yeelaan!

Dadka degmada Bu’aale oo hub urursi sameeyey ayaa waxay difaac ka galeen goob hawdka ah oo lagu magcaabo Riddale oo aan masaafo sidaa u fogeyn u jirta Magaalada Bu’ale.

LaasqorayNET

Comments are closed.