Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa maanta soo gaarey magaalada Garowe, xarunta Maamul Goboleedka Puntland iyadoo uu safiirku shirar albaabadu u xiran yihiin la yeeshey masuuliyiinta ugu sar sareesa Puntland.
Ambassador Mahinga ayaa waxaa uu kulan la qaatey Madaxweynaha Puntland C/raxman Farole iyo wasiiro kale isla markaana ay isla qaadaa dhigeen arimaha Somalia ee cakiran mudada dheer.
Imaanshaha Ambassador Mahinga ee Garowe ayaa waxay timi kadib markii safiirku safar ku tegey Hargeysa maalintii shaleyto aheyd iyadoo kulana lasoo qaatey madaxda maamulka gooni isutaaga ee Somaliland.
Kulanka kadib ayaa Faroole waxa uu saxaafada u sheegey iney Puntland u gudbisey mawqifkeeda ku aadan Dowlada ku meel gaarka ah iyadoo ay arimahaasi ugu weyntahey iney Puntland gebi ahaanba diidan tahey mudo kororsiga Golaha Baarlamaanka ku meel gaarka ah.
Waxaa xusid mudan in mudo ka yar 5 bilood ay ka harsantahey intey jiri laheyd Dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia iyadoo dowladaha iyo hay’adaha daneeya Somalia ay dadaal balaaran ugu jiraan sidii arintaas wax looga qaban lahaa.
Mahinga iyo Farole tafaasiil intaa dheer kama aysan bixin iney wax ku heshiiyeen iyo inkale hase yeeshee Maamulka Puntland ayaa hore kalsoonidii ugala noqdey Sheekh Shariif iyo xukuumadiisa.
LaasqorayNET-Bosaaso
