Waxaa maanta Xarunta hay’adda TARDO ee magaalada Cadaado lagu soo Afmeeray Dood Cilmiyeed Soconeysay Mudo Shan Maalin ah taasi oo intii uu soctay Diirada lagu Saarayay Xalinta Khilaafaadka iyo Xoojinta Nabadda.
Dood Cilmiyeedkan la soo Gabagabeeyay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka iyo Xubno ka tirsan Golayaasha Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb, waxaana dhamaan laysla lafa gurayaymaalmihii la soo dhaafay Wadooyinla loo maro Xalinta khilaafaadka iyadoo Markaasi Cabirka laga qaadanayo kuwa haatan ka jira Gobolada Dhexe ee Somaliya.
Cusmaan Maxamed Cali Gudoomiyaha Ururka SSDA Finland Barana ka ahaa Dood Cilmiyeedkaan ayaa Gabagabadii Idaacada Codka Gobolada Dhexe uga war Bixiyay waxyaabihii ka soo baxay Doodihii Dheeraa ee Dhex maray ka soo qayb galayaasha, isagoo sheegay in ay ka soo baxeen Qodobo muhiim ah oo wax ka badalaya wacyiga Deegaanka.
Cusmaan waxa uu sheegay in si dheer looga dooday Sababaha kalifa in mar walba ay soo laalaabtaan shaqaaqooyinka ku saleysan Aanooyinka qabiil, isagoo tilmaamay in ay jiraan sababo dhawr ah oo had iyo jeer kalifaya Colaadahaas oo ay ugu muhiimsan yihiin jaahilnimo wacyi galin la’aan iyo mararka la xalinayo khilaafaadkaas oo aan si dhab ah salkooda loo gaarin.
Dhinaca kale waxyaabihii laga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha Deegaanka Dhibaato ku keeni kara iyadoo la Cadeeyay in dhibaato ay deegaanka ku Imaan karto hadii wax laga qaban waayo Xaalufinta dhirta lagu hayo, waxaa sidoo kale la sheegay in bacaha ay deegaanka Dhibaato ku hayaan sidaasi darteedna waxaa Maamulka Ximan iyo Xeeb loogu baaqay in uu Go’aamo ka soo saaro waxyaabaha Deegaanka dhibaatada ku ah.
Ugu dambayn waxaa Dood Cilmiyeedka soo Xiray Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamanka Ximan iyo Xeeb Daahir Xirsi Cabdi waxa uun a u Mahad Celiyay Hay’adda TARDO oo Dood Cilmiyeedkaan Soo Qabanqaabisay, isagoo sheegay in talooyinka ka soo baxay Doodaan la horgeyn doono Gudoonka Baarlamanka isla markaana Mooshino laga Diyaarin doono, isagoo dhinaca kalnena Xubnaha ka soo qeyb galay Doodaan ay bulshada u sii Gudbiyaan waxyaabaha laga soo saaray.
Dood Cilmiyeedkaan maanta la soo afmeray ayaa ka soo qaybgalayaashu waxa ay sheegeen in ay faa’iido wayn ka dhaxleen intii uu socday, waxaana la filayaa in Magaalada Cadaado ee caasimada maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb lagu qabto doodo caynkaan oo kale ah Bilaha inagu soo aadan.
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
cabdulaahi_heeb@hotmail.com
muqdisho-somalia



