Sida uu warbaahinta qaarkeed u sheegay Prof. C/rashiid Shiikh Saalax oo maamule ka ah mac-hadka Iqra ee culuumta shareecada iyo luqadda carabiga , waxa ardaydu soo geba-gebeeyeen imtixaankii simistarka kowaad ee sanad dugsiyeedka 2010 / 2011 .
Ardayda oo la siiyey fasax kooban , ayaa waxa la filayaa iney sii wadi doonaan simistarka 2aad haddii alle idmo , wuxuna maamuluhu sheegay inaan arday cusub la qaadan doonin simistarka 2aad , maadaama aan loo hayn fasallo ku filan xilligan la joogo.
Prof. C/rashiid wuxu intaas ku daray in mac-hadku xaqiijiyey yididiilooyinkii lagu hamiyayey qaarkeed , iyada oo dhismihii mac-hadkuna uu geba-gebo marayo , sidoo kalena mac-hadka loo sameeyey guddi aqoon yahan ah oo qorshaysa socodsiinta siyaasadda mac-hadka Iqra oo sanadka danbe lagu kordhin doono qaybo kale oo waxbarasho.
Sidoo kale wuxu Prof. C/rashiid sheegay in xubno ka socda mac-hadka Iqra ay ka qayb geli doonaan shirka macaahidda Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ka dhici doona badhtamaha bisha Febraayo ee sanadkan , iyada oo mac-hadkuna uu xubin ka yahay golaha macaahidda Soomaaliya.
Mac-hadka Iqra oo dhowaan laga furay magaalada Badhan ayaa waxa ka muuqda inuu guulo la taaban karo ku tallaabsaday, waxana uu ku gaadhey sida uu sheegay maamuluhu xidhiidhka iyo wada shaqaynta aan la samaynay bahda waxbarashada, ganacsatada iyo bulshada horumarka danaysaba.
Xigasho_ Sanaagpost
