webmaster@laasqoray.net

Baaq ku wajahan maamulka Puntland iyo Odayaasha beesha reer Maakhir

Beesha reer Maakhir ee ku nool dalka Holland waxa ay aad uga walaacsantahay dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo beesha reer Maakhir Magaalada Boossaaso waxa maalinwalba dilal qorsheysan lala beegsadaa waxgaradka iyo odayaasha beesha reer Maakhir, ayadoo uu maamulka puntland goob joog ka yahay maamulkiisuna ilaa maanta ciddii ka dambeysay dilalka aysan soo qaban,taasina waxay keentay in tuhun iyo shaki weyn arrinta ka dhasho.

Waxa kale ee ay beeshu ka murugeysantahey dagaalka kusoo noqnoqonaya deegaanka Galgala, kaasoo u keenay bulshada degan aagaas barakac iyo ammaan darro xoogan.

Haddii aanu nahay beesha reer Maakhir ee deggan dalka Holland waxaan soo jeedineynaa baaqan hoos ku qoran:

1-       In si dhaqso ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Galgala, dhibaatada jirtana wada hadal lagu dhammeeyo.

2-      In ciidanka Puntland ay soo dhoobtey deegaanka laga dulqaado, ammaanka degaankana lagu wareejiyo oday dhaqameedyada.

3-      In Ladaba galo lana soo qabqabto mujrimiinta xasuuqeysa waxgaradka iyo odayaasha reer Maakhir maxkamadna la soo taago. 4- Waxaan ka codsaneynaa suldaanka iyo jiifcaaqillada beesha reer Maakhir inay usoo istaagan waxna ka qabtaan arrimaha murugeysan ee kajira degaankeenna.

Deegaanada bulshda reer Maakhir waa deegaano nabadeed, cidna laguma dilo, mana jiro ciidan amniga ilaaliya, taasina waxa ay ka timid u bislaanshaha beesha wanaagga iyo nabadda ku jirta. Sidoo kale waxaan baaq gaar ah u direynaa maamulka sare ee Puntland.

Beesha Maakhir waxay kamid ahayd bud dhigayaashii asaaska maamulka Puntland, heshiiskuna wax uu ahaa in beelaha reer Puntland iyagoo aan kala soocneyn la gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.

Nasiib xumo ilaa maanta gobollada Maakhir wax la taaban karo oo loo qabtay ma jiraan. Wax caawimaad xag dhaqaale ah iyo wixii horumar u horseedayey bulshada, oo lagu soo qaaday magaca Puntland (Mid dowli ah,

Qaramada midoobey iyo Hay”adaha wax caawiya) intaba waxa lagu fuliyaa horumarinta Garoowe, Gaalkacayo iyo inta la halmaasha. Maamulka sare ee Puntland waxa lagu tuhunsyahey munaafaqnimo taas oo ah ballan fur iyo khiyaano.

Taasi marka dambe waxa ay keeni kartaa burbur ku yimaada bulshada reer Puntland taas oo aan la jeclayn inay dhacdo.

Sida daraadeed waxaan ka codsaneynaa maamulka sare ee Puntland in ay la yimaadaan xaqsoor bulshada dhexdeeda kana shaqeyso walaallaynta reer Puntland.

Guddiga sare ururka Maakhir ee Holland

  • Gudoomiyaha gudiga:- prof Cumar Shirre Yuusuf
  • Gudoomiye ku xigeenka gudiga:- Maxamuud Faarax Cali Jibriil
  • Afhayeenka gudiga: Cabdullaahi Maxamed Cali Jaamac
  • Xubin sare:- marwo Ismahaan Jaamac Muuse
  • Xubin sare: Marwo Sahra Jaamac Muuse
  • xubin sare: Marwo Xaawo Maxamed Jaamac {Cadeeysey}
  • Xubin sare: Maxamed Jaamac Cabdi {Ducaale}

Comments are closed.