Badhan (SPR): Kadib markii kulamo wada tashi ah ay yeesheen culimada cuqaasha guurtida iyo wax garadka magaalad badhan ,laguna falanqayeeyay colaadaha ka soo cusboonaaday deegaaanada buuhoodle iyo saamaynta balaadhan ee ay yeelankarto waxa kulamadaas lagu qorsheeyey lana go aamiyay in baaaq nabdeed laga soo saaro arintaas.
Qodobada baaqa ayaa ah sidatan:
- In si shuruud la aan ah loo joojiyo dagaalka in ciidamada ku sugan goobah laysku haysto la kala qaado dibna loogu celiyo fadhiisimadoodii hore.
- In dhibta lagu xalliyo googol nabadeed oo ay isugu yimaadaan bulshada rayid ka ah ee labada dhinac wax siyaasad ahna aanay lug ku yeelan. A
- In la joojoiyo abaabulka iyo maalgelinta ka imankarta debeda iygudahaba.
- In saxaafadu joojiso hadalada xanafta iyo xasasiyada leh ee ay siidaynayaan ilaahayna ay ka baqaan oo aaney ka qayb gelin dagaal hurinta
Baaqan waxa soo saaray culimada kala ah
1) sh.cabdirashiid sh.saalax
2) sh.maxamuud ismaaciil
3) sh.cabdi qani yusuf maxmed
4) sh.maxamuud maxmed cumar
Cuqaasha ka qayb qaadaatay baaqan waxa ka mid ah
a) NB cumar aw siciid axmed
b) NB.maxamed sciid cabdi
c) NB c/lahi cabdi ibraahim
d) NB.maxamuud xasan maxamuud
e) NB.maxamuud faarax ducaale
f) NB.maxamed muuse nuux
Guurtida iyana ka qayb qaatay waxa ka mid ahaaa :
shire saalax axmed
siciid faarax xirsi
ibraahim maxamed guuleed
maxamuud axmed barre
c/qaadir nuuse bidaare
Baaqan ayaa noqonkara kii ugu cuslaa oo ay soo saaraan bulshada reer sanaag xilli ay colaado xumi soo wajaheen degaamada hoosyimaada Buuhoodle.
