webmaster@laasqoray.net

Baarlamaanka Puntland oo Maanta Qalinka Ku Duugay Xeer Ku Aadan Burcad Badeedda.

Baarlamaanka Dawladda Puntland oo uu Magaalada Garoowe uga socda kalfadhigii 25-aad ayaa maanta ansixiyey xeerka ladagaalanka Burcad Badeedda oo ay dhowaan Baarlamaanka u gudbisay Xukuumadda kaasi oo ay maanta qalinka ku duugeen Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland.

Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa maanta Guddoominaayey Afhayeenka Baarlamaanka Dawladda Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi iyadoo ay mudanayaashu maal mahan kasoo dodeen qodobka ku aadan ladagaalanka Burcad Badeedda oo ka koobnaa 13-qodob.

Kadib dood dheer oo ay mudanayaasha Baarlamaanku ka yeesheen ansixinta xeerkan ayaa waxaa loo qaaday cod ku aadan sidii loo ansixin lahaa xeerkan waxaana ogolaaday 35-mudane oo kamdi ah xubnahii maanta fadhiga soo xaadiray halka uu ka aamusay hal mudane.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi waxa uu ku dhawaaqay in uu ansax yahay xeerka ladagaalanka Burcad Badeedda oo ka koobnaa 13-qodob, sidoo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in xeerkan uu yahay mid wakhti dhow looga baahan yahay Xukuumadda Puntland in ay dhaqan geliso

Dhamaan 13-ka qodob ee uu xeerkan ka kooban yahay ayaa waxay isugu jiraan ladagaalanka Burcad Badeedda iyo sidoo kale in loo sameeyo kooxaha Burcad Badeedda ah wacyigalin intii kasoo laabata falalka Burcad Badeeddnimo iyadoo xilligan ay jiraan boqolaal dhalinyaro Burcadda kasoo baxay oo dhaqan celin loo sameeyey.

Asixinta xeerkan ayaa waxa uu kusoo aaday xilli dhowaan Magaalada Bossaso tababar loogu soo xiray boqolaal kamid ah Ciidamada Badda Puntland oo dhowaan shaqo bilaabi doona iyadoo hawlgalka koowaad uu noqon doono ladagaalanka Burcad Badeedda.

Kafadhiga Baarlamaanka oo muddooyinkan socday ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in maal maha soo aadan la horgeeyo xeer ku aadan arrimaha Tahriibka iyo sidoo sidii wax looga qaban lahaa iyadoo ay sanad kasta Boqolaal muhaajiriin ah ku geeriyoodaan Badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen.

Sikastaba ansixinta xeerkan ayaa qayb ka ah olole ay waddo Dawladda Puntland kaasi oo qayb ka ah sidii loo cirib tiri lahaa falalka Burcad Badeeddnimada ka jirta xeebaha Soomaaliya.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmailcom
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaoso

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

One Response

  1. Oo budhcaddu waa Majeerteenka kataliy Garoowe iyo Boosaaso ee Warsangeli ciilay oo sanka katolaye, ma ayaga ayaa isqabqabandoona, mase adduunka ayaa ay been usheegayaan.
    Waar Warsangeli-yoow waxa aydin midiidin u-noqoteen Majeerteenka idin quursada ee idinku magcaaba Caws-cuna-yaal iyo dameera la-daaqayaal-e, goorma ayaa aydin katashan-doontaan dhabayaco?!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!