webmaster@laasqoray.net

Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay shuruucda Bangiga dhexe

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta  shir balaaran ku qabsadey ayaa ansixiyay sharuucda Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Kulan ay Mudanayaasha Baarlamanka maanta Muqdisho ku yeesheen loogana doodayay Shuruucda uu ku shaqeeynayo Bangiga dhexe ayaa dood dheer kadib Mudanaayshu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen meel marinta Sharcigaasi.

Kulankii Baarlamanka ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 284 Mudane. waxaana ogolaaday 248 Mudane 26 wa ay diideen halka 9 Mudane ay ka aamuseen, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddooomiye ku xigeenka Baarlamanka C/weli Sh. Ibraahin Muudeey.

Baarlamanka ayaa hore muddo sadex maalmood ah uga doodayay Shruucda Baarlamanka iyadoo ugu danbeeyntiina maantana uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.

 

Comments are closed.