Saaka ayaa waxaa gebi ahaanba la xirey meheradihii, iskooladii iyo dhamaan goobihii hawlaha guud iyadoo dadka Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ay u dareereen banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Somaliland isku magcaabay iyo xasuuqa uu ka wado Gobolka Sool gaar ahaan caasimada gobolkaasi ee Laascaanood.
Dadweynaha isu soo baxay ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo lagu diidan yahay kala go’a umada Soomaaliyeed iyo maamulka jabhada Soomaali diidka ee Gobolada Waqooyi Galbeed ee fadhigeedu yahaya Hargeysa.
Dadka ayaa waxay ku cel celinayeen erayooyin ay ka mid yihiin “Dooni mayno maato laaye, Dooni mano Soomaali diidka, Dooni mayno Dollar qaate ” iyadoo dadka wajigooda uu ka muuqday caro iyo diidmo ku aadan xasuuqa ay Somaliland ka wado magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Waxaa iyaduna intaa dheer in Dadweynuhu ay siteen calanka Soomaaliya iyo kan maamul Goboleedka Puntland isla markaana ay taageero ku muujinayeen sida ay u taageersanyihiin midowga Soomaaliya iyo maamulka Puntland waxaana ka mid ahaa hal ku dhegyada ay ku cel celinayeen ” Puntland ha noolaato, Cadowgeedu ha dhaco, Soomaaliya ha is raacdo, iyo midnimada Soomaaliya waa muqaddas”
Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galey isu soo baxaan Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Nuur Dabeyl isagoo goobta isu soo baxa kasoo jeediyey khudbado uu ku muujinayo dhibka ay Wado maamulka la magac baxay Somaliland.
Waxaa xusid mudan in Wasiirka Difaaca Somaliland uu habeen hore usoo galey Magaalada Badhan isagoo la socday Gaariga Suldaan Saciid isla markaana dejiyey Gurigiisa uu ku leeyahay Degmada Badhan oo ay ciidamada Puntland ku go’doomiyeen isla markaana wada hadal kadib la fasaxay in Wasiirka uu ka baxo magaalad Badhan oo uu aadey Magaalada Hadaaftimo ee fadhiga Suldaan Saciid.
LaasqorayNET- Bosaaso
