webmaster@laasqoray.net

Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Oo Ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Meelo kale Oo Ka Tirsan Gobolada Jubooyinka

Banaanbaxyo waaweyn oo lagu taageerayay Xarakada Muijaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo iyo meelo kale oo ka tirsan gobolada jibooyinka kuwaasoo ay ka qayb qaadanayeen boqolaal dad ah isugu jira culimo udiin ,waxagarad ,odayaal dhaqameed ,haween iyo qayabaha kala duwan ee bulshada.

Bananbaxayadan oo ahaa kuwoo aad u waaweynee ayaa lagu taageerayay xarakada mujaahdiinta alshabaab dagaalada ay kaga soo hor jeedaan  Cidiamada AMISOM kuwa ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ah ee Somalia kuwaasoo ka kala dhacay magaalada  Kismaayo ,jilib iyo afmadow iyo meelo kale iyadoo ugu dambayntiina uu banaanabaxii magaalada kismaanyo kusoo gaba gaboobay fagaaraha beerta Xoriyadda  ee magaalada kismaayo.

Sidoo kale banaanbaxyadan waaweyn  ayaa intii ay soconayeen waxaa istaagay isu socodkii gaadiidka iyo dadka  iyadoo ay xirnaayeen goobaha ganacsiga ee ka jiray magaalooyinka  ay banaanbaxyadu ka jireen islamrkaana lagu  arkayay wadooyinka waa wayn ee magaalada kismaanyo  boqolaal dad wayne ah oo ku dhawaaqayey hadalo ka dhan ciidamada AMISOM ,Ethiopia iyo dowlada KMG ah

Banaanbaxa ayaa waxaa hadalo kazoo jeediyey qaar ka tirsan culimo –udiinka oo sheegay in laga qayb qaato dagaalada ka danka ah ciidamada dowlada KMG ah ee Somalia iyo kuwa AMSOM iyo Ethiopia ee taageeraya

Gudoomiyaha maamulka islaamiga ah ee gobolka jubada hoose  Sheikh Abuukar Cali Aadan oo hadal kazoo jeediyey goobta banaanbaxa ayaa sheegay in dadka reer jubooyinku  ay ka garab istaagaan Xarakada  mujaahdiinta Al Shabaab islamarkaana ay kaqayb qaataan dagaalada ka socda magaalada muqdisho iyo gobolada qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee Banaanbaxyadan maanta ka kala  dhacay qaar ka tirsan gobolada jubooyonka iyo magaalada Kismaayo ayaa  kusoo beegmaya xili ay dagaalo xoogani ka soconayaan magaalada muqdisho iyo meelo ka tirsan gobolada dalka kuwaasoo u dheeeya xarakada mujaahdiinta alshabaab iyo ciidamada dowlada KMG ah oo kaashaynaysa ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia

Yaasiin Maxamed, Muqdisho, LaasqorayNET

Comments are closed.