Munaasabadan ayaa lagu soo bandhigay Filim Dukumenti ah kaasoo ka hadlayey taariikhda faca weyn ee Soomaaliya laga soo billaabo xilligii uu dalka ku jiray gacmihii gumeysiga, waqtigii xornimadda la qaatay iyo weliba dhacdooyinka xanuunka badan ee xilliga xanuunka badan ee xilligaan ka taagan dalka Soomaaliya.

Maamulaha Ururka HORDO Mudane Cabdishakuur Cilmi Xasan oo munaasabadaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxa uu ardeydii ka qalin jabisay dugsiga sare ee ku baraarujiyay sidii ay u sameyn lahaayeen is dhexgalka ku aadan dhanka Soomaalida maadaama ay munaasabadaasi ka faa’iideen taariikh aad u muhiim ah oo ku saabsan dhaqanka iyo hidaha ay leeyihiin Soomaalida

Qaar ka mid ah ardayda ayaa sidoo kale wax lagu faano ku tilmaamay in ay munaasabadaasi ka kororsadaan taariikh muhiim u ah.

“Marka Soomaaliya laga hadlayo xilligan waxaa la soo qaataa (pirates) burcad-badeed iyo dagaalo, laakiin maanta markii aan daawanayey filimkii documenteriga ahaa waxaan xaqiiqsanay in Soomaaliya ay aheyd ilaa welina ay tahay wadan fac weyn oo qaarada Afrika taariikh ku leh” ayuu yiri Gerad van wijk oo ka mid ahaa ardaydii kulankaasi ka hadlay.

C/qaadir Cali (Nuune) oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ka qeybgalay munaasabada ayaa halkaasina ku soo bandhigay Filimkii Ducumenteriga ahaa ee ka hadlayey taariikhda dalka Soomaaliya ayaa ardeydii ka qeyb galeysay munaasabadaasi fursad u siiyay in ay weydiiyaan su’aalo ku saabsan taariikhda dalka Soomaaliya iyo Dhaqanka ay leeyihiin Soomaalida iyadoona ay halkaasi ka faa’ideysteen ardey fara badan oo fursad u helay in ay wax badan ka ogaadaan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida.

“Waa wax aad u qiimo badan in mujtamac kasta oo lala nool yahay laga dhaa dhiciyo Dhaqankaaga iyo Taariikhdaada, waana wax lagu faani karo maanta in inta badan mujtamaca degan Gobolkaani Gelderland ay wax badan ka fahan san yihiin dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida”, Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo dhanka kale Xusay in ay Muhiim tahay in Ururada Soomaalida ay ka dhisan Dalkaani Holland noqdaan kuwo shacabka reer holland fursad u siiya in ay dhaqankooda tusaan waxa uu yahay si is dhex gal bulshadeed uu u dhaco.

Dhanka kale Madaxda Dowlada hoose ee Magaalada Ermelo ayaa amaan gaar ah u jeediyay Ururka HORDO iyagoona sidoo kale ka codsaday in ay ka caawiyaan sidii bulshada ku dhaqan magaaladaasi in badan ugu faa’ideysan lahaayeen dhaqanka Soomaalida ay leeyihiin.
Ardeyda u dhalatay dalka Holland ee munaasabaadaasi bandhig dhaqameedka ahaa loo qabtay Ayaa Halkaasi ku muujiyay shucuurtooda ku aadanaa sida ay ugu faa ideesteen barashada Dhaqanka iyo Taariikhda Dalka soomaaliya iyagoona Halkaasi ku cunay Cunnooyin kala gedisan oo ah cunnada soomaalida iyagoona gaba gabadii munaasabadaasina ku soo bandhigay Ciyaar Dhaqameed Soomaali ah oo ay ardeydaasi aad u jecleesteen inta ay socotay Filimkii Ducumenteriga ahaa ee loo soo bandhigay.

Dhanka kale Ururka HORDO ayaa Gobolkaasi Gerderland u balan qaaday in ay kala qeyb qadan doonaan sida Ardeyda wax ka barta Dugsiyada sare ee Gobolkaasi Gerderland loogu caawin lahaa barashada taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida.
Waa markii ugu horeesay ee Urur HORDO ka qeyb galo Munaasabad Nuucaani oo kale ah oo ay Ardey u dhashay Dalka Holland loogu faa ideenayo barashada taariikhda Soomaaliya iyadoona Ururkaan HORDO uu yahay Urur Dhawaanahaan laga Aas Aasay Gobolka Gerderland kaasoo ku guuleestay intya yar uu jiro in uu Gobolkaasi ku soo bandhigo Munaasabado kala gedisan oo ay Qaarkood Soomaalida gaar u tahay.

Mas,uuliyiinta Ururkaan oo horey Gobolkaasi ugu hirgiliyay Dugsi lagu barto Afka Soomaaliga iyo Diinta Islaamka oo ay ka faa ideestaan Soomaalida ku dhaqan Magaalada Ermelo ayaa Iminka ku soo Biiray In Shacabka u dhashay Dalka Holland oo ay martida ku yihiin Soomaalida ka dhaa dhac siiyaan sidii ay u muujin lahaayeen is dhex gal bulshadeed iyagoona ugu faa ideesnayo barida Dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida.
http://www.youtube.com/watch?v=ldcMxy6tRXM&feature=player_embedded
Salah Hassan Omer {Salah Dheere}
