Mashaariic lagu dhisaayay jidhaamo iyo barkado oo loogu talagalay dadka reer Miyiga loogu fududeynayo si ay uga biyo dhaansadaan ayaa waxaa hirgalinaaya hay’ada Care International oo isla markaana maalgalineysa. Sidoo kale waxaa dhismaha qunduraas ku qaatey Star Construction Company oo dhisaysa.
Mashruucan ayaa wuxuu kasoo bilowdey isla markaana laga hirgaliyey deegaano badan oo hoos yimaada degmada Laasqoray.
Sidoo kale mashruucani waxaa barbar socda mashruuc kale oo lagu dhisayo biyo xireeno, barkado, ceelal, iyo musqulo, ayaa haatan wax badana laga hirgaliyey deegaanada ay ka midyihiin ama hoos yimaada magaalooyinka Midigale, Laako, Rad, Xabaasha Cawl, Durdur, Mashcaleed iyo deegaano kale.
Siciid C/laahi Cabdi oo ah masuulka barnaamijkan fulinayay ayaa idaacada SPR uga warbixinaaya wariyaheena Yaasiin Cali Ciise.
HALKAAN KA DHAGAYSO BARNAAMIJKII OO MP3 AH
Xigasho SPR
