webmaster@laasqoray.net

Barlamaanka KMG ah oo Maanta Si Rasmi ah u Ansixiyey Heshiiskii Kampala

Xildhibaanada golaha barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey heshiiskii Kampala ee la soo saxiixay 9-kii June kaasoo shalay ay ka dhalatay dood weyn.

Kulan maalintii labaad ay ku yeesheen barlamaanka xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaano gaaraya 436 mudane iyadoo afhayeenka barlamaanka Shariif uu gudoominayey kulanka.

Waxaa aad loo adkeeyey amaanka saaka markii uu furmay shirka, waxaana saaka goor hore lagu arkayey goobta barlamaanka ciidamada Amisom iyo kuwa nabadsugida ee DKMG ah.

Markii uu kulanku ayaa gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay maanta ka hadli doonaan heshiiskii Kampala oo shalay qoraalkiisa loo qeybiyey mudanayaasha, balse muran xoogan uu ka dhashay kaasoo sababay in kulankii shalay lagu kala tago.

Kulanka maanta ayaa aad uga deganaa midkii shalay, Waxaa goobta maanta ka muuqatay in xalay wax badan isbedeleen oo xildhibaanada qaarkood xalay laga soo dhaadhiciyey inay heshiiska ogolaadaan.

Codeynta heshiiska oo gacantaag ahayd ka dib ayaa afhayeebnka barlamaanka wuxuu ku dhawaaqay natiijada oo ahayd sidan:

Waxaa heshiiska Kampala ogolaaday:    393 mudane
Waxaa diiday:             36 mudane
Waxaa ka aamusay: 7 mudane

Shariif Xasan ayaa markaa ka dib sheegay in heshiiskii Kampala uu ansax yahay, isagoo isla markiiba soo xiray kulankii barlamaanka.

Xigasho- Raxanreeb

Comments are closed.