Inta badan Warbaahinta Soomaalida gaar ahaan qeybta Somali diidka ee la baxay Somaliland waxay Deegaanka Maakhir ugu yeedhaan Sanaag bari taas oo ay ka dambeyso Siyaasad ay ka leeyihiin Mustaqbalka dhow,hadaba waxaan dib u milic sanaynaa sababta keentay in qeyb kamid ah Gobolka Sanaag la yiraahdo Sanaag Bari.
Warbaahinta Caalamiga ee LaasqorayNet oo inta badan u soo bandhigta Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Maakhir arimaha xaasaasiga ayaa waxay markan dib u milic sanaynaa Magaca hir galay ee Sanaag Bari u jeedada dhabta ah ee ka dambeysaya iyo cida bixisay.
Waxaanu ugu horeyn aad uga xunahay in aysan dadka deegaanku ku baraarugsanayn saameynta ay ku leeyan karto Deegaankooda Magaca Saanag Bari oo ka turjumaya in ay ka dagaan Gobolka Balaadhan ee Sanaag qeyb yar oo gibina
Gobolka Sanaag Wuxuu kamid yahay 18-kii Gobol ee Soomaaliya waana Gobolka Labaad ee ugu weyn Somaaliya marka laga yimaado Gobolka Bari wuxuuna dhacaa Waqooyi Bari Soomaaliya, Gobolka waxaa intaas u dheer Saraca ama dhul beereedka waana gobol ku fiican dhinaca beeraha,guud ahaan gobolka Sanaag waa mid ka duwan Gobolada Soomaaliya wuxuuna leeyahay Cimilo fiican uu badan qabow.
Gobolka Sanaag Wuxuu ka kooban yahay Shan Degmo Waxayna kala yihiin Ceerigaabo, Laasqoray,Dhahar, Badhan iyo Ceel Afweyn marka laga yimaado Degmada Ceel Afweyn oo ay dagaan Beesha Habar Jeclo ee Isaaq iyo Degmada Ceerigaabo oo ay wada dagaan Afar Beelood Waxaa inta kale Dega Beesha Warsangali ee Beelweynta Harti Waxaana lagu qiyaasa in ay 70% ay degaan gobolka Sanaag taasina waxay ka turjumaysa in ay gobolka yagu leeyihiin.
Tanyo markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa ka bilowday dalka Maamul Goboleedyo huwan Magac qabiil kuwaas oo loo sameystay in lagu dulmayo qabiilo kale islamarkaana deegaankooda laga marin habaabiy yadoo loo adeegsanayo Siyaasad maldahan.
Maamulka Somaliland wuxuu kamid yahay Maamul Goboleedyada Beelaha gaarka ahi sameysteen kadib burburkii Soomaaliya waxay sheegtaan in ay ka go’een Jamuuriyada Soomaaliya waana beel sida ay aamin san yihiin inta badan soomaalidu.
Maamulka Somaliland Waxaa la odhan karaa mid kamida ahdaaftii ama u jeedooyinkii loo aas aasay wuu ku guulaystay Waxaana kamid aha in uu Gobolka Sanaag kala qeybiyo oo yiraahdo Sanaag bari taasina waxaynu odhan karaa waa u hir gashay.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Somali diidka ee Somaliland Maxamed Ibraahim Xaaji Cigaal ayaa wuxuu ahaa Hindisihiisu in uu gacanta u galiyo dhamaan gobolka Sanaag Beelaha ay isku heybta yihiin ee dega Gobolka Sanaag kuwaas oo ku leh deegaan aad u yar wuxuuna u magacaabay Gudoomiyaha iyo Duqa Wuxuuna u kala magacaabay Habaryoonis iyo Habar Jeclo wuxuu markaas daaqada ka saaray Beesha Warsangali oo Xoog badan ku leh deegaanka islamarkaan ugu deegaan badan marka laga yimaado shanta Degmo ee Gobolka.
Ilaayo hada Gobolka Sanaag Waxaa Gudoomiye iyo Duq ka ah Beelaha aan kor kusoo sheegay waxayna taasi dhabaha u jeexday in ay Beesha Warsangali ka noqoto GobolkaMinority
Qeybta Labaad ee Barnaamijka aanu ugu Magac darbay Dibu Sixida Magaca Sanaag Bari Waxaanu kusoo qaadan doonaa doorka ay ka qaateen Magaca Sanaag Bari Siyaasiyiinta Reer Maakhir ee ku Sugan Magaaladda Hargeysa iyo qaabka ay u hirgalisay Maamulka Soomaali diidku Magaca Sanaag Bari.
Wixii Faah Faahina Kala Xidhiidh
LaasqorayNet
Laasqoray.Net@gmail.com

November 29, 2010 at 1:10 am
somaliland ayad tihiinee is dhiiba sxbyaal. minority ayaad tihiin waxa idin badiya kolka la idin raacsho samaroon ciise iyo gabooye. kolka kuwan la idinku daro waxay idinka dhigayaan yaah ilaa iyo 15% waayo gadabguursi wuu idinka deegaan weyn yahay wuuna idinka dad badan yahay. ciise isagu waxyar ayuu ka degaa awdal gabooyena meel walba wuu degaa weliba meel walba oo isaaq joogo. kolkaa isaaqu somaliland ahaan waa 85% halka beelaha kale yihiin 15%. kolkaa kolka aynu ku murmayno xuduud gumaysi waanu idinka badin karnaa hawiye arrintan waa ogsoon yahay majeerteen sidoo kale waa ogsoon yahay somali oo dhana way ogsoon tahay. ee iska amusa somaliland ayaad tihiin.
November 29, 2010 at 1:02 am
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waar umadan cuqdad ayaa dishay yaah. horta dhahar weligeed ma jirin ee waxa jiray intan meesha ku cad ee kala ah. ceerigaabo ceelafweyn garadag laasqoray iyo badhan. yaah ceerigaabo majority waa isaaq garadag iyo ceelafweyn waxaa degan isaaqa yaah warsengeli wuxuu ka degaa oo kaliya waa laasqoray iyo badhan. waar umada somali runta way ogtahayee beenta ka daaya. wayna tahay sidanee tuulooyin intay magacaabaan bay ku odhanayaan yaah sanaag 80% waa warsengeli. waar heedhe gobolku laba qayb ayuu u kala baxaa galbeed oo dhan isaaqa ayaa degan yaah barina khaasatan deegaano ku yaala waqooyi bari ayay warsengeli degtaa koonfurta sanaag bari waa lama degaan. sidaa darteed sanaag bari ayaa la idin yidhaah. in la yidhaa sanaag bari maba ahayd waayo koonfur bari waa lama degaan ee waqooyi bari. waqooyi bari sanaag in la yidhaah ayaaba toosnayd. waayo intaasi waqooyi bari uunbaad degtaan koonfurna waa lama degaan. cerigaabo majority waa isaaq. waana run inaad tihiin minority of sanaag. soolna dhulbahante wuxuu ka degaa waa taleex xudun iyo laascaanood. caynabo waa isaaq. kolkaa sool waxay ka kooban tahay waa 4 degmo oo kala ah xudun taleex laascaanood iyo caynabo. togdheer dhulbahante wuxuu ka degaa buuhoodle oo ka kooban 13 tuulooyin ah. 13 ka tuulo dhulbahante wuxuu ka degaa waa widhwidh xadhan xadhan iyo bali habac. iyo kalshaale oo ay wada degaan isaaq. isaaquna wuxuu degaa 9 kamida tuulooyinkan iyo kalshaale oo ay wada degaan dhulbahante. kolkaa buuhoodle waxay kamid tahay gobolka togdheer waana lawada degaa walow isaaqu u badan yahay. laakiin beelaha harti waxay gaar u degaan deegaanadan oo ah badhan laasqoray xudun taleex laascaanood. inta kale waxaa degan isaaq. walow isaaqu u badan yahay ceerigaabo laakiin waxaad ka degtaan warsengeli ahaan in yar. magacaasi waa sax waana run beeshu intay ka degto goboladan meelo yar ayay rabaan inay kaligood isku magacaanaan yaah. intaad magac raadso isleedahay ayaad bad siku ridaysaa waayo waxani waa run lawada ogyahay. yaah umadana indhaha ma tiri kartaan waxaanad tihiin beelo yar oo raba inay gobolweynaha somaliland ka goostaan. somalidu waxay idiin arkaan beelo gadoodsan oo kuraas raadinaya. yaah somaliland sida la ogyahay waxaa degan shan beelood oo kala ah isaaq samaroon ciise gabooye iyo harti. kolkaa samaroon awdal iyo inyar oo gabilay ah ayay degaan.hartina waxay degaan laba degmo oo sanaag ku yaala sadex degmo oo sool ah iyo buuhoodle oo ay ka degan 3 tuulo iyo qayba yar oo kalshaale ah. kolkaa degmada buuhoodle waa lawada degaa sidaas ogow. waayo tuulooyinkaas ku hareeraysan ayaa u markhaati kacaya oo dhinacna ka soo gala degmadan buuhoodle.
November 29, 2010 at 12:41 am
waalanayaal way jirtaa sanaag bari. yes sanaag bari.
November 26, 2010 at 6:02 pm
NO MORE SANAAG BARI!!
November 26, 2010 at 6:01 pm
NO MORE SANAAG BARE