webmaster@laasqoray.net

Barnaamijka JPLG oo ka shaqeeya 4 degmo oo lagu kordhiyey degmooyin cusub

Kullan ballaaran oo iska kaashanayeen Wasaarada arrimaha guddaha Puntland iyo hay’ado kale oo ka kooban 5 oo hoos yimaada qaramada middoobay ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey caasimada Puntland ee Garoowe.

Wasaarada arrimaha Guddaha & hay’adaha 5-ta ka kooban oo ku midaysan barnaamij lagu magacaabo JPLG ayaa ka dooday qorshayaal badan oo ka mid yihiin waxyaalihii qabsoomay & waxyaalaha aan qabsoomin & qorshayaalka horyaala sanadka soo socda.

Barnaamijkaan ayaa aad looga dooday deegaanada laga hirgeliyey oo kala ah Garoowe, Gaalkacyo, Qardho & boosaaso, iyadoo masuuliyiinta hay’adaha ay soo bandhigeen ra’yi sheegaya in magaalada Gaalkacyo laga reebo mashruucaan , maadaama magaaladu gaalkacyo ay waqtigan aysan lahayn golle deegaan, arrinkaas oo uu ka biyo diiday Wasiirka arrimaha guddaha , isagoo sheegay in gaalkacyo maadaama ay tahay magaalo weyn loo baahan yahay in barnaamijkaan ay qaybteeda ku lahaato.

barnaamijka JPLG ayaa qoraya in degmooyinka aan lahayn  Golle deegaan aysan xaq u lahayn in laga qayb geliyo barnaamijkan. Barnaamijkii JPLG ´goobaha laga hirgelinayo ayaa lagu kordhiyey dhowr degmo oo kale  , degmooyinkaas oo kala ah Badhan , Bender Bayla , Eyl , iyo Galdogob.

Kulankii maanta ee u dhaxeeyey dhinacyada ay khusayso barnaamij-yadan oo kala ahaa Wasaarada arrimaha Guddaha, Madaxda degmooyinka iyo madaxda hay’adaha barnaamijkaan fulinaya ayaa jawi wanaagsan ku soo idlaaday, iyadoo kama danbaystii shirka ay wasaarada arrimaha guddaha & dowladaha hoose ay goobta ka sheegeen in degmooyinka ay ka hirgaleen mashruuca GPLG-gu ay hay’ad talyaaniga ah ay ugu deeqday lacag gaaraysa $ 75,0000 , taas oo loogu talagalay in degmooyinku ay ku hagaajistaan nadaafada degmooyinka ay ka taliyaan.

Wasiirka arrimaha Guddaha C/llaahi Jaamac Ilkajiir oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka ay soo bandhigeen hay’aduhu ay ahaayeen kuwo lagu qanci karo oo si fiican looga soo shaqeeyey ayna ku qanacsan yihiin wax qabadkooda.

 

LaasqorayNet+Puntlandpost

 

Comments are closed.