Beesha Warsangeli ayaa taageero buuxday siisey beesha shirka aayo ka tashiga ee Beesha Dhulbahante ee magaalada Taleex, Warsangeli iyo Dhulbahante waxay ka mid yihiin Beelaha Walaalaha ah Ee Wada daga Goboladda Waqooyigga Soomaaliya, kuwaas oo ay Dhibaato xoog leh oo burbur ah ka soo gaadhay dagaaladii jabhadii isir sooca ee SNM isla markaana casharo lama ilaawaan ah siisey.
Taageeraddan Beesha Warsan galigga oo degta Gobolka Sanaag iyo barri Soomaaliya ayaa Waxay noqonaysaa Arin Si Wayn loogu diirsaddo, oo sii dhiiragalinaysa in Beesha Dhulbahante ay ka Baxdo kala Qaybsanaanta.
Midnimadda Dhulbahante:
Beesha Warsangeli ayaa Waxay Beesha Dhulbahante ugu baaqday Midmimo iyo in Taleex ka Soo baxaa Wax Midha dhala.
Siddoo kale Beesha Warsangali oo ay Wada dagaan Beesha Dhulbahante Ayaa Waxay Ku Balanqaadeen in Haddii uu Maamulka Soomaaliland oo Faraha la Soo gala Arimaha Shirka ka Socda Taleex in Beeshana ay ka Qayb qaadan doonto difaaca Qaranimadda iyo Midnimadda Soomaaliyeed
Nin Walba Dhulkiisa ka Ku Ekaaddo:
Qaar ka Mid Odayaasha ka Hadlay Shirkan Ayaa Waxay Xuseen in Markii ay Dowladdii Soomaaliyeed ay Burburtay in Soomaalidda ay u kala Jabtay Qabiilo, Siddaas la Adligeed in uusan Qabiil Qabiil kala U dowladayn, Iyaddoo Markaas Hadalkaas uu u Dhacayay in Hargaysa iyo Beesha Degta in ay Xaq u lahayn in ay Dadka U Dowladeeyaan, oo Dadka Kale Dhulkoodda ku Xukumaan.
