webmaster@laasqoray.net

Beesha Cabdi Koombe [Jambeel] oo diidey Golaha Qandala

بسم الله الرحمن الرحيم

Ku: Gudoomiyaha  Gobolka Bari

Og: Wasiirka wasaarada  Arimaha Gudaha                        :Garoowe

Og: wasiirka wasaarada amniga :Garoowe

Ujeedo: Dacwad  lidi- ku-ah qaabkii loo dhisay xubnaha degaanka Qandala

Anagoo ah beesha Cabdi Kombe (JAMBEEL) degana degaanka Buruc oo ka tirsan gobolka Bari degmada Qandala.

waxaan si xushmadi ku dheehantahay ku wargalineynaa meelaha warqadani tooska iyo ogaysiintaba ugu socoto, in gudi ka kooban degaanka Buruc iyo odayaasha aan u dirnay degmada Qandala.

Si ay wada xaajood uga galaan qaybsiga xubnaha degaanka beelaha ay quseyso gaar ahaan beesha Cali Saleebaan taarikhdu markay ahayd 15/16 bisha January 2012.  iyadoo  qaybsiga xubnaha loo eegayo baaxada beel kasti ka degto degmada Qandala.

Gudigaas ayaa ka koobnaa xubnaha hoos ku taxan:

1: Daad Ciise Maxamuud Weyrax:Gudoomiyaha gudiga ahna gudoomiyaha gudiga D/Buruc

2: Maxamed Seed Yuusuf

3: Cumar Cismaan Weyrax

4: Nuur Maxamuud Seed

5: Cali Cismaan Weeyrax

6: Jaamac Yaasiin Yuusuf

7: Maxamuud Cismaan Bare

8: Baari Jaamac Aw Cumar

9: Mahad Siciid Weyrax

10: Dhahar Ciise X.Cumar

11: Ismaaciil Saciid Deer

Dood dheer ka dib,beesha Cali Saleebaan waxay diiday in si sax ah loo qaybsado xubnaha iyadoo la tixgalinaayo doorashooyinkii dalka ee 1959,1964,1969-kii. Xiligii doowladaha Civil-ka ahaa.

Sidoo kale lama tixgalin xiligii kacaanka 1980,1984/1985-tii,oo la dhisay deegaanada gobolada dalka soomaaliya.

Beesha Cabdi Koombe(Jambeel)  waxay si cad u diidantahay in beel keli ah isku koobto talada degaankaas.Sidaa daraadeed waxaanu cadeynaynaa in aynan  ka mid ahayn xubanaha degaanka Qandala loo dhisay.

Beeshu isla markaas waxay cadeyneysaa  iyadoo ixtiraameysa daris wanaaga, isla markaana soo dhaweeyneyso dhamman dadaalada loogu jiro dhisada iyo horumarinta degaanada puntland.

Beeshu waxay mar labaad codsaneysaa in si caddalad ah loo qaybsado xubnaha degaanka,lana tix-galiyo xuquuqda beel waliba leedahay

Saxiixa nabadoonada beesha Cabdi Koombe (Jambeel)

1)     Nabadoon Salaad Cali Sokor

2)     Nabadoon Muxiyidiin Aadan

3)     Nabadoon Faarax siciid Deer

4)     Nabadoon Maxamed Cumar Faatax

5)     Nabadoon Cumar Bayr Ibrahim

6)     Nabadoon Axmed Maxamud Seed

7)     Daad Ciise Maxamuud Weyrax: gudoomiyaha gudiga degaanka Buruc

 

 

 

 

 

 

Comments are closed.