Beesha Cali Saleebaan oo ka mid ah beelaha laga qadariyo Puntland ayaa
si adag waxay uga hadleen xubnaha dhowaan ay golayaasha dowladu u
magacaabeen Guddiga Doorashooyinka Puntlando iyo guud ahaan
jiritaanka Puntland oo ay ku tilmaameen mid khatari ku soo wajahan
tahay, haddii aan la helin cid badbaadisa.
Shir ay ka soo qayb galeen Qurbajoogta, Aqoonyahano, Nabadoono iyo
wax-garad kale oo ka tirsan beesha Cali Saleebaan oo lagu qabtay
magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay dhowr qodoboo tala ahaan ay beeshaasi ugu gudbineyso maamulka Puntland waxaana ka
mid ah:-
- Si loo gaaro nidaanka doorashooyinka ku dhisan ee muwaadinka Puntland si xoriyad ah codkiisa uu wax ugu dooran karo waxaa lama huraan ah in wadada loo marayo jidkaas in ay noqoto mid cadaalad ah oo aan madmadow ku jirin, sida haddaba ka muuqata ambaqaadka ugubka ah ee lagu soo hormariyey magacaabista Guddiga Doorashooyinka Puntland oo u muuqda mid deg degi ku jirto laguna majaro habaabinayo ujeedooyinkii laga lahaa nidaamka doorashooyinka xor ah ee ku dhisan habka Xisbiyada.
- Shirweynihii Garoowe ee lagu hirgeliyey nidaamka maamul goboleedka Puntland ayaa Axdigii KMG ahaa ay bulshada Puntland ku qeexday in sanadkii 2002 ay Puntland u gudubto nidaamka Xisbiyada ee muwaadiniintu codkooda wax ku dooran karaan, waxaana xiligan soo gaarsiiyey siyaasiyiinta Puntland oo u arkay in sii jiritaanka maamul goboleedka iyo 66 Xildhibaan oo codkooda la iibsado ay uga macaash badan tahay in nidaam kale looga gudbo.
- Dastuurka cusub ee loogu tala galay barnaamijka doorashooyinka oo ay aheyd in dadweynuhu ay codkooda ka dhiibtaan ansixintiisa, ka horna dadweynaha looga akhriyo warbahinta, joornaaladana lagu qoro, isla markaasna si dadweynuhu u ogaadaan qiimeyna ku sameeyaan dastuurka cusub qodobadiisa iyo waxa uu dhigayo ayaan ilaa iminka aha mid ka qarsoon bulshada la doonayo in lagu dhaqo, waxaana ka codsaneynaa Maamulka Puntland in uu sida uga dhaqsaha badan bulshada ugu soo bandhigo dastuurka loo diyaariyey nidaamka Asxaabaha iyo doorashooyinka Puntland.
- Waxaanu ka digeynaa khatar walba oo ka imaan karta warbixinaha mala’awaalka ah ee looga been sheegayo tirakoobka dadweynaha ku nool Gobolada iyo degmooyinka Puntland iyadoo Beelaha ku dhaqan Puntland qaarna Majority lagu sheegay kuwana Minority lagu tilmaamay, qoraalkaasoo ay shaacisay Hayada PDRC kaasoo sal looga dhigay in lagu dabakho doorashooyinka loogu tala galay in ay Puntland ka dhacaan, taasoo aan marnaba aheyn wax la aqbali karo.
- Golaha Xeer Dejinta ee Puntland waxaa bulshadu u xulatay in ay ilaaliyaan nidaamka Puntland u degsan, waxaana muuqata in ay badankood ay noqdeen kuwo la shiraakoobay Golaha Xukuumada, taasina ay meesha ka saartay in ay ka hor-istaagaan Golaha Xukuumada khaladaadka maamul iyo sharci ee ay sida is daba jooga ah ugu talaabsaneyso. Waana Gole lagu mataali karo mid gabay shaqadii loo dirsaday, waxaana ka codsaneynaa bulshada Puntland in xubnaha kaga jira golahaas in ay u yeeraan isla markaasna ay su’aalo ka weydiiyaan sida ay u doonayaan in ay bulshada ugu difaacaan habaca siyaasadeed ee sababi kara in maamulkan ay bulshadu kalsoonida ugala noqoto.
- Waxaa caddaan ah in bulshaweynta hoos harsaneysa maamulka Puntland ay 12-kii sano ee la soo dhaafay ay daashadeen musuqmaasuq iyo xisaabtan la’aan horsed u noqday in ay ragaado wax-qabadkii dalka iyo bulshada loo qaban lahaa, ayna jiraan shakhsiyaad si naxariis darro ah u gacan togaaleeyey hantidii ummadda ee wax looga qaban lahaa dib u dhiska wadanka, sida dariiqyada, garoomada diyaradaha, dayactirka iyo dhismaha dekeddaha, dhiirigelinta wax-soo-saarka, horumarinta reer miyiga, qodista ceelasha maadaama Puntland ay dhacdo dhul oomane ah, iyo guud ahaan horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul wanaaga, waxaana la oran karaa Puntland waxaa maanta ka horumarsan gobolo badan oo dagaalo iyo colaado soo daashadeen mudadii burburka ay Soomaaliya aheyd..
- Waxaanu ka codsaneynaa masuuliyiinta maamulka Puntland in ay faahfaahin ka bixiyaan, bulshadana ka qanciyaan dhaqaalaha ka soo galay deeqaha caalamiga ah oo aysan muuqan in wax la taaban karo lagu qabtay, iyo Lacago Malaayiin Doolar ah oo ay bixiyeen shirkadaha Shidaal barista ka wada puntland iyo shirkadda Saracen oo 20 Doolar in ka badan laga qaatay iyo kuwo kale oo Kalluumeysiga iyo Royalatiga shirkadaha ganacsiga laga qaado ay ka mid yihiin, dhaqaalahaasoo aan marnaba lagu sheegin in miisaaniyada Puntland lagu daray laguna jaangooyey in horumarka wadanka looga qayb qaato. Su’aashan waxay noqotay mid waajib nagu ah, maadaama Golihii Baarlamaanka ee la rabay in ay ilaaliyaan ay ka indho qarsadeen.”?
- Puntland waxay ku tilmaamneyd hooyada Xoriyada hadalka iyo tixgelinta Saxaafada iyo Suxufiga, waayo, hadalku wuxuu daawo u yahay runta iyo xaqiiqada bulshada noloshoodu ku xiran tahay si looga gudbo haddii ay jiraan xaalado madmadow ku jiro, waana arrin fiican in muwaadinku fikirkiisa cabiri karo oo sheegi karo wixii uu u arko in ay masiirkiisa iyo masiirka ummadiisa ku xun, mudadii maamulkan cusub uu awooda la wareegay waxaa soo shaac baxday in xabsiga loo taxaabo shakhsigii afka ka yeera, suxufigii ama idaacadii ka hadasha arrin uusan daneynayn Madaxweynaha Maahmaah ayaa oraneysa “Ninkii hulaab xun in uu wax qarsanaaa la moodaa”
- Arrimaha kor ku xusan oo dhan iyo kuwo badan oo halkan aanan ku sheegin oo weli dadweynuhu is-weydiinayo ayaa waxay muujinayaan walaac iyo welwelka laga qabi karo in maamulkii Puntland ee ummadani ay door biday in ay ku kaga baxaan dhibaatada dowladda la’aantu keentay ka hor inta aan nidaam dowladeed laga helayo, hadse waxaa la wada arkaa in raga qaarkiis u bedeleen nidaam Diktatoori ah oo dadka caburiya waxna aan u qaban, khatar burbur keeni kartana ay soo wajahan tahay haddii aan la ogolaan in khaladka jira la saxo, taladana la kala qaadan, xisaabtan dhab ahnina uusan imaan.
- Ugu-danbeyntii waxaanu ku talinaynaa in khatarta ay horseeday maamul xumada, damaca iyo khiyaamada in laga daayo Puntland, in lagu soo dhowaado runta iyo xaqiiqada Puntland ay baahida u qabto, in talada degsiimada dadka ku nool wax looga ogolaado, in loo soo jeensado dhowrista qawaaniinta Puntland dhidibada loogu taagay haddi kale waxaa imaaneysa in shacabka intii isku talo ahiba ay u guntadaan sidii dhibaatada looga saari lahaa degsiimada y ku nool yihiin, sida haddaba ka bilaabatay Caluula iyo Baargaal (Ras Caseyr State) oo wax badan laga qabtay mudadii uu jiray maamulkaas ugubka ah.
Wa Bilaahi Towfiiq.
Bayaankan waxaa si wadajir ah u qoray.
Waxgaradka iyo Aqoonyahanahada Beesha Cali Saleebaan ee dalka
dibadiisa iyo gudihiisa ku dhaqan.
si adag waxay uga hadleen xubnaha dhowaan ay golayaasha dowladu u
magacaabeen Guddiga Doorashooyinka Puntlando iyo guud ahaan
jiritaanka Puntland oo ay ku tilmaameen mid khatari ku soo wajahan
tahay, haddii aan la helin cid badbaadisa.
Shir ay ka soo qayb galeen Qurbajoogta, Aqoonyahano, Nabadoono iyo
wax-garad kale oo ka tirsan beesha Cali Saleebaan oo lagu qabtay
magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay dhowr qodob
oo tala ahaan ay beeshaasi ugu gudbineyso maamulka Puntland waxaana ka
mid ah:-
1. Si loo gaaro nidaanka doorashooyinka ku dhisan ee muwaadinka
Puntland si xoriyad ah codkiisa uu wax ugu dooran karo waxaa lama
huraan ah in wadada loo marayo jidkaas in ay noqoto mid cadaalad ah oo
aan madmadow ku jirin, sida haddaba ka muuqata ambaqaadka ugubka ah ee
lagu soo hormariyey magacaabista Guddiga Doorashooyinka Puntland oo u
muuqda mid deg degi ku jirto laguna majaro habaabinayo ujeedooyinkii
laga lahaa nidaamka doorashooyinka xor ah ee ku dhisan habka
Xisbiyada.
2. Shirweynihii Garoowe ee lagu hirgeliyey nidaamka maamul goboleedka
Puntland ayaa Axdigii KMG ahaa ay bulshada Puntland ku qeexday in
sanadkii 2002 ay Puntland u gudubto nidaamka Xisbiyada ee
muwaadiniintu codkooda wax ku dooran karaan, waxaana xiligan soo
gaarsiiyey siyaasiyiinta Puntland oo u arkay in sii jiritaanka maamul
goboleedka iyo 66 Xildhibaan oo codkooda la iibsado ay uga macaash
badan tahay in nidaam kale looga gudbo.
3. Dastuurka cusub ee loogu tala galay barnaamijka doorashooyinka oo
ay aheyd in dadweynuhu ay codkooda ka dhiibtaan ansixintiisa, ka horna
dadweynaha looga akhriyo warbahinta, joornaaladana lagu qoro, isla
markaasna si dadweynuhu u ogaadaan qiimeyna ku sameeyaan dastuurka
cusub qodobadiisa iyo waxa uu dhigayo ayaan ilaa iminka aha mid ka
qarsoon bulshada la doonayo in lagu dhaqo, waxaana ka codsaneynaa
Maamulka Puntland in uu sida uga dhaqsaha badan bulshada ugu soo
bandhigo dastuurka loo diyaariyey nidaamka Asxaabaha iyo
doorashooyinka Puntland.
4. Waxaanu ka digeynaa khatar walba oo ka imaan karta warbixinaha
mala’awaalka ah ee looga been sheegayo tirakoobka dadweynaha ku nool
Gobolada iyo degmooyinka Puntland iyadoo Beelaha ku dhaqan Puntland
qaarna Majority lagu sheegay kuwana Minority lagu tilmaamay,
qoraalkaasoo ay shaacisay Hayada PDRC kaasoo sal looga dhigay in lagu
dabakho doorashooyinka loogu tala galay in ay Puntland ka dhacaan,
taasoo aan marnaba aheyn wax la aqbali karo.
5. Golaha Xeer Dejinta ee Puntland waxaa bulshadu u xulatay in ay
ilaaliyaan nidaamka Puntland u degsan, waxaana muuqata in ay badankood
ay noqdeen kuwo la shiraakoobay Golaha Xukuumada, taasina ay meesha ka
saartay in ay ka hor-istaagaan Golaha Xukuumada khaladaadka maamul iyo
sharci ee ay sida is daba jooga ah ugu talaabsaneyso. Waana Gole lagu
mataali karo mid gabay shaqadii loo dirsaday, waxaana ka codsaneynaa
bulshada Puntland in xubnaha kaga jira golahaas in ay u yeeraan isla
markaasna ay su’aalo ka weydiiyaan sida ay u doonayaan in ay bulshada
ugu difaacaan habaca siyaasadeed ee sababi kara in maamulkan ay
bulshadu kalsoonida ugala noqoto.
6. Waxaa caddaan ah in bulshaweynta hoos harsaneysa maamulka Puntland
ay 12-kii sano ee la soo dhaafay ay daashadeen musuqmaasuq iyo
xisaabtan la’aan horsed u noqday in ay ragaado wax-qabadkii dalka iyo
bulshada loo qaban lahaa, ayna jiraan shakhsiyaad si naxariis darro ah
u gacan togaaleeyey hantidii ummadda ee wax looga qaban lahaa dib u
dhiska wadanka, sida dariiqyada, garoomada diyaradaha, dayactirka iyo
dhismaha dekeddaha, dhiirigelinta wax-soo-saarka, horumarinta reer
miyiga, qodista ceelasha maadaama Puntland ay dhacdo dhul oomane ah,
iyo guud ahaan horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul wanaaga,
waxaana la oran karaa Puntland waxaa maanta ka horumarsan gobolo badan
oo dagaalo iyo colaado soo daashadeen mudadii burburka ay Soomaaliya
aheyd..
7. Waxaanu ka codsaneynaa masuuliyiinta maamulka Puntland in ay
faahfaahin ka bixiyaan, bulshadana ka qanciyaan dhaqaalaha ka soo
galay deeqaha caalamiga ah oo aysan muuqan in wax la taaban karo lagu
qabtay, iyo Lacago Malaayiin Doolar ah oo ay bixiyeen shirkadaha
Shidaal barista ka wada puntland iyo shirkadda Saracen oo 20 Doolar in
ka badan laga qaatay iyo kuwo kale oo Kalluumeysiga iyo Royalatiga
shirkadaha ganacsiga laga qaado ay ka mid yihiin, dhaqaalahaasoo aan
marnaba lagu sheegin in miisaaniyada Puntland lagu daray laguna
jaangooyey in horumarka wadanka looga qayb qaato. Su’aashan waxay
noqotay mid waajib nagu ah, maadaama Golihii Baarlamaanka ee la rabay
in ay ilaaliyaan ay ka indho qarsadeen.”?
8. Puntland waxay ku tilmaamneyd hooyada Xoriyada hadalka iyo
tixgelinta Saxaafada iyo Suxufiga, waayo, hadalku wuxuu daawo u yahay
runta iyo xaqiiqada bulshada noloshoodu ku xiran tahay si looga gudbo
haddii ay jiraan xaalado madmadow ku jiro, waana arrin fiican in
muwaadinku fikirkiisa cabiri karo oo sheegi karo wixii uu u arko in ay
masiirkiisa iyo masiirka ummadiisa ku xun, mudadii maamulkan cusub
uu awooda la wareegay waxaa soo shaac baxday in xabsiga loo taxaabo
shakhsigii afka ka yeera, suxufigii ama idaacadii ka hadasha arrin
uusan daneynayn Madaxweynaha Maahmaah ayaa oraneysa “Ninkii hulaab xun
in uu wax qarsanaaa la moodaa”
9. Arrimaha kor ku xusan oo dhan iyo kuwo badan oo halkan aanan ku
sheegin oo weli dadweynuhu is-weydiinayo ayaa waxay muujinayaan walaac
iyo welwelka laga qabi karo in maamulkii Puntland ee ummadani ay door
biday in ay ku kaga baxaan dhibaatada dowladda la’aantu keentay ka
hor inta aan nidaam dowladeed laga helayo, hadse waxaa la wada arkaa
in raga qaarkiis u bedeleen nidaam Diktatoori ah oo dadka caburiya
waxna aan u qaban, khatar burbur keeni kartana ay soo wajahan tahay
haddii aan la ogolaan in khaladka jira la saxo, taladana la kala
qaadan, xisaabtan dhab ahnina uusan imaan.
10. Ugu-danbeyntii waxaanu ku talinaynaa in khatarta ay horseeday
maamul xumada, damaca iyo khiyaamada in laga daayo Puntland, in lagu
soo dhowaado runta iyo xaqiiqada Puntland ay baahida u qabto, in
talada degsiimada dadka ku nool wax looga ogolaado, in loo soo
jeensado dhowrista qawaaniinta Puntland dhidibada loogu taagay haddi
kale waxaa imaaneysa in shacabka intii isku talo ahiba ay u guntadaan
sidii dhibaatada looga saari lahaa degsiimada y ku nool yihiin, sida
haddaba ka bilaabatay Caluula iyo Baargaal (Ras Caseyr State) oo wax
badan laga qabtay mudadii uu jiray maamulkaas ugubka ah.
Wa Bilaahi Towfiiq.
Bayaankan waxaa si wadajir ah u qoray.
Waxgaradka iyo Aqoonyahanahada Beesha Cali Saleebaan ee dalka
dibadiisa iyo gudihiisa ku dhaqan.
