Qiyaastii 1100 Arday oo Somaaliyeed ayaa wax Ka Barta Jaamacadaha kala duwan ee ku yaala Dalkan Uganda, kuwaas oo Daraaseeya Kuliyadaha kala Duwan ee Culuumta Maadiga ah.Sanadkan waxay ahayd Tira-dii ugu Badnayd oo Arday Somaliyeed ah oo ka Qalinjebisa Jaamacada Kampala International University oo ah Jaamacada ay ugu Badanyihiin Ardayda Somaliyeed waxaana ka dhacay Taariikh ugub ku ah Jaamacada ka dib Markii Ardaygii ugu Sareeyey Sanadka uu noqday Arday Somaaliyeed oo kaalinta Koowaad u Galay Jaamacada oo dhan oo ay Sanadkan ka qalinjebiyeen Arday Dhan 5000 kun iyo 64 Arday oo ka kala yimi Daafaha Aduunka.
Abuukar Yuusuf Waa Ardayga jebiyey Socoradii hore loo soo dhigay jaamacada waxaana uu sanadka Godoomay Bilad Sharaf la gudoonsiiyo Ardayga ugu Sareeya Jaamacada waxaana uu ku qaaday Dhibca Gaadhaya 4.67 ee Gareedhe-ka ay Jaamacaduhu isticmaalaan.
Abuukar Yuusuf waxa uu ka qalinjebiyey Kuliyada Computer Science, Waana Arday Somaliyeed oo Lagu Bartay inuu Kaalinta Koowaad Markasta ka Galo 3-dii sano ee uu Jaamacada soo dhiganayey oo uu markasta ku soo Baxayey Buundooyin aan intaa ka hoosayn imtixaanadii laga soo qaaday taasoo uu Maanta ku soo khatimay inuu kaalinta koowaad ka galo Jaamacada oo dhan Fagaare Balaadhan oo lagu sagootinayey Ardayda Qalinjebisayna uu ku Gudoomay Bilad Sharaf-ka Sanadkan.
Maaamulka Jaamacada Kampala International University, Ururka Ardayda Somaliyeed ee Jaamacada, Xubna Meteleyey Somali Cummunity ee Uganda, iyo Dhamaan Ardayda Somaliyeed ee waxkabarata Jaamacadaha Dalkan Uganda ayaa waxay hanbalyo iyo Bogaadin u direen Abuukar Yuusuf iyagoo ugu Hanbalyey Guusha uu ka soo Hooyey Daraasadii uu Mudada u soo sabrayey.
Abuukar Yuusuf oo ka Hadlayey Xaflad Lagu Maamuusayey Guusha uu soo Hooyey oo ay kala qaybqaadanayeen Ardayda kale ee iyana Jaamacada ka qalinjebisay ayaa isna waxa uu Ardayda ku booriyey inay Akhriska Badiyaan ka fa’idaystaan wakhtigooda si’ay kaalmaha u horeeya ay waxbarashada uga galaan Somalina Magac ugu soo jiidaan.
C/qaadir Kaarshe
Kampala, Uganda
Kaarshe997@hotmail.com
