Ururka Dhalinyarada Maakhir Society Uk waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Golaha deegaanka Degmada Badhan sida qurxoon ee ay u doorteen Gudoomiye C/risaaq Axmed Ciise iyo Ku xigeenkiisa Marwo Saynab Cabdi Aar oo noqonaysa Gabadhii ugu horaysay ee ka qayb gasha golayaasha deegaanka P/land isla markaana gudoomiye ku xigeen ka noqota waana mid taariikhi ah oo ay soo hooyeen golaha deegaanka Badhameed oo muujiyay waxaan hore uga dhicin P/land
Waxan kaloo halkan hambalyo uga diraynaa Gudoomiyiha iyo ku xigeenkiisaba anagoo u rajaynayna in ilaahay u fudeediyo xilka loo igmaday oo ah masuuliyad aad u wayn una baahan in sida ay tahay looga soo baxo
Waxa kaloo mahad aan lasoo koobi Karin u diraynaa Gudidii Nabadoonada ahayd ee xilka wayn iska saaray inay kusoo daraan golaha deegaanka beesha Gabooye oo soomaalidu xaqooda aasto laakiin Nabadoonadu tusiyeen inay yihiin muwaadiniin xaq ku leh deegaankooda
Waxa kale oo aanu kula dar daarmaynaa dhamaan golaha deegaanka Degmada Badhan iyo gudoomiyayaasha la doortayba inay marwalba wada tashi la yimaadaan una dhabar adaygaan wax alaale iyo wixii horumarin ah iskana foogeeyaan danaha gaarka ah iyagoo ka horumarinaya danta guud ee loo doortay#
Golaha Fulinta Maakhir Society Uk
London
