webmaster@laasqoray.net

Booqashada R.Gaas ee Puntland iyo Gorgortanka Faroole

Ra’isulwasaaraha cusub ee somalia Dr: C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa saacadaha soo socda inuu Ka anba baxo magaalada muqdisho ee caasimada somalia isagoo mku wajahan deegaanada puntland kala bilaabi doona socdaalkiisa magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Ssocdaalka Ra’isulwasaaraha ayaa waxay la xidhiidhaa sidii uu wada tashiyo la xidhiidha Dhismaha xukuumadiisa  ula samayn lahaa masuuliyiinta Puntland oo beryahanba cabasha ka muujinayey in aan wax tala ah laga weydiin hanaan socodka hawlaha Dawlada ku meel Gaadhka ah.
 
Socdaalka Ra’isulwasaaraha ayaa dhanka kale wuxuu ku soo aadayaa iyadoo habeen hore xaflad lagu maamuusayey xulka 1-da Lulyo oo lagu qabtay magaalada Garoowe uu fariin u diray Ra’isulwasaare Gaas taas oo la xidhiidhay in puntland aanay aqbali doonin xukuumada cusub hadaan tala laga weydiin xubnaha puntland ee xukuumada ka mid noqonaya.
 
Madaxweynaha Puntland ayaan marna heshiis la noqon DF tan iyo intii uu hogaanka qabtay Madaxweyne Shariif waxaase Arintu cirka isku sii shareertay Imaanshihii Ra’isulwasaare Farmaajo iyo ka mid noqoshadii Golaha xukuumada ay ka mid noqdeen C/kariim Xasan jama iyo C/rashiid Xasan Khaliif oo ka soo kala jeeda Gobolada Sool iyo Mudug kuwaas oo faroole u arko inay caqabad ku yihiin Xukuumada Faroole Hogaamiyo.
 
Lama Oga in socdaalkan Ra’isulwasaare Gaas ku tegayo Puntland ay isku waafaqsanyihiin Madaxweyne Sheikh Shariif oo aan xidhiidh wanaagsan ka dhaxayn Horjoogaha Maamulka Puntland waxaan kaloo lagaranayn in Dr: uu ku guulaysan doono inuu isfahansiiyo Maamulka Puntland iyo DFKMG ah taasoo uu hore ugu fashilmay markii uu ahaa wasiirka, Waxaase Muuqata in heshiis ay gaadhaan labada garab aanay soo deg degayn Marka la’eego waxyaabaha ay labada dhinac isku hayaan ee la xidhiidha Gorgortanka Shakhsiyadeed ay ee doonayso Puntland taasoo ah hebel noo magacow iyo hebel naga bedel taasoo  xad gudub ku ah hanaanka shaqo ee Xukuumada KMG ah oo iyadu leh miisaamida Shakhsiga ka mkid noqonaya xukuumada.
 
C/qaadir Kaarshe
kampala Uganda.
kaarshe997@hotmail.com

Comments are closed.