Raysul wasaaraha Dowlada Turkiga Mudane Regep Ordagan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho maalmo kadib markii ay magaalada ay soo gaareen diyaarado sida Deeqooyin loogu tala galey dadka tabaaleysan ee Muqdisho kusoo qaxay.

Imaanshaha Raysul wasaaraha ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee masuul sare oo ka socda Dowladaha caalamka uu ku tago magaalada Muqdisho tan iyo intii Dowladii hore dhacdey ee bilowgii 1990dkii.

Regep Ordogan ayaa waxaa la qorsheynayaa inuu la kulmo masuuliyiinta oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Dowlada ku meel gaarka ah Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysul wasaaraha Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas

Waxaa xusid mudan in Madax weynaha Somalia uu hore ugu booqdey Dowlada Turkiga oo si diiran dalkaas loogu soo dhoweeyey isla markaana aad moodid tani iney jawaab ka tahey safarkaas waagaa dhacay inkastoo xaaladu ay hada ka duwan tahey tii hore oo ay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo dad badani ay macaluul ugu bakhtiyeen koonfurta Soomaaliya.
DAAWO SAWIRADII SOO DHOWEYNTA Mr Erdogan




LaasqorayNET- Muqdisho

