webmaster@laasqoray.net

Caasimada Soomaaliya, Muqdisho oo laga xusey 26ka Juune

Saacada Geeska Afrika markey aheyd 12kii habeenimo ayaa waxaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho la surey calanka suuban ee Soomaaliya iyadoo ay xafladani aheyd mid si balaaran loo soo agaasimey oo ay kasoo qeyb galeen, madaxda Dowlada Soomaaliya, Saraakiisha ciidanka, Danjireyaal iyo wufuud kale oo badan isla markaana ay madaxda Soomaaliya qaarkood ay kasoo jeediyeen hadalo iyo bogaadin.

Munaasabada Dabaal dega iyo damaashaadka 26ka Juun ayaa waxaa heeso iyo riwaayado kasoo jeediyey qaar ka mid ah Hobolada iyo fanaaniinta Waaberi iyadoo ay taasi qiiro gelisey dad weynihii goobtaas ku sugnaa.

Ra’iisul wasaaraha dowladda C/wali Max’ed Cali oo qudbad ka jeediyay Munaasabadaasi ayaa goobtaas ka hadley isla markaana sheegey iney dad badani usoo halgameen xoriyadii Soomaaliya oo ay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ahaayeen kuwo ay dadkoodii kusoo dhiig baxeen, isagoo intaa ku darey in 20kii Sano ee ugu danbeeyey ay umada SOomaaliyeed rafaad iyo dayac iyo dhiig baxa ay ku sugnayd.

Sidoo kale goobtaas waxaa ka hadley Madaxweynaha Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyihiisa Baarlamaanka, Wasiiro oo ay dhamaantood u hanbalyeeyeen Umada Soomaaliyeed Sanad guurada 51aad ee bixitaankii Gumeystihii Ingiriiska ee Gobolada Waqooyi.

LaasqorayNET-Muqdisho

Comments are closed.